Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Biyo-yaraan ka jirta Bacaadweyne iyo qiimaha lagu heli karo oo kor u kacay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 25, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bashiir Cali Maxamuud oo qoyskiisu yahay siddeed qof waxaa uu ka mid yahay in kabadan 1,500 oo qoys oo ku nool deegaanka Bacaadwayne ee koonfurta gobolka Mudug oo horraantii bishii luulyo wajahayay xaalad biyo yari oo ka dhalatay ceel-gacmeedyadii keli ahaa ee ay biyaha ka heli jireen dadka deegaanku oo duugmay markii daadad ku soo rog-madeen bishii May ee sannadkan.

Qoysaska halkan ku nool oo deegaanno kale u barakacay markii daadku ku rogmaday magaalada ayaa xaaladan dhinaca biyaha ah la kulmay markii badankood ay deegaankoodii dib ugu soo noqdeen. Bashiir iyo qoyskiisu waxay xilligan la daala-dhacayaan qiimaha biyaha ay ku heli karaan oo aad qaali uga noqotay. deegaanka ayaa booyado ay biyo uga keenaan deegaano ka fog ilaa 8km, iyadoo booyadda afartanka fuusto qaadda ay ku helaan wax ka badan $150.

Hab dayn ah ayuu inta badan Bashiir ku helaa biyaha ay qoyskiisu u baahan yihiin maalintii maadama fuustadii ay ku dhowaatay $4  sida uu u sheegay Raadiyo Ergo.

“Booyad cid shuban karta lama arko, ciddaa isku leex-leexda, waxaa is-raadsada 40 qoys camal waxay raadiyaan booyad, baraagta biyaheeda waa la soo wada gadaa” ayuu yiri.  Qoyskiisa ayaa maalintii oo dhan isticmaala wax ka yar 10 liiter oo biyo ah maaddaama uu beekhaamiyo fuusto-barkeed oo uu daynta ku helay labo maalin ka hor, cunnada iyo cabitaanka carruurta ayaana loo isticmaala biyahaas.

Qoysas badan oo ku sugan deegaankan ayaa mudo bil ah ku tiirsanaa biyo-dhaamin ay wadday hay’adda IOM oo qoyskiiba siinaysay 45 litir maalintii, sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijiyeen maamulka deegaanku. Biyo-dhaamintaas ayaana iminka joogsatay.

Bashiir waxaa uu ahaa muruq-maal ka mid ah xoogsatada la baxa cusbada deegaankaas uu caanka ku yahay, waxaase lafteeda saamayn ku yeeshay daadadka, biyaha badan iyo bacaad galay goobaha cusbada laga qodo ayaa hor istaagay howlihiisii shaqo. Bashiir ayaa rajo xumo ka muujiyay duruufaha nololeed ee soo wajahday oo ay u sii dheertahay sida lagu helayo biyaha oo adkaatay, wuxuu sheegay inuu qorshaynayo inuu deegaanka isaga guuro.

“Waxaa lagu nool yahay waa biyo meeshu haddii aysan biyo lahayn lama joogikaro, hadda baraagaha aan biyaha ka soo gadanaa way sii dhamaanayaan” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in biyo yarida ay u wehliso hoy-xumo maaddaama qaybo kamid ah gurigiisa daadadku dumiyeen.

Dhibaatada biyo yarida waxaa ay sidoo kale haysaa xoolo-dhaqatada ku nool miyiga deegaanka Bacaadwayne. Cabdullaahi Yuusuf Siyaad oo ah 60 jir, waa odayga qoys saggaal qof ka kooban isla markaasna miyiga ku dhaqanaya 90 neef oo ari ah, ilaa bishii hore xoola-dhaqato uu Cabdullaahi ka mid yahay dhaqaalo badan ayaa kaga baxay biyihii markii hore ay bilaashka ku heli jireen.

“Qiyaastii ninka dhex-dhexaadka ah ee 100 neef wata bishii waxaa ku soo baxaysa $300 ilaa $350, mar mar ariga jarka ah baan gadannaa mar mar dukaan-layda inta la aado yaa la yiraa ninyahow igu qor lacagta aan baraagtaas biyo uga qaatee hadhow baan ariga jarka ah ku siin doonaaye marba si baa la yeelaa”

Ariga uu dhaqanayo ayuu sheegay in toddobaadkiiba mar ay u baahan yihiin biyo badan oo ay cabbaan, taas oo keentay in mar horeba lagu yeesho $100 dayn ah. Cabdullaahi wuxuu sheegay in Baraagaha ku yaalla deegaannada ay u arooraan ay ka iibsadaan 20 litir ee biyaha ah lacag ku dhow $1, xoolo-dhaqatada uu ka mid yahay ayuu sheegay in ay aad ugu adagtahay culayska dhaqaale ee biyaha iibka ah ay kala kulmayaan.

Axmed Daahir Macalin gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyne ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka deegaanku aysan waxba ka qaban karin qodidda iyo dayac-tirka ceelasha duugmay, isagoo xusay in ceel-gacmeedyada ugu badan ee laga cabbi jiray ay ku yaaleen xaafadda ka mid ah kuwa ay sida xun ugu dheceen daadadku bishii May, taas oo xataa guryihii ku yiilay aysan dadku weli ku noqon.

“Ceel-gacmeedna waan ka rajo dhignay, waxaan ka muujinayna rajo dhig ah in aan waxba laga qaban karin, dadkaan rajadoodu aad bey u liitada balse ilaahii halkan ku abuuray bey leeyihiin”

Siddeed iyo toban ceel-gacmeed oo Bacaadwayne ku yaallay ayuu xusay burbureen.

Previous Post

Howlaha bani’aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed

Next Post

Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo