Barnaamijka ayaxa qeybtiisa toddobaadkan waxaan ku falanqeyneynaa ayax cusub oo duullaan ah oo la saadaalinayo inuu toddobaadyada soo socda ku soo wajahan yahay Soomaaliya.
Ayax oo la sheegay inuu ka imaanayo dhanka Itoobiya iyo Yemen ayay suurtagal tahay inuu culeys hor leh ku kordhiyo beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada oo horay ula daalaa-dhacay kadeedka koronkorradii hore. Khabiirku wuxuu sheegay inuu horseedi karo labo dhibaato oo ah inuu habsado dhul dihan oo uu cuno daaq iyo beero ka badbaaday weerarkii ayaxii hore iyo inuu ukumo noqon kara jiilal cusub ku aaso dalka.
Barnaamijka oo aan sidoo kale ku eegeyno xaaladdii u dameysay ee dhibaatada ayaxa uu ka geystay Soomaaliya waxaa igala qeyb-qaadanaya Dr. Xareed Cabdullaahi Nuur oo ah sarkaalka badbaadada beeraha dalka ee waaxda cayayaanka ee hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO, xafiiskeeda Garoowe.
Halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka oo uu soo jeedinayo Cabdiraxmaan Taysiir