Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

Radio Ergo by Radio Ergo
July 13, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Qiimaha xoolaha

Sawirrada kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suuq-xumada xoolaha ee ka jirta deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxa ay ku qasabtay Cismaan Maxamuud Geeddi oo ah aabbaha qoys toddobo qof ah in muddo laba toddobaad ah uu ku soo noq-noqdo sayladda xoolaha ee deegaanka Wisil oo 60 km u jirta Hobyo si uu iib ugu helo afar neef oo ari ah oo uu ka keenay miyiga.

Dhaqaale xumida ka dhalatay saamaynta Koroona Fayrus ayaa sababay in xoolo-dhaqatada magaalada Wisil iyo deegaannada ku dhow-dhow ay xoolahooda uga waayaan suuqyadooda wax ka iibsada.

Cismaan Geeddi oo aan ka quusan beec u helidda xoolihiisa ayaa masaafo dhan 30 km uga lugeeyay Wisil, markii uu sayladdeeda ka quustay si uu bal iib uga helo deegaanka Gawaan, haseyeeshee toban cisho ee uu la meereeysanaayay afartiisii neef weli cidina kama iibsan.

“Qof shilin haystaba wuu yar yahay, qofka ugu roon waxaa uu ku leeyahay aan kuu soo caddeeyo haddey soo caddeysana iyada lafteeda siday kaaga qaadday oo kale baa looga qaadanayaa, marka intaan is qab-qabsan lahayn waxaan niri xoolaheenna ama aan qal-qalanno ama aan iska soofsanno oo hanoo daaqeen.” Ayuu yiri.

Dhibaatadan waxaa Geeddi la qaba boqollaal xoolo-dhaqta ah oo xilligaan oo kale oo Carrafadu soo dhowdahay, xooluhuna sarar leeyihiin nacfigooda ka faa’iideysan jiray.

“Wixii dhamaa ee baladka laga soo gadan jiray xoolahaa lagu baddalan jiray lacagtooda xoolihiina way istaageen, nacfi si walba ah bey lahaayeen, arratir baad kala baxaysaa, bariis baad kala baxaysa, sonkor baad kala baxaysa, illeen miyi baad daggan tahaye, dadkii dukaamada ee wax laga iibsan jiray ee la dhihi jiray markii xooluhu gadmaan baan bixinaynaa iyaga laftigoodii kii horaa lagu gooyay, waxaa ii qorshaysan in aan Ilaahey baryo wax kale oo aan uga bixi karo ma leh,” ayuu yiri Geeddi.

Siddeetan neef oo ari ah oo uga soo doogay abaaro dhacay saddex sano ka hor ayuu dhaqanayaa. Qiima-dhaca xoolaha ayaa  keenay in ay is-xirto sayladdii xoolaha lagu kala iibsan jiray ee magaalada Wisil, halkaas oo maalintii lagu kala wareejin jiray 200 neef, wixii ka horreeyay bishii Juun. Cali Maxamed Jaamac (Cali Madoobe) waxa uu ka mid yahay dullaaliinta Sayladda Wisil, wuxuuna Raadiyo Ergo uga warramay in muddo dhowr iyo toban bari ah in aysan xoolo kala dullaalin.

“Xoolihii keenidooda waxaa la iskaga dhaafay wax wax iibsanaya haddeysan jirin, waa la keenay waa la iska ceshaday, waa la keenay waa la iska ceshaday, wax iibsamaya ma jiraan; dadkii magaalada joogay ee qalliinka ama ka waanka ahaana markii ay qalaan hilibka wax ka qaadanaya ma leh sababtoo ah lacagi ma jirto.”

Horraantii bishii Juun ayuu sheegay in suuq-xumadaan ay ku bilaabatay qiimo-dhac ku yimid xoolaha iyada oo neefkii labo bil ka hor suuqa ka joogay $60 uu gaaray $30 ama wax ka yar, waxaa uu xusay in xoolo-dhaqatada xilligaan oo kale ay faa’iido badan ku qabi jireen xoolahooda taasi oo hadda aan muuqan.

Iyada oo ay nagu soo foolleedahay bisha Carrafo xooluhuna sarartoodu wanaagsan tahay ayaa intaasba aysan saacidin xoolo-dhaqatada sida uu sheegay. Xasan Nuur Cilmi oo 68 neef ari ah ku dhaqanaya miyiga Wisil waxaa uu ka walaacsan yahay beec la’aanta xoolaha oo ah waxaa qoyskiisu ku tiirsan yahay, muddo shan bari ka badan qoyskiisa oo siddeed qof ah wax raashin ah ma helin xoolihii suuqa uu geeyayna lama iibsan.

“Mar saddex bari laga joogo ayaan suuuqqa ari geeyay, waxaan geeyay lix neef wax iga gatay lama arko dibna waan ula soo laabtay, awalba arigan raashinka kala bixi jirnay isna wuu noo gadmi diiday,” ayuu yiri isagoo aad uga xun xaaladda suuqa xooluhu uu marayo yiri.

Previous Post

Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Next Post

Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
Next Post
Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-OCT-2026

IDAACADDA 29-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo