Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Radio Ergo by Radio Ergo
June 22, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Xaawo Cali Yarow oo ka mid ah 50 haween ah oo shaqo u doonta degmada Dhadhaab ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in jidkan ay ku lugeyso labaatan maalmood bishiiba, dhaqaalaha yar ee ay ka soo hesho shaqadaasna ay ku kabto nolosha qoyskeeda oo ka kooban 12 qof oo wax shaqeeyaa aanu ku jirin.

Waxay Xaawo intaas ku dartay in ay dhibaato badan ku qabto masaafada dheer oo ay ku lugeyso oo 14 km ah, iyadoo muddo labo sano ah ay hore iyo gadaal ugu socotay waddadan, laakiin aanay haynin fursado kale ay ku beddelato, kaalmada yar ay ka helaanna ha`yadadaha qaxootigana aanu ku filnayn qoyskeeda.

“Maalin-maalin wax baan soo helaa maali-maalinna wax baan soo waayaa, carruur baa dugsi kuu gu jirta oo wax kastaa lagaa rabaa, haddee raashin ma laha e xaggee ka soo qaadi, kii Care-na waa kaa dhamaadaaye, labo bilood oo la isku daray intuu gaari.”

Xaawo waxay xeryahan soo gashay sanadkii 2011-kii, iyadoo markaas ka soo qaxday magaalada Salagle oo ka tirsan gobolka Jubada dhexe markii abaar ku dhufatey degaankaas, kana baabi`isay beer halkaas ugu tiillay.

Xaawo iyo haweenka ku lugeeya jidka u dhexeeya xerada qaxootiga ee Ifo iyo magaalada Dhadhaab ayaa sheegaya in xaaladdoodu aad uga sii dartay 45-kii maalmood ee ugu dambaysay markii la joojiyay gaadiidkii halkaas ka shaqayn jiray cudurka Koroona awgii. Gaadiidleyda ayaa sida badan dadkan ku caawiyi jiray iney waddada ka sii qaadaan si ay u gaarsiiyaan magaalda Dhadhaab.

Ciidamo Osgoo Xasan oo ka tirsan haweenkaas ayaa ka mid ah kooxda haweenka ah ee ku lugeeya jidka isku xira Dhadhaab iyo Ifo. waxay sheegtey in dhaqaalaha yar ee ay ku qaadato sida maalin-dhaafka  ah aanay ku fillayn baahida qoyskeeda, sidaa darteedna ay ku khasbanaatey in ay maalinta aanay u tagayn qoyska ay u shaqeyso ay raadsato shaqo kale oo ay qabato.

Ciidamo waxay xustay in shaqadan adag ee ay qabataa ay ku tiirsan tahay nolosha qoyskeeda oo ka kooban shanta qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo ay dhashay oo da’doodu u dhexeyso 2 ilaa 10 sano iyo Saygeeda oo shaqo la’aan ah.

“Raashinka labo jeer baa wax la karinayaa saddex maba jirto, Subixii quraac baa la soo dubanayaa digir bajaqey baa la soo kor saaranaa iyo shaahaas oo mar la helaayo marna la weynaayo.”

Muslimo Isaaq Cali oo ka mid ah haween ka shaqeeya magaalada Dhadhaab ee ka soo aada xerada Ifo ayaa sheegtay in culayska dhinaca nolosha ah ee ka jira qoyskeeda uu dhaxalsiiyay dhibaatooyin ay ka mid yihiin in ay qabato shaqo nadaafadeed oo sida ay sheegtay iyada lafteedu ay dhibsato qabashadeeda laakiin ay dantu ku riixeyso oo aanay haynin waddo kale oo ay ku korin karto carruurteeda qaxootiga ah. waxay xustay in dhibka labaad ee ay qabtaa uu yahay jidka dheer ee ay lugayso.

” Waddada dhib baan ku qabnaa oo Ilaahay boqorka ah naga qaadi karo,  maamo shalay inta ay lugaysey oo hor iyo gadaal u lugayso, hadana aminkan ay socoto sow dhib ma qabto?  nolosha ayaa nagu kaliftey, wuxuu Ilaahay noo qorey mooyee wax kale oo aan meel ku og nahay ma laha,” ayay tiri Muslimo.

Muslimo waa hooyada saddex carruur ah oo ay aabohood kala tageen, iyada keliya ayaana u shaqeysa qoyskeeda, waxayna sheegtay in carruurta aabbahood uu ka soo tagay Soomaaliya toban sano ka hor.

Waddada dheer oo ay haweenkan ku lugeeyaan baa ah mid dhir badan oo duur ah oo cabsi badan taasaana keentay iney haweenkan isula socdaan koox-koox.

“Hadda ka hor nin baa inta uu igu tarriigsaday aan rafaad iyo silic kala kulmay, wuu i qabsadey, saddex wiil oo Ifo-1 ka soo baxdaa iga fujisey,  rafaad iyo silic jidkan waa ku qabnaa, waa iska sii wadanayaa, waayo hunguri baa i haya,” ayay tiri Muslimo oo la ciishooneysa duruufta iyo nolosha rafaadka ah ee ay ku nooshahay.

Previous Post

Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood

Next Post

Taxaddarka ay tahay dadku inay ka muujiyaan sunta lagu buufiyo ayaxa

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Taxaddarka ay tahay dadku inay ka muujiyaan sunta lagu buufiyo ayaxa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo