Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Agaasimaha idaacadda Hayaan, Xasan Cabdiraxman oo jooga xafiiskiisa Gaalkacyo/Jabriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Madaxda xarumaha warbaahinta Gaalkacyo iyo shaqaalahooda ayaa xilligaan ka walaacsan saamaynta dhaqaale ee xanuunka COVID-19 uu ku yeeshay shaqadooda. Weriyeyaal badan ayaa shaqo-joojin sameeyay markii ay mushaar waayeen, taasoo wax ka beddeshay jadwalkii maalinlaha ahaa ee idaacadaha.

Badanaaba waxay idaacaduhu ku tiirsan yihiin xayaysiimaha ganacsiga oo ay ka helaan dhaqaalaha yar ee ay wax ku wadaan. Hase yeeshee waxaa gebi ahaan hoos u dhacay dhaqdhaqaaqii ganacsi xannibaadaha looga hortagayo faafista cudurka awgood, waxaana aad u yaraaday dalabaadkii xayaysiinta.

Mas’uuliyiinta shan idaacad ayaa u sheegay Raadiyo Ergo inay ciriiri gashay habsamida shaqadoda, iyadoo 14 wariye ay ka tageen shaqooyinkii ay ka hayeen idaacadaha Codka Nabadda, Hayaan iyo Raadiyo Gaalkacyo.

Xasan Cabdiraxman Aadan oo ah agaasimaha idaacadda Hayaan ee ka howlgasha xarunta gobolka Mudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaalo-xumida la soo gudboonaatay saddexdii bil ee la soo dhaafay ay sababtay in ay awoodi kari waayeen bixinta mushaarka shaqaalaha, waxaana arrintaas darteed shaqo-jooin u sameeyay sagaal ka tirsan 15 weriye oo xarunta u shaqaynayay sida uu sheegay agaasimaha.

“Wax aan xayaysiinno ma laha, taasina waxay keentay guud ahaan wixii laga heli lahaa oo dhaqaale ahaa inay istaagaan oo ay noqotay in annagu aan wax tashiilno, qof walba wuxuu ku leeyahay meeshii dhaqaalaha laga helayay haddii aan wax laga helayn sheekadu isbixin mayso,” ayuu yiri agaasimaha.

Wuxuu xusay in billowgii cudurka safmarka ah iyaga oo raacaya talooyinka caafimaad ay weriyeyaashooda ku dhiirrigeliyeen inay ku shaqeeyaan guryaha, halkaas oo ay ka soo tabinayeen barnaamijyada, taasoo ay kala kulmeen caqabado xagga farsamada iyo qalabka ah.

“Wariyihii qalab ku filan ma haysto, laabtobkii, internetkii iyo howlihii kale, taasoo ay ugu sii daran tahay dhaqaalihii oo aan isbixinayn. Cudurkan meel uusan saamayn ma lahan warbaahintuna qayb bey ka tahay,” ayuu yiri.

Weriyeyaasha u sii dhabar adaygaya inay shaqeeyaan xilligan adag waxaa ka mid ah Rubaab Cabdullaahi Jaamac oo ka howlgasha Raadiyo Gaalkacyo. Koroonaha ka hor waxay soo saari jirtay saddex barrnaamij, haddase waxay ka badin wayday labo barnaamij oo ay iyadu ka tahay soo-saare iyo tebiye,

“Waxaa meesha ka baxay shaqaalihii faraha badnaa oo idaacadda wada-joogi jiray isla sheekaysan jiray, markii feyruska Korona uu dhashay waxa ay noqotay in la kala fogaado,” ayay tiri.

Suxufiyadaan iyo weriyeyaasha kale ee ka howlgala Raadiyo Gaalkacyo ayaa ka helay agabka loo isticmaalo iska ilaalinta fayriska Korona Ururka Warbaahinta Puntland. Agabkan oo isugu jira gacmagashiga, maaskerada iyo jeermisdilaha ayaa la gaarsiiyay saddex idaacad oo ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Xoghayaha guud ee ururka warbaahinta Puntland ee MAP, Naciima Muuse Cilmi oo ka walaacsansan saamaynta shaqada warbaahinta uu ku yeeshay xanuunka Koroonaha ayaa sheegtay in warbaahintu aysan haysan taageero dhaqaale oo ay kaga kabtaan duruufaha si ay u sii wadaan howlaha wacyigelinta oo ay u hayaan bulshada weliba waqtigan xasaasiga ah ee uu jiro cudur faafaya.

Naciimo ayaa walaac ka muujisay cabashooyinka faraha badan ee ka soo gaaraya weriyeyaasha ku shaqada-beelay Koronaha, waxayna xustay in ka badan 300 oo weriye oo ka howlgala soddon xarumood inay saameeysay dhibaatadan.

“Saamaynta dhaqaale ee weriyeyaasha uu ku yeeshay COVID-19 waxay kala mid yihiin  bulshada Soomaliyeed, hay’adaha gargaarka ee waddanka jooga qorshe ay ka leeyihiin oo ay ku kabayaanna ma jirto,” ayay tiri.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo ay awalba haysteen dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amniga iyo sida ay maamullada ula dhaqmaan markii laga hadlaayo xorriyadda hadalka, kalana kulmaan xarig, hanjabaado iyo cabburinba ayaa waxaa iminka ugu sii darsoomay dhaqaale-xumi.

Previous Post

Jowhar: Ardayda iska bixin waayay lacagta iskuulka oo ka walaacsan inay imtixaannada ka haraan

Next Post

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-24-JAN-2026

IDAACADDA-24-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-24-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo