Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood

admin by admin
June 21, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan beeraleyda deegaanka Dalyare ayaa sheegay in ka badan 40 beerood uu tacabkoodii khasaaray kaddib marki bartamihi bishi hore ee May uu ku dul-degay ayaxa, kuna reebay koronkor, isagoo sidaas si la mid ahna dhibaato u gaystay deegaanka, markuu eber ka dhigay caleentii geedaha ku taallay, cawskii iyo dhirtii.

Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu ka mid yahay beeralayda deegaankaas, wuxuuna leeyahay beer afar hektar ah oo ay ku yaalleen yaanyo, basal iyo basbaas kuwaasoo dhammaantood uu ayaxu diirtay.

“Nolosha qoyskaygu waxay ku tiirsanayd beertaas wixii dalag ii beernaana waxaa cunay ayaxii, niyad-jab ayaan dareemay, waxaan ku khasaaray lacag gaaraysa afar kun oo doollar oo dayn igu ahayd,” ayuu yiri.

Ayaxa ayay sheegeen dadku in uu beeraha dul fadhiyey labaatan saacadood oo uu cunayay dalagga, cawska iyo dhirta intaba. Dadka ayaa samaynayay dedaal sidii ay ayaxa uga kicin lahaayeen beeraha, iyagoo adeegsanaya dab, hoonka baabuurta iyo rasaas ay kor u ridayaan.

Dhibaatada uu ayaxa u gaystay waxaa ka daran welwelka ay ka qabaan koronkorta uu halkaas ku reebay oo ay ka cabsanayaan inay dib dhibaato ugu geysato.

Cabdinaasir Maxamed Salaad wuxuu ka mid yahay beeralayda Dalyare, wuxuuna hawshan tacabka ku jiray muddo 11 sano ah. Wuxuu deegaanka ku leeyahay beer lix hektar ah oo uu ku maalgeliyay lacag gaareysa saddex kun oo doollar oo deyn ah; taasoo ay maanta waxba uga cayman ee uu ayaxii baabi’iyay. Waxaa ku adag siduu isaga bixin lahaa deyntaas oo ballantu ahayd marka uu tacabka u soo go’o inuu iska bixin doono.

“Waxyaabaha aan hadda ka welwelsanahay waxaa weeye noloshii carruurta iyo sidii aan isaga bixin lahaa lacagta deynta ah. Waxaan ku xisaabtamayay markaan daynta iska bixiyo inaan faa’iido saddex ilaa afar kun oo doollar,” ayuu yiri.

Cabdinaasir wuxuu intaasi ku daray inuu gebi ahaanba beertii iskaga tegay ee uu ka quustay markuu ayuxu ku dagay.

“Waxay ahayd xilli galab ah markii isagoo aad mooddid daruuro uu na dul yimid, oo cirkii iyo dhulkii ay isqabsadeen oo waxba la arki waayay. Sababta aan beerta uga tegay waxaa weeye wixii abuur ahaa ee aan beero waxaa cunaya korankorro ayaxii ka tegay.”

Guud ahaan deegaanka waxaa ku yaalla 259 beerood, kuwaasoo ayaxu uu dhibaato gaarsiiyay, balse wuxuu gebi ahaanba baab’iyey dallaggi ku yaallay 46 ka tirsan beerahaas sida uu sheegay guddoomiyaha beeralayda deegaanka Dalyare Cabdirisaaq Astur Warsame. Wuxuu xusay in qaar ka tirsan beeraleyda ay u guureen miyiga maadaama wax-soo-saarkii uu ka khasaaray.

“Xilligan oo kale ilaa saddex gaari oo nooca noohada iyo dhayne ayaa ka bixi jiray oo aadi jiray Gaalkacyo, Qardho, Garoowe iyo Laascaanood, haddana hal gaari ayaa Laascaanood u baxa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha beeralayda Dal-yare wuxuu intaasi raaciyay inay sameeyeen dadaal kasta oo ay ayaxa beeraha uga kicin lahaayeen, dadkuna si wanaagsan bay uga qaybqaateen dadaalkaas loogu jiray sidii ayaxa beeraha looga kicin lahaa. Dadaalkii la waday ayaa xitaa isaguna keenay khasaarooyin, waxaana ka mid ah, dabkii lagu shidaayay ayaxa ee lagula dagaallamayay inuu gubay afar beer oo deegaanka ah.

Dalyare oo Laascaanood u jira 37 km ayaa ah deegaan hodan ku ah biyaha, kuna wanaagsan tacbashada beeraha. Deegaanka oo leh taariikh dheer waxaa la degganaa in ka badan boqol sano, tacbashada beeraha ka sokowna waa deegaan ku wanaagsan dalxiiska.

Previous Post

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

Next Post

Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo