Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

Radio Ergo by Radio Ergo
July 13, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Qiimaha xoolaha

Sawirrada kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suuq-xumada xoolaha ee ka jirta deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxa ay ku qasabtay Cismaan Maxamuud Geeddi oo ah aabbaha qoys toddobo qof ah in muddo laba toddobaad ah uu ku soo noq-noqdo sayladda xoolaha ee deegaanka Wisil oo 60 km u jirta Hobyo si uu iib ugu helo afar neef oo ari ah oo uu ka keenay miyiga.

Dhaqaale xumida ka dhalatay saamaynta Koroona Fayrus ayaa sababay in xoolo-dhaqatada magaalada Wisil iyo deegaannada ku dhow-dhow ay xoolahooda uga waayaan suuqyadooda wax ka iibsada.

Cismaan Geeddi oo aan ka quusan beec u helidda xoolihiisa ayaa masaafo dhan 30 km uga lugeeyay Wisil, markii uu sayladdeeda ka quustay si uu bal iib uga helo deegaanka Gawaan, haseyeeshee toban cisho ee uu la meereeysanaayay afartiisii neef weli cidina kama iibsan.

“Qof shilin haystaba wuu yar yahay, qofka ugu roon waxaa uu ku leeyahay aan kuu soo caddeeyo haddey soo caddeysana iyada lafteeda siday kaaga qaadday oo kale baa looga qaadanayaa, marka intaan is qab-qabsan lahayn waxaan niri xoolaheenna ama aan qal-qalanno ama aan iska soofsanno oo hanoo daaqeen.” Ayuu yiri.

Dhibaatadan waxaa Geeddi la qaba boqollaal xoolo-dhaqta ah oo xilligaan oo kale oo Carrafadu soo dhowdahay, xooluhuna sarar leeyihiin nacfigooda ka faa’iideysan jiray.

“Wixii dhamaa ee baladka laga soo gadan jiray xoolahaa lagu baddalan jiray lacagtooda xoolihiina way istaageen, nacfi si walba ah bey lahaayeen, arratir baad kala baxaysaa, bariis baad kala baxaysa, sonkor baad kala baxaysa, illeen miyi baad daggan tahaye, dadkii dukaamada ee wax laga iibsan jiray ee la dhihi jiray markii xooluhu gadmaan baan bixinaynaa iyaga laftigoodii kii horaa lagu gooyay, waxaa ii qorshaysan in aan Ilaahey baryo wax kale oo aan uga bixi karo ma leh,” ayuu yiri Geeddi.

Siddeetan neef oo ari ah oo uga soo doogay abaaro dhacay saddex sano ka hor ayuu dhaqanayaa. Qiima-dhaca xoolaha ayaa  keenay in ay is-xirto sayladdii xoolaha lagu kala iibsan jiray ee magaalada Wisil, halkaas oo maalintii lagu kala wareejin jiray 200 neef, wixii ka horreeyay bishii Juun. Cali Maxamed Jaamac (Cali Madoobe) waxa uu ka mid yahay dullaaliinta Sayladda Wisil, wuxuuna Raadiyo Ergo uga warramay in muddo dhowr iyo toban bari ah in aysan xoolo kala dullaalin.

“Xoolihii keenidooda waxaa la iskaga dhaafay wax wax iibsanaya haddeysan jirin, waa la keenay waa la iska ceshaday, waa la keenay waa la iska ceshaday, wax iibsamaya ma jiraan; dadkii magaalada joogay ee qalliinka ama ka waanka ahaana markii ay qalaan hilibka wax ka qaadanaya ma leh sababtoo ah lacagi ma jirto.”

Horraantii bishii Juun ayuu sheegay in suuq-xumadaan ay ku bilaabatay qiimo-dhac ku yimid xoolaha iyada oo neefkii labo bil ka hor suuqa ka joogay $60 uu gaaray $30 ama wax ka yar, waxaa uu xusay in xoolo-dhaqatada xilligaan oo kale ay faa’iido badan ku qabi jireen xoolahooda taasi oo hadda aan muuqan.

Iyada oo ay nagu soo foolleedahay bisha Carrafo xooluhuna sarartoodu wanaagsan tahay ayaa intaasba aysan saacidin xoolo-dhaqatada sida uu sheegay. Xasan Nuur Cilmi oo 68 neef ari ah ku dhaqanaya miyiga Wisil waxaa uu ka walaacsan yahay beec la’aanta xoolaha oo ah waxaa qoyskiisu ku tiirsan yahay, muddo shan bari ka badan qoyskiisa oo siddeed qof ah wax raashin ah ma helin xoolihii suuqa uu geeyayna lama iibsan.

“Mar saddex bari laga joogo ayaan suuuqqa ari geeyay, waxaan geeyay lix neef wax iga gatay lama arko dibna waan ula soo laabtay, awalba arigan raashinka kala bixi jirnay isna wuu noo gadmi diiday,” ayuu yiri isagoo aad uga xun xaaladda suuqa xooluhu uu marayo yiri.

Previous Post

Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Next Post

Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo