Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 25, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

Dhaqtarka oo haweenay faleembo suraya/Cabdirisaaq Haajirow/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Deegaanka Dhagaxyaale oo koonfur ka xiga Guriceel 55 km oo ay ku nool yihiin 350 qoys iyo 18 tuulo oo ku hareereysan ayaa ka faa’iideysanaya xarun caafimaad oo dadka siisa adeegyo bilaash ah.

Xaruntan oo ah daash ay dadka deegaanku dhiseen waxaa daawo, sheybaar, sariirta bukaan jiifka iyo dhaqtarkii ka howlgalayay geeyay ganacsato iyo dhaqatiir ku nool Guriceel oo uu uga baxay qarash dhan $700.

Dhaqtar Faarax Jeelle Cabdijibaar oo ah dhaqtarka ka howl gala xarunta caafimaad ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay ku timid codsi dadka deegaanka uga yimid iyo kororka dadka sida fudud wax looga qaban karo xaaladooda oo Guriceel loo soo qaado oo ay dhib ku qabeen dadka tuulada ku nool.

“Maalmihii ugu horreyay waxaa la qaabilayay dad ka badan 40 qof, deegaanku waa miyiga laakiin dadka ka imanaya waxay la ekayeen dadka uu qaabilo isbitaalka magaalada ku yaalla kuwa ugu shacbiyada badan, 7 km 15 km 30 km meel u jirta ayaa laga soo aadaa.”

Faadumo Cismaan oo toddobaadkii hore ku umushay xarunta caafimaad ayaa ka heshay daryeel aysan ka filaneyn in ay tuuladeeda ka heli karto. Waxay horay labo jeer ula kulantay dhiig bax iyadoo foolaneysa waxaana loo qaaday Guriceel.

“Waxaan umulay shan habeen ka hor, dhiig baxa cirbad ayaa la iga siiyay, waxaa la I siyay kaniiniga uuryaal, wax badan ayaan ka helay gaarigii iyo dhibka ayaan ka reystay hadda guriga agtiisa ayaan ka helay adeega caafimaad Alxamdulillaah”

Guddoomiyaha Dhagaxyaale Axmed Cabdi Warsame ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka tuulada Dhagaxyaale ay rabeen in ay dhistaan xarun jiingad ka sameysan balse dhaqaatiirta ay u sheegeen in daawada iyo dadka bukaanka ah daashkan uu kaga qabow yahay jiingada.

Wuxuu xusay in ay qorshaha ugu jirto in ay dhistaan xarun dhagax ah si ay taas u garaanna ay dadka tuulada ka aruurinayaan xoolo. Wuxuu ka warramay dhibka ay leedahay la’aanta xarun caafimaad.

“Waxa ugu badan ee ay dadka halkan ku nool dhibka ku qabeen waa qaniinyada masaska iyo dhiig baxa, habeen haddii aan la arag habeenka kale waan aragnaa, arrimaha kale caafimaad darrada iyaguna waa ay na heysteen hadda xaruntan ayaa naga soo gaartay.”

Dhaqtar Faarax Jeelle ayaa xusay in xarunta ay hadda tababar ku siiyaan dhallinyaro deegaanka ah kuwaas oo la baro habka duriinka iyo sida loola tacaalo dadka xaaladaha degdega ku jira.

Previous Post

Mudug: Biyo-yaraan ka jirta Bacaadweyne iyo qiimaha lagu heli karo oo kor u kacay

Next Post

Baardheere: Qoyski ku barakacay fatahaadda oo cunto yari iyo hoy xumo ka cabanaya

Related Posts

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
Roobab ka da’aya buurallayda Itoobiya oo laga digayo inay khatar fatahaad ku keenaan webiga Shabeelle

Baardheere: Qoyski ku barakacay fatahaadda oo cunto yari iyo hoy xumo ka cabanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-SEP-2026

IDAACADDA 24-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo