Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Cadale: Hawl-wadeenno caafimaad oo si iskood ah ugu istaagay hoos u dhigidda umul-raaca hooyada

Radio Ergo by Radio Ergo
July 11, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Mashruuc weyn oo caafimaad oo laga daah-furay Dhahar

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xirfadlayaal iyo takhaariir is abaabulay ayaa xarunta adeegyada hooyada iyo dhallaanka ee Raasi Hosbitaal iskood uga abaabulay adeegyo caafimad oo bilaash ah, kaasoo wax wayn ka taray dhibaatooyinkii hooyooyinka ka haystay dhalmada oo marar badan keeni jirtay in Muqdisho loola cararo.

Dumarka umulaya ayaa ku tiirsanaa umuliso-dhaqameedyo iyo rugta hooyada iyo dhallaanka ee (MCH) ee deegaanka, balse aan haysan adeegyo caawin kara hooyada haddii ay gasho xaalad adag sida uu sheegay Dr. Yaasiin Maxamed Xasan oo ah maamulaha kooxdan, isla markaasna isagu qaabilsan qalliinnada.

“Haddii hooyooyinku ka soo gudbaan umuliso dhaqameedyada, cunugga haddii uu hooyada ku qalloocdo, haddii hooyo qabto cudurrada sida macaanka,  haddii hooyadu gasho ikalamasiya, ama cunug dadabsamo, ibidii soo hormarto ma awoodaan MCH-yada baahidaas inay daboolaan;  taas ayaa nagu dhalisay inaan goob caafimaad ka furno halkan,” ayuu yiri Dr. Yaasiin isaga oo Raadiyo Ergo uga warramaya xaaladaha adag markii ay la soo guboonaadaan hooyooyinka.

Haweenka ku xiran xaruntan ayaa ka yimaada dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka hoostaga degmada Cadale oo kala ah deegannada Ceel-muluq, Cadoow-uul, Masaajid-Cali-gaduud, Bursho-sheikh, Guullane, Faqayaale, deegaanka ugu fog ayaana magaalada u jira 50 km.

Dr. Yaasiin wuxuu sheegay in bishii Juun ee sannadkii hore ay degmada ka kiraysteen guri toddobo qol ah oo ay bishii ka bixiyaan $100, halkaasna ay ku qaabilaan bukaannada u badan dumarka. Wuxuu sheegay in hawl-wadeennadoodu aysan faa’iido-doon ahayn oo ay si bilaash ah ku qabtaan hawsha shaybaarka, qalliinnada, umulinta, talooyinka caafimaadka iyo adeegyada kaleba; laakiin dadka rugta soo booqda waxay ka qaadaan $15, taas oo marka ay aruuriyaan ay ku bixiyaan kirada iyo socodsiinta adeegyada isbitalka.

Arrintan ayaa qoysas badan ka baajisay in ay kharash ku galaan safarka iyo baahiyaha kale ee ku xeeran marka qof xaalad adag ku jira oo laga qaado Cadale la geeyo Muqdisho, sidii horeba u dhici jirtay.

Haweenka Cadale ee ka baaqday in loo qaado Muqdisho waxaa ka mid ah Xaawo Cali oo 33 jir ah, lehna afar carruur ah, waxay saddex bilood ka hor ilmo ku dhashay rugtan iyadoo uusan kharash badani kagaga bixin. Laakiin arrintu sidaas waa ka duwannayd markii ay dhalaysay ilmihii kan ka horeeyay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in kharash ka badan $1200 oo ehelladeedu u qaaraameeen ay kaga baxday safarka, qalliinka dhalmada iyo ilmaha oo afar habeen lagu dhex hayay dhalo, iyadoo waqtigaas laga qaaday deegaanka Ceel-muluq oo 40km dhanka woqooyi ka sii xiga Cadale.

“ Sokor ayaan qabay, wey iga dhacday, cunugga dhalo ayaa la galiyay, afar habeen meeshaas ayuu ku jiray, 75 dollar ayaa calaa habeen la dhiibayay oo daawadu ii sii dheertahay, xilli abaar ah ayay ahayd oo xoolaha waxba tareynin,” ayay tiri Xaawo.

Xaliimo Maxamuud Xasan  oo ah 38 sano jir oo deggan tuulada Caddoow-uul oo 23 km u jirta Cadale, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurteedii hore oo shan ah aysan ku dhalin goob caafimaad, laakiin ilmihii ugu dambeeyay markii ay foolaneeysay 48 saac ay ku dhashay isbitalkan Raasi bishii Juun ee sannadkan.

“Hooyadeey ayaa ii ahayd umuliso, waa foolan jiray, waa iska dhali jiray balse dhib ayaan ku qabay, ma moodeeynin inaan sidaan fudud ku dhalaayo, waa cabsaday marka sariirta lay saaray, in lay qalayo ayaan mooday, balse Alxamdu lillaah waan dhalay,”ayay tiri Xaliimo oo si aada ugu faraxsan sida sahlan ay u dhashay.

Umuliso Iqra Axmed Cali oo ka hawl-gasha xaruunta Raasi waxay sheegtay in haweenka deegaanku aysan fahamsanayn la socodka ilmaha waqtiga uurka, taasoo adkaysa in xilliga dhalmada ay dhibaatooyin kala duwan ay la  kulanto hooyada, waxayna Raadiyo Ergo uga warrantay khibraddeeda iyo xaaladaha ay la kulanto.

“Aniga waxaa iigu darnaa intii aan joogay hooyo ikalamiso (Eclampsia) qabto, cunuggiina uu dadban yahay, laakiin Alxamdu lillaah waan ku guulaysannay oo takharka ayaa kala badbaadiyay,”ayay umuliso Iqra tiri.

Previous Post

Mudug: Beeralayda Camaara oo ku khasaaray dalagyadii ay beerteen horraantii gu’ga

Next Post

Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo