(Ergo) – Deegaanka Dhagaxyaale oo koonfur ka xiga Guriceel 55 km oo ay ku nool yihiin 350 qoys iyo 18 tuulo oo ku hareereysan ayaa ka faa’iideysanaya xarun caafimaad oo dadka siisa adeegyo bilaash ah.
Xaruntan oo ah daash ay dadka deegaanku dhiseen waxaa daawo, sheybaar, sariirta bukaan jiifka iyo dhaqtarkii ka howlgalayay geeyay ganacsato iyo dhaqatiir ku nool Guriceel oo uu uga baxay qarash dhan $700.
Dhaqtar Faarax Jeelle Cabdijibaar oo ah dhaqtarka ka howl gala xarunta caafimaad ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay ku timid codsi dadka deegaanka uga yimid iyo kororka dadka sida fudud wax looga qaban karo xaaladooda oo Guriceel loo soo qaado oo ay dhib ku qabeen dadka tuulada ku nool.
“Maalmihii ugu horreyay waxaa la qaabilayay dad ka badan 40 qof, deegaanku waa miyiga laakiin dadka ka imanaya waxay la ekayeen dadka uu qaabilo isbitaalka magaalada ku yaalla kuwa ugu shacbiyada badan, 7 km 15 km 30 km meel u jirta ayaa laga soo aadaa.”
Faadumo Cismaan oo toddobaadkii hore ku umushay xarunta caafimaad ayaa ka heshay daryeel aysan ka filaneyn in ay tuuladeeda ka heli karto. Waxay horay labo jeer ula kulantay dhiig bax iyadoo foolaneysa waxaana loo qaaday Guriceel.
“Waxaan umulay shan habeen ka hor, dhiig baxa cirbad ayaa la iga siiyay, waxaa la I siyay kaniiniga uuryaal, wax badan ayaan ka helay gaarigii iyo dhibka ayaan ka reystay hadda guriga agtiisa ayaan ka helay adeega caafimaad Alxamdulillaah”
Guddoomiyaha Dhagaxyaale Axmed Cabdi Warsame ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka tuulada Dhagaxyaale ay rabeen in ay dhistaan xarun jiingad ka sameysan balse dhaqaatiirta ay u sheegeen in daawada iyo dadka bukaanka ah daashkan uu kaga qabow yahay jiingada.
Wuxuu xusay in ay qorshaha ugu jirto in ay dhistaan xarun dhagax ah si ay taas u garaanna ay dadka tuulada ka aruurinayaan xoolo. Wuxuu ka warramay dhibka ay leedahay la’aanta xarun caafimaad.
“Waxa ugu badan ee ay dadka halkan ku nool dhibka ku qabeen waa qaniinyada masaska iyo dhiig baxa, habeen haddii aan la arag habeenka kale waan aragnaa, arrimaha kale caafimaad darrada iyaguna waa ay na heysteen hadda xaruntan ayaa naga soo gaartay.”
Dhaqtar Faarax Jeelle ayaa xusay in xarunta ay hadda tababar ku siiyaan dhallinyaro deegaanka ah kuwaas oo la baro habka duriinka iyo sida loola tacaalo dadka xaaladaha degdega ku jira.