(ERGO) – Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen oo ah 17 sano jir dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare waxa uu cabsi ka qabaa inuu ka haro imtixaanka la qorshaynayo in ardayda laga qaado billowga bisha soo socota ee Luulyo iyadoo uusan bixin karin lacagta iskuulka oo dhan 69 doollar.
Qoyska Maxamed waxay ku tiirsanaayeen walaashiis ka weyn oo jirta dalka Sacuudiga oo ka dabberi jirtay lacagta waxbarashada iyo biilka reerka oo dhan $300, laakiin ay shaqo la`aan noqotay cudurka Covid19 dartiis.
“Gabadha 10 doollar ayay ku dhigataa aniga 13 doollar ayaan ku dhigtaa waa saddexda bilood oo Koroona fayras uu jiro, dadkii isku fasalka ahayn way gudbayaan anigana waxba mahaayo.”
Maxamed iyo qoyskooda waxay Soomaaliya joogaan saddex sano oo keliya, waxayna ka mid yihiin dadkii dib uga soo qaxay dagaallada Yemen.
Sahra Maxamed Xuseen oo 25 jir ayaa ka mid ah dadka ay dhibaatada ka haysataa iney iska bixyaan kharashka waxbarashada. Sahra waxaa ka istaagatay waxbarashadeedii jaamacadda, taaso ay ugu wacan tahay adeerkeed oo ka bixin jiray oo iminka shaqo-beelay Koronaha awgiis.
Sahra waxay bixin jirtay bishiiba $50, waxaase hadda laga rabaa iney bixiso lacagta shahaaddada iyo tan qalin-jebita oo markii la isku daro gaareysa 400$ oo haddii ayan bixin ayan dhiibi doonin imtaxaanka laga rabo.
“Buug-diyaarintii sidoo kale, waxaan diyaarinnay ma laha, casharradii xitaa waxay naga galeen qalqiil sababatoo ah ma dhameystirneyn, waxaan sugooyaa lacagtaas inay ii timaaddo oo Koorona fayris dhamaado kaddib ayaan lacagtaas heli karaa.”
Sahro oo korsata labo carruur ah oo ay hooyo u tahay, waxay leedahay harqaan ay ku shaqeysato oo u yaalla bartamaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar si ay u dabbarto nolosha carruurteeda. Sahra waxay dharka ku tashaa meel bannaan oo aan lahayn waxay ka gasho qorraxda iyo roobabka maaddaama aysan ka bixi karin iney kireysato qol ay ku shaqeysato.
Waxay maalintii ka heshaa ugu badnaan labo doollar taas oo ay ku kabato 25 doollar oo uu siiyo aabbaha carruurta oo ay kala tageen. Waxay sheegtay in lacagta ay hesho aysan ugu kala qeybsami karin waxbarashada iyo nolosheeda, hase ahaatee uu adeerkeed ka bixin jiray waxbarashada si uu u dhiirrigeliyo.
Waxaa kaloo jira waalidiin ku dadaala iney carruurtooda ayan ka harin waxbarashada, iskuna hawla sidii ay ugu heli lahaayeen dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen waxbarashadooda deeq iyo daynba.
Maxamed Cali Afrax oo ah beeralay ku nool magaalada Jowhar, wuxuu ka mid yahay waalidiinta ay carruurta u dhigato dugsiyada Jowhar , iyadoo ay u dhigtaan labo gabdhood oo ku jira fasallada 6-aad iyo 7-aad ee dugsiga dhexe iyo wiil maraya fasalka u dambeeya ee dugsiga sare.
Maxamed ayaa sheegay in biyaha fatahaadda webiga Shabeelle ay qaadeen beertiisa bishii May islamarkaana uusan u soo bixin dalagga sisinta oo u beernaa, sidaas darteedna waxaa ku adkaatay kharashkii uu ku bixin jiray waxbarashada carruurtiisa. Taasi waxay ku kalliftay inuu soo daynsado 99 doollar oo uu ku bixiyay lacagta iskuulka ee saddexdii billood ee u dambeysay markii loo sheegay in carruurtiisa aan loo qiimayn doonin imtixaanka haddii uusan lacagta bixin.
“Dhibka jira wuxuu ahaa ilmaha eightka wixii ka hooseeyo in loo qiimeeynaayo midka shahaadiga, laakin labada gabdhood lacagtooda waxaa la dhahay ciddii aan bixin dhaqaalahaas ma loo qiimeyn doono imtixaanka.”
Maxamed ayaa ka walaacsan sida uu noqon doono natiijada imtaxaanka, iyadoo ay ugu wacan tahay in muddadii iskuulladu xirnaayeen ayan carruurtu helin wax dib ugu daalaca duruustii ay hore u qaateen iyo kuwa ka maqan, sidaas darteed buu wuxuu ku talinayaa in macallimiintu ay ardayda ugu celiyaan casharradii hore iyo kuwii aysan qaadan intii iskuullada loo xiray cabsida cudurka Koroonaha.