Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Radio Ergo by Radio Ergo
July 11, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Jaamac Haruuse Maxamed waa ganacsade leh bakhaar lagu iibiyo raashinka oo ku yaalla bartamaha waddada marta magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meel caan ku ahayd biyo-fariisadka.  Jaamac wuxuu ka faa`iidaystay dayactirka waddadaas oo u sahashay inuu shaqeeyo waqti dheeri ah oo aanu hore u shaqayn jirin, sida habeenkii oo uu iminka saacado badan halkaas ka shaqaysto.

Dayactirka waddooyinkan ayaa iska kaashtay dadweynaha deggan magaalada iyagoo taageero ka helaya maamulka iyo hay`ado kale. Burburkan ayaa keenay biyaha roobabka oo fariisin ka dhigtay bartamaha waddadaas, isla markaana ayan helin dayactir waqtiyada ku habboon. Waxaa si gaar ah dhib ugu qabay gaadiidlayda iyo ganacsatada, maaddaama ay adkaatay isu socodkii magaalada.

Jaamac ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhismaha waddada oo ahayd iskutashi bulsho, uu isaguna ku yaboohay dhankiisa lacag dhan $700. Waxa uu sharxayaa dhibaatadii uu ku qabi jiray waddadaas oo noqotay midaan la mari  karin xilliyada roobabka.

“Meeshaan marka roobku da’o lama mari jirin, baabuurtu way ka go’i jirtay, bilaa layr bey ahayd, tuugadaa ku soo gabbanaysay, nabadgalyo-xumaadey qayb ka qaadanaysay, in burcadda xashiishadda in meeshaas lagula soo gabbado haddey mugdi tahay oo aan la dagganayn oo layr ku xirnayn,” waana middaas midda keentay iney dadku ka go`aan waddadaas ayuu yiri Jaamac.

Muddo ka badan shan iyo toban sano buu Jaamac daris la ahaa dhibaatadaas, iyadoo maalinba maalinta ka dambaysaa ay ka sii daraysay, waxaana aad u sii xumaanayay oo hoos u sii dhacayay ganacsigeeda iyo isu-socodkeeda.

“Haddaanu nahay dadka laamiga dhiniciisa daggan, ganacsigeennu waxaa uu ku xiran yahay waddadaan, jidka soddonku uu galo, halkaan baabuur badan baa nooga timaadda, intaas baabuurtu way istaagtaa, wax bey naga iibsaan, lacag bay naga sarriftaan, annaga lafteennu waan aadnaa xaafaddaas oo waan ka soo adeeganna,” ayuu yiri Jaamac.

Maxamed Cabdinaasir Cigaal guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in mashruucan dhismaha oo markii hore si isxilqaan ah bulshada Gaalkacyo ku bilaabeen, ayaa waxaa inta badan dhistay hay’adda SSF (Somali Stability Fund). Hay`adda CPD ayaa iyaduna ku xirtay waddooyinka la dayactiray hareerahooda layrarka soolarka ku shaqeeya, taasoo iyadana sii sahashay isu socodka habeenkii ah.

“Isdhexgalka bulshada markii hore aad buu isku socodku u yaraa baabuurka tagsiga ah ee dhanka Puntalnd ka shaqeeya markii hore umuusan gudbi jirin dhanka Galmudug, kan Galmudug ka shaqeeyana dhankan uma soo gudbi jirin oo wax khad cagaaran la yiraahdo ayaa u dhaxeeyay, wixiina hadda way ka baxeen meesha, tagaasilayda hadda labada xaafad dirito ayay uga kala adeegaan,” ayuu yiri.

Dhismaha waddadan waxaa sidoo kale ka faa’iideysanaya xilligaan dadka ku shaqaysta gaadiidka bajaajta oo boqollaal dhallinyaro ah ay ka shaqaystaan.

Cali Maxamed Shire waa aabbaha qoys lix qof ka kooban, wuxuuna kamid yahay dhallinyaradaas bajaajlayda ah. Wuxuu Raadiyo Ergo uga warramay sida uu ugu faraxsan yahay dayacatirka waddadan iyo dhibaatadii uu ku qabay markii hore.

“Bajaajta ma dhexmari karto xilliyada roobabka, waxaa jirtay xilliyo aanan tagi jirinba meelaha suuqa ah, 15 bari 20 ilaa 30 bari, dhibaato dhaqaale ayaa naga soo gaari jirtay.”

Maalinkii waxa uu bajaajta ka helaa cel-celis ahaan siddeed ilaa toban doollar oo faa’iido ah, marmarkii ay dhacdo iney shaqada ka istaagto xilli roobaadkana wuxuu sheegay inuu isku dabbaro lacago u kaydsan.

Maxamed Cabdinaasir Cigaal guddoomiye ku-xigeenka waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in mashruucan wajigiisa koowaad uu gabagabo ku dhow yahay isla markaana wajiga labaad ay qorshaynayaan sannadka soo socda.

“Mahaariicdaan bulshada ayaa loogu talagalay, waxaannu ku boorrinayna sidii ay horay uga qayb-qaateen una soo dhaweeyeen mashaariicdatan si la mid ah ay ugu laba-jibbaaraan, iyagoo hindisaya afkaar ah wajhadahooda iyo laamiga inta u dhaxaysa ay bilicdeeda wanajajiyaan, annaguna aan kala qayb-qaadan doonno oo diyaar aan u nahay,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Previous Post

Cadale: Hawl-wadeenno caafimaad oo si iskood ah ugu istaagay hoos u dhigidda umul-raaca hooyada

Next Post

Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo