Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Jowhar: Ardayda iska bixin waayay lacagta iskuulka oo ka walaacsan inay imtixaannada ka haraan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
DHALINYARO JAAMICIYIIN AH OO TABARRUC WAXBARASHO U FIDINAYA BARAKACAYAASHA IYO DANYARTA

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen oo ah 17 sano jir dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare waxa uu cabsi ka qabaa inuu ka haro imtixaanka la qorshaynayo in ardayda laga qaado billowga bisha soo socota ee Luulyo iyadoo uusan bixin karin lacagta iskuulka oo dhan 69 doollar.

Qoyska Maxamed waxay ku tiirsanaayeen walaashiis ka weyn oo jirta dalka Sacuudiga oo ka dabberi jirtay lacagta waxbarashada iyo biilka reerka oo dhan $300, laakiin ay shaqo la`aan noqotay cudurka Covid19 dartiis.

“Gabadha 10 doollar ayay ku dhigataa aniga 13 doollar ayaan ku dhigtaa waa saddexda bilood oo Koroona fayras uu jiro, dadkii isku fasalka ahayn way gudbayaan anigana waxba mahaayo.”

Maxamed iyo qoyskooda waxay Soomaaliya joogaan saddex sano oo keliya, waxayna ka mid yihiin dadkii dib uga soo qaxay dagaallada Yemen.

Sahra Maxamed Xuseen oo 25 jir ayaa ka mid ah dadka ay dhibaatada ka haysataa iney iska bixyaan kharashka waxbarashada. Sahra waxaa ka istaagatay waxbarashadeedii jaamacadda, taaso ay ugu wacan tahay adeerkeed oo ka bixin jiray oo iminka shaqo-beelay Koronaha awgiis.

Sahra waxay bixin jirtay bishiiba $50, waxaase hadda laga rabaa iney bixiso lacagta shahaaddada iyo tan qalin-jebita oo markii la isku daro gaareysa 400$ oo haddii ayan bixin ayan dhiibi doonin imtaxaanka laga rabo.

“Buug-diyaarintii sidoo kale, waxaan diyaarinnay ma laha, casharradii xitaa waxay naga galeen qalqiil sababatoo ah ma dhameystirneyn, waxaan sugooyaa lacagtaas inay ii timaaddo oo Koorona fayris dhamaado kaddib ayaan lacagtaas heli karaa.”

Sahro oo korsata labo carruur ah oo ay hooyo u tahay, waxay leedahay harqaan ay ku shaqeysato oo u yaalla bartamaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar si ay u dabbarto nolosha carruurteeda. Sahra waxay dharka ku tashaa meel bannaan oo aan lahayn waxay ka gasho qorraxda iyo roobabka maaddaama aysan ka bixi karin iney kireysato qol ay ku shaqeysato.

Waxay maalintii ka heshaa ugu badnaan labo doollar taas oo ay ku kabato 25 doollar oo uu siiyo aabbaha carruurta oo ay kala tageen. Waxay sheegtay in lacagta ay hesho aysan ugu kala qeybsami karin waxbarashada iyo nolosheeda, hase ahaatee uu adeerkeed ka bixin jiray waxbarashada si uu u dhiirrigeliyo.

Waxaa kaloo jira waalidiin ku dadaala iney carruurtooda ayan ka harin waxbarashada, iskuna hawla sidii ay ugu heli lahaayeen dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen waxbarashadooda deeq iyo daynba.

Maxamed Cali Afrax oo ah beeralay ku nool magaalada Jowhar, wuxuu ka mid yahay waalidiinta ay carruurta u dhigato dugsiyada Jowhar , iyadoo ay u dhigtaan labo gabdhood oo ku jira fasallada 6-aad iyo 7-aad ee dugsiga dhexe iyo wiil maraya fasalka u dambeeya ee dugsiga sare.

Maxamed ayaa sheegay in biyaha fatahaadda webiga Shabeelle ay qaadeen beertiisa bishii May islamarkaana uusan u soo bixin dalagga sisinta oo u beernaa, sidaas darteedna waxaa ku adkaatay kharashkii uu ku bixin jiray waxbarashada carruurtiisa. Taasi waxay ku kalliftay inuu soo daynsado 99 doollar oo uu ku bixiyay lacagta iskuulka ee saddexdii billood ee u dambeysay markii loo sheegay in carruurtiisa aan loo qiimayn doonin imtixaanka haddii uusan lacagta bixin.

“Dhibka jira wuxuu ahaa ilmaha eightka wixii ka hooseeyo in loo qiimeeynaayo midka shahaadiga, laakin labada gabdhood lacagtooda waxaa la dhahay ciddii aan bixin dhaqaalahaas ma loo qiimeyn doono imtixaanka.”

Maxamed ayaa ka walaacsan sida uu noqon doono natiijada imtaxaanka, iyadoo ay ugu wacan tahay in muddadii iskuulladu xirnaayeen ayan carruurtu helin wax dib ugu daalaca duruustii ay hore u qaateen iyo kuwa ka maqan, sidaas darteed buu wuxuu ku talinayaa in macallimiintu  ay ardayda ugu celiyaan casharradii hore iyo kuwii aysan qaadan intii iskuullada loo xiray cabsida cudurka Koroonaha.

Previous Post

Jubada hoose: Qoysas heli jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ka joogsadeen

Next Post

Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

Xayiraadaha looga hortagayo Koroona oo saameeyay dhaqaalaha warbaahinta Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo