Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Radio Ergo by Radio Ergo
July 13, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Garowe: Gabar iyada oo shan maalin ummul ah gashay imtixaanka dugsiga sare

Faa'iso oo u fadhisa imtixaanka iyadoo gurigeeda joogta/Maxmed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faa’iso Axmed Khaalid oo ah 20 jir waxay kamid ahayd in ka badan 16 kun oo arday oo dhigta dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland oo imtaxaankii shahaadiga ahaa uu u soo dhamaaday toddobaadkii la soo dhaafay.

Faa`iso waxay u fariisatay imitixaankii ugu dambeeyay ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe, waxayna imtixaanka gashay iyadoo shan maalmood keliya umul ahayd, weliba lagu soo qalay ilmaha.

Faa`iso waxaa loo suurtageliyay iney imitaxaanka ku gasho gurigeeda, iyadoo loo sameeyay qof imtaxaanka u keena kuna ilaaliya. Waxayna Raadiyo Ergo uga sheekeysay sida ay uga welwelsanayd inay hal sano dib u dhici karto haddii ay haleeli waydo imtaxaanka xilligiisa.

“Hore waxaan uga welwelsana in imtixanaka iyo dhalmadu isaga kay beegmaan, markii hore imtixaanka waxaa la geli laha 2-dii Juun, waxaanan umulay 21-kii bisha, markaa aad baan uga welwelsanaa, balse markii dib lo dhigey waan ku farxay, haddana asaagay ayaan imtixaanka la galay, waxaan goostay in aanan marnaba ka harin imtixaanka.”

Safiyo Cabdullahi Cali oo ah gabadha u xilsaarnayd imtixaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay Faa’iso oo ka geddisnayd xaaladda ay imtixaanka ku gelaysay loo oggolaaday in ilmaha ay nuujiso, islamarkaasna loo fududeeyay xaajooyin kale, maaddama ay ahayd qof qalliin soo maray dhowaan.

“Maaddooyinkana qofka wey kiciyaan mid baa fudud mid baa adag, iyana waa qof iska xanuunsan, waxyaabaha ay u baahan tahay waxa weeye in ay ilmaha nuujiso, xamaamka gasho, iyo in ay nasato anoo ilaalinaya shuruucda imtixaanka, tusaale in ilmaha loo keeno oo ay nuujiso kaddibna la ceshoy.”

Faa’iso waxaa la guursaday iyada oo fasalka 11-aad ah, waxayna curatay iyada oo u fariisan rabta imtixaankii kama danbaysata, guurkeeda caqabad uma aragto, waxayna farriin u waddaa hablaha kale.

“In aad guursatid oo guri leedahaay caqabad ku noqon mayso in aad waxbarato, haddii ay niyad kaa tahay, waxbarashadaada iyo guurkaaga waa isku wadan kartaa, waxaan rabaa in aan sii wato waxbarashada ilaa heer jaamacadeed ama PHD,” ayay farriinteeda ku tiri Faa`iso.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay leedahay fayl gaar ah oo loogu talogalay dadka xaaladahan oo kale la soo darsaan, waxaana maalin kasta Faa’iso laga qoraaay warbixin, sida ay sheegtay Safiyo.

“Imtixaankan sidiisaba wasaaradda waa fududaysay, maaddaama Koroona jiray, qofka xanuunsanna wasaaradda waxay u samaysay fayl gaar ah iyo warbixin laga qoro maalin kasta wax kasta oo ku yimaado, waxaanan rajeynayaa in warbixintaasi wax fiican ka gudbin doonto.”

Ardeyda deegaannada Puntland waxay labadii bilood ee la soo dhaafay casharrada ka qaadanaayeen warbaahinta maxalliga ah iyo internetka, taas oo ardayda u suurtagelisay inay galaan imitixaanka shahaadiga ah.

 

Previous Post

Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

Next Post

Saadaal: Dhibaatada uu geysan duullaanka cusub ee ayaxa ku soo wajahan Soomaaliya

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Saadaal: Dhibaatada uu geysan duullaanka cusub ee ayaxa ku soo wajahan Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo