Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Agaasimaha idaacadda Hayaan, Xasan Cabdiraxman oo jooga xafiiskiisa Gaalkacyo/Jabriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Madaxda xarumaha warbaahinta Gaalkacyo iyo shaqaalahooda ayaa xilligaan ka walaacsan saamaynta dhaqaale ee xanuunka COVID-19 uu ku yeeshay shaqadooda. Weriyeyaal badan ayaa shaqo-joojin sameeyay markii ay mushaar waayeen, taasoo wax ka beddeshay jadwalkii maalinlaha ahaa ee idaacadaha.

Badanaaba waxay idaacaduhu ku tiirsan yihiin xayaysiimaha ganacsiga oo ay ka helaan dhaqaalaha yar ee ay wax ku wadaan. Hase yeeshee waxaa gebi ahaan hoos u dhacay dhaqdhaqaaqii ganacsi xannibaadaha looga hortagayo faafista cudurka awgood, waxaana aad u yaraaday dalabaadkii xayaysiinta.

Mas’uuliyiinta shan idaacad ayaa u sheegay Raadiyo Ergo inay ciriiri gashay habsamida shaqadoda, iyadoo 14 wariye ay ka tageen shaqooyinkii ay ka hayeen idaacadaha Codka Nabadda, Hayaan iyo Raadiyo Gaalkacyo.

Xasan Cabdiraxman Aadan oo ah agaasimaha idaacadda Hayaan ee ka howlgasha xarunta gobolka Mudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaalo-xumida la soo gudboonaatay saddexdii bil ee la soo dhaafay ay sababtay in ay awoodi kari waayeen bixinta mushaarka shaqaalaha, waxaana arrintaas darteed shaqo-jooin u sameeyay sagaal ka tirsan 15 weriye oo xarunta u shaqaynayay sida uu sheegay agaasimaha.

“Wax aan xayaysiinno ma laha, taasina waxay keentay guud ahaan wixii laga heli lahaa oo dhaqaale ahaa inay istaagaan oo ay noqotay in annagu aan wax tashiilno, qof walba wuxuu ku leeyahay meeshii dhaqaalaha laga helayay haddii aan wax laga helayn sheekadu isbixin mayso,” ayuu yiri agaasimaha.

Wuxuu xusay in billowgii cudurka safmarka ah iyaga oo raacaya talooyinka caafimaad ay weriyeyaashooda ku dhiirrigeliyeen inay ku shaqeeyaan guryaha, halkaas oo ay ka soo tabinayeen barnaamijyada, taasoo ay kala kulmeen caqabado xagga farsamada iyo qalabka ah.

“Wariyihii qalab ku filan ma haysto, laabtobkii, internetkii iyo howlihii kale, taasoo ay ugu sii daran tahay dhaqaalihii oo aan isbixinayn. Cudurkan meel uusan saamayn ma lahan warbaahintuna qayb bey ka tahay,” ayuu yiri.

Weriyeyaasha u sii dhabar adaygaya inay shaqeeyaan xilligan adag waxaa ka mid ah Rubaab Cabdullaahi Jaamac oo ka howlgasha Raadiyo Gaalkacyo. Koroonaha ka hor waxay soo saari jirtay saddex barrnaamij, haddase waxay ka badin wayday labo barnaamij oo ay iyadu ka tahay soo-saare iyo tebiye,

“Waxaa meesha ka baxay shaqaalihii faraha badnaa oo idaacadda wada-joogi jiray isla sheekaysan jiray, markii feyruska Korona uu dhashay waxa ay noqotay in la kala fogaado,” ayay tiri.

Suxufiyadaan iyo weriyeyaasha kale ee ka howlgala Raadiyo Gaalkacyo ayaa ka helay agabka loo isticmaalo iska ilaalinta fayriska Korona Ururka Warbaahinta Puntland. Agabkan oo isugu jira gacmagashiga, maaskerada iyo jeermisdilaha ayaa la gaarsiiyay saddex idaacad oo ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Xoghayaha guud ee ururka warbaahinta Puntland ee MAP, Naciima Muuse Cilmi oo ka walaacsansan saamaynta shaqada warbaahinta uu ku yeeshay xanuunka Koroonaha ayaa sheegtay in warbaahintu aysan haysan taageero dhaqaale oo ay kaga kabtaan duruufaha si ay u sii wadaan howlaha wacyigelinta oo ay u hayaan bulshada weliba waqtigan xasaasiga ah ee uu jiro cudur faafaya.

Naciimo ayaa walaac ka muujisay cabashooyinka faraha badan ee ka soo gaaraya weriyeyaasha ku shaqada-beelay Koronaha, waxayna xustay in ka badan 300 oo weriye oo ka howlgala soddon xarumood inay saameeysay dhibaatadan.

“Saamaynta dhaqaale ee weriyeyaasha uu ku yeeshay COVID-19 waxay kala mid yihiin  bulshada Soomaliyeed, hay’adaha gargaarka ee waddanka jooga qorshe ay ka leeyihiin oo ay ku kabayaanna ma jirto,” ayay tiri.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo ay awalba haysteen dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amniga iyo sida ay maamullada ula dhaqmaan markii laga hadlaayo xorriyadda hadalka, kalana kulmaan xarig, hanjabaado iyo cabburinba ayaa waxaa iminka ugu sii darsoomay dhaqaale-xumi.

Previous Post

Jowhar: Ardayda iska bixin waayay lacagta iskuulka oo ka walaacsan inay imtixaannada ka haraan

Next Post

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-OCT-2026

IDAACADDA 28-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2026
October 24, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo