Barnaamijka ayaxa waxaan qeybtiisa toddobaadkan ku soo qaadaneynaa cayayaan dilaha xilligan lagula dagaallamayo ayaxa ku habsaday Soomaaliya iyo waxa uu ka sameysan yahay.
Sida aan qeybtii toddobaadkii hore ku falanqeynay waxaa la adeegsan jiray sumo ka sameysan kiimiko xilliyada la sameynayo howlgallada ka dhanka ah ayaxa. Hase yeeshee cilmi-baaris iyo tijaabooyin badan oo ay sameeyeen dhaqaatiirta iyo khubarrada ku takhasusay cilmiga seyniska waxaa ka soo baxday in iyadoo laga fikirayo badbaadada noolaha iyo deegaanka la soo saaro, lana adeegsado cayayaan-dile ayaxa u gaar ah oo dadka, xoolaha, cayayaanka kale ee faa’iidada leh iyo deegaankaba aan halis ku ahayn.
Hay’adda FAO ayaa wasaaradaha beeraha Soomaaliya ka caawineysa inay helaan noocaas gaarka ah ee cayayaan-dilaha ah, iyadoo tababarro siineysa kooxaha u xilsaaran buufinta ayaxa.
Barnaamijka toddobaadkan waxaa ka qeybgalaya Dr. Maxamed Xasan Maxamuud oo ah sarkaalka badbaadada beeraha dalka ee waaxda cayayaanka ee hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO, xafiiskeeda Somaliland.
Halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka oo uu soo jeedinayo Cabdiraxmaan Taysiir.