Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralayda Camaara oo ku khasaaray dalagyadii ay beerteen horraantii gu’ga

Radio Ergo by Radio Ergo
July 7, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BARNAAMIJKA TACAB

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuuro Maxamed Xuseen oo 55 sano jir ah waxaa iyada iyo qoyskeeda ballaaran oo ka kooban shan iyo toban qof ay beer  roobaad shan hiktar ah ku leeyihiin meel 4 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Camaara, waxay sida beeralayda kale ee deegaanka  wajahaysaa khasaaraha dallagyadii sisinta, qaraha, yaanyada, babayga, digirta, gallayda iyo masaggada ahaa ee ay abuurkooda dhulka gelisay dhammaadkii bishii Maarso ilaa horraantii Abriil, waxayna filaysay  in roobka gu’gu uu da’ayo, hase ahaatee uu dib u dhacay roobkii ilaa laba bilood waqtigii la filaayay.

Beertu waxay u ahayd qoyska Nuuro il-dhaqaale oo ay si weyn ugu tiirsan yihiin, waxaana intaan iskuullada la xirin waxbarasho lagaga bixin jiray lix carruurta ka mid ah, laakiin qoyskan filashadoodii xagaaga ayaa xilligan meesha ka baxday. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in dallagyadan ay ka heli jirtay marka ay si fiican ugu soo go’aan lacag $2.500 ah.

Iminka waxay reerku ku tiirsan yihiin raashin iyo adeegyo dayn ah oo ay bakhaarro ka sii  qaataan, maadama odayga reerkuna uusan xilligan shaqayn isagoo xanuunsan awgii. Waxay Nuuro uga warrantay Raadiyo Ergo qaabka xaaladda ay hadda ku jirto u maareeyneyso nolosheeda si ay uga gudubto culeyska soo wajahay.

“Neef aan soo kawaano iyo wax aan dad ka soo baryo iyo hooyaday oo ila joogta wax loo soo tuuro oo ay wax ii celiso, iyo wax saas ah ayaan ku maareeyaa,”  ayay tiri.

Dhibaatada ay beeralayada Camaara wajahaayan xagaagan ayaa ah mid aan xilli walba dhici jirin, balse waa mid ay fishaan mar walba oo ay inta dallagyada xilli hore abuuraan uu roobku ka soo daaho oo ku dhowaado waqtiga dabaysha xagaagu jirto.

Xaaladdan ayaa saamaysay 450 qoys oo beero roobaadyo yar-yar oo tan ugu weyni tahay toddobo hiktar  oo  ku taal aagga magaalada Camaara. Guddoomiyaha guddiga beeralayda Camaara Cabdi Maxamed Cilmi ayaa uga warbixiyay Raadiyo Ergo xaaladdan beeralayda isagoo sheegay iney tahay arrintan mid aanan hore u dhici jirin. Wuxuu intaas ku daray in dalagyadu aysan si wanaagsan ugu soo go’in sannadkii hore oo ayax ka baabi’iyay dallagyada.

“Haddii sanadkaanna ay raacdo kii hore oo  ayaxu cunay dadku waa iskaga tagi doonaan,”ayuu yiri guddoomiye Cilmi.

Abshir Cabdi Jiiroow waxaa uu ka mid yahay beeralaydaas, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in bishan luulyo uu filayay inuu dalagyadii uu beertay Abriil iibgeeyo, haddii uusan khasaaruhu helin.

Wuxuu deegaankan beeralay ku ahaa soddon sano, wuxuuna sheegay in sidan oo kale ay dhacdo ay ku ahayd dhif iyo naadir. Abshir waxaa culayska ugu weyn ku haya waa dayn $1300 oo isugu jira abuurkii beerta, biilka qoyska, waxaa uuna aaminsan yahay halka kaliya ee uu ka bixi karaa in ay tahay abuur kale oo uu beerta dib ugu celiyo si uu uga faa’idaysto roobabka dayrta bisha Sebteembar.

Maamulka deegaanka Camaara ayaa xaaladda beeralayadan u gudbiyay maamulka Galmugud iyo hay’daha samafalka, taas oo keentay in hay’adda WFP ay raashin ay ku noolaadan u qaybisyo 500 oo qoys oo ka mid ah beeralayda iyo dadka kale ee nugul ee beeralayadan ku sii tiirsanaa, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Yusuf Salaad Maxamuud oo ah gudoomiyaha Camaara.

“Maamulkeenu maamul kayd u yaallo maahan waxa kaliya oo aan qaban karo waxa ay tahay inaan gaarsiiyo hay’adaha iyo maamulka naga sarreeya ee Galmudug,” ayuu yiri.

Previous Post

Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Next Post

Cadale: Hawl-wadeenno caafimaad oo si iskood ah ugu istaagay hoos u dhigidda umul-raaca hooyada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Mashruuc weyn oo caafimaad oo laga daah-furay Dhahar

Cadale: Hawl-wadeenno caafimaad oo si iskood ah ugu istaagay hoos u dhigidda umul-raaca hooyada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo