Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob xooggan oo saameeyay qoysas ku barakacay Beledweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
April 9, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Roobab ka da’ay Dollow oo hoy la’aan dhigay 350 qoys oo barakacayaal ah

Keydka Sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roob saacado badan oo xiriir ah soconayay oo ka da’ay magaalada Beledweyne toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saamayn ku yeeshay qoysaska deggan xeryaha barakaca ee magaaladaas. Dadka halkaas ku barakacay ayaa waxay deggan yihiin aqallo ka sameysan cooshado iyo baco, kuwaasoo aan iska celin karin roobka.

Meelaha ugu daran ee roobabku ay saameeyeen waxaa ka mid ah xerada Xalane oo ay ku nool yihiin 250 qoys oo barakac ah.

Cabdiyo Cismaan Cabdi oo ka mid ah dadka deggan xerada barakaca ee Xalane ayaa sheegtay in habeennadaas ay ku dhameysatay soo-jeed iyada iyo 8 qof oo qoyskeedu uu ka kooban yahay. Aqalka ay ku leedahay xerada malaha wax bac ah oo kor ka saaran, sidaas daraaddeed waxaa kor uga socday dhibicda roobka, iyadoo dhinacydana ay ka soo galayeen daadadka, waxay Raadiyo Ergo uga warrantay dhibaatada ay la kulmaan iyada iyo carruurteeda marka uu roobku da’ayo.

“Markii uu roobka imaado gasacyo ayaan ilmaha u dhig-dhigaa, sidaas ayuu roobka noogu dhamaadaa marka dhibkaas ayaa na haysta. Waxa noogu daran waa hoyga, irsaaqada Allaah ayaan u qabnaa. Bac xitaa ma haysano musqul xitaa waa naga duntay, dariska ayaan aadnaa.”

Cabdiyo ayaa sheegtay in xilliyada roobka ay yaraadaan fursadaha shaqo ee ay helaan. Waa hooyo keligeed korsata carruurta oo ay aabbahood kala tageen. Dhar ay dadka u dhaqdo iyo mararka qaar oo xaabo iyo cows ay soo gurto, kaddibna ay sii iibiso ayay ku tiirsan tahay.

Dadka kale ee xeryaha ku jira oo roobka uu saameynta ku yeeshay waxaa ka mid ah Madiino Cismaan Maxamuud oo ah hooyo 42 jir ah. Irridda hore ee xerada Xalane ayay ku leedahay buush ay ku hoyato. Waxaa ka muuqda raadadkii uu reebay roobkii xoogganaa ee koowdii bishan da’ayay siddeed saacadood oo xiriir ah.

Madiino oo ah qofka uu reerku ku tiirsan yahay, wuxuu xilli-roobaadku adkeeyay shaqadeeda oo ahayd in xaabo ay ka soo gurto bannaanka magaalada oo ay suuqa u iib-geyso, maaddaama qoryo qoyan aysan cidna ka iibsaneyn. Shan maalmood oo roobku uu da’ayay toddobaadkii hore waxaa ay ku sugneyd guriga, iyada oo aanan qaban wax shaqo ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray xaaladda ay ku nool yihiin dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo soo qiimeeyay baahiya ugu daran ee qoyasku ay qabaan, maaddaama la guda galay xilli-roobaadka gu’ga.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in roobabka saacadaha badan ka da’yay magaalada Baladweyne iyo aqallada u dhisan dadka xeryaha ku nool aysan isku dhigmin, taasi oo uu tilmaamay in haddii aan dadkaasi hoy loo helin ay ka dhalan karto dhibaato intaasi ka badan.

Wuxuu intaa ku daray in ay hay’adaha gargaarka bixiya ay u gudbiyeen dhibaatooyinka dadkan ka haysta hoyga. Wuxuu xusay in dadka ku barakacay gobollada kale qaar ay heleen dib-u-dejin wanaagsan iyo guriyeyn, hase ahaatee kuwa gobolka Hiiraan aysan helin. Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin ka maamul ahaan hay’ado baco ku qeybiya xeryaha Gobolka Hiiraan.

“Dhamaan Hay’adaha ka howlgalo magaalada Beledweyne bac ma aqbali karno bac waxba ma cilineeyso,” ayuu yiri. “Kaamka darraad aan tagay Kooshin ee Nasteexo bac ayaa u dhisan bacdii ayay biyaha soo galeen waa la joogi waayay.”

Dhibaatada kale ee haysata dadka ku nool xerada Xalane ayaa ah in ay ka xiran yahiin waddooyinka oo ay burburisay fatahaaddii wabiga Shabeelle ee bishii Oktoobar ee sanadkii hore, iyadoo ay uga sii dareen roobabkii toddobaadkii hore ka da’ay magaalada oo waxyeello hor leh u gaystay.

Sanadkii 2010 ayaa la aasaasay xerada Xalane kaddib abaaro iyo colaado-qabiil oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Bakool, waxaana gargaar la gaarsiiyo ugu danbeeysay xilligii gurmadka fatahaaddii wabiga shabeelle ee bishii November ee dhamaana sanadkii la soo dhaafay.

Previous Post

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda PSU oo soo saartay Jeermis- dile

Next Post

COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo