Barnaamijka ayaxa waxaan qeybtiisa toddobaadkan ku falanqeyneynaa dhibaatada dhanka nolosha ah iyo cawaaqibka dambe ee ka dhalan kara weerarrada ayaxa.
Gobollo badan oo Soomaali ah ayuu ayaxu weerarro ku hayaa, iyadoo laga cabanayo saameynta uu ku yeeshay beeraha, dhul-daaqsimeedka iyo ilihii biyaha, hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudan waa; ma jiri karaan cawaaqib dambe oo weerarkaas ka dhalan kara oo nolosha bani’aadamka saameyn ku yeelan kara? Maxaase ugu wacan inuu ayaxu sanadkan aad uga bato sidii uu ahaa sanadkii hore.
Barnaamijka toddobaadkan waxaa ka qeyb galaya Dr. Xareed Cabdullaahi Nuur oo ah sarkaalka badbaadada beeraha dalka ee waaxda cayayaanka ee hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO, xafiiskeeda Garoowe.
Halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka oo uu soo jeedinayo Cabdiraxmaan Taysiir,