(ERGO) – Roob saacado badan oo xiriir ah soconayay oo ka da’ay magaalada Beledweyne toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saamayn ku yeeshay qoysaska deggan xeryaha barakaca ee magaaladaas. Dadka halkaas ku barakacay ayaa waxay deggan yihiin aqallo ka sameysan cooshado iyo baco, kuwaasoo aan iska celin karin roobka.
Meelaha ugu daran ee roobabku ay saameeyeen waxaa ka mid ah xerada Xalane oo ay ku nool yihiin 250 qoys oo barakac ah.
Cabdiyo Cismaan Cabdi oo ka mid ah dadka deggan xerada barakaca ee Xalane ayaa sheegtay in habeennadaas ay ku dhameysatay soo-jeed iyada iyo 8 qof oo qoyskeedu uu ka kooban yahay. Aqalka ay ku leedahay xerada malaha wax bac ah oo kor ka saaran, sidaas daraaddeed waxaa kor uga socday dhibicda roobka, iyadoo dhinacydana ay ka soo galayeen daadadka, waxay Raadiyo Ergo uga warrantay dhibaatada ay la kulmaan iyada iyo carruurteeda marka uu roobku da’ayo.
“Markii uu roobka imaado gasacyo ayaan ilmaha u dhig-dhigaa, sidaas ayuu roobka noogu dhamaadaa marka dhibkaas ayaa na haysta. Waxa noogu daran waa hoyga, irsaaqada Allaah ayaan u qabnaa. Bac xitaa ma haysano musqul xitaa waa naga duntay, dariska ayaan aadnaa.”
Cabdiyo ayaa sheegtay in xilliyada roobka ay yaraadaan fursadaha shaqo ee ay helaan. Waa hooyo keligeed korsata carruurta oo ay aabbahood kala tageen. Dhar ay dadka u dhaqdo iyo mararka qaar oo xaabo iyo cows ay soo gurto, kaddibna ay sii iibiso ayay ku tiirsan tahay.
Dadka kale ee xeryaha ku jira oo roobka uu saameynta ku yeeshay waxaa ka mid ah Madiino Cismaan Maxamuud oo ah hooyo 42 jir ah. Irridda hore ee xerada Xalane ayay ku leedahay buush ay ku hoyato. Waxaa ka muuqda raadadkii uu reebay roobkii xoogganaa ee koowdii bishan da’ayay siddeed saacadood oo xiriir ah.
Madiino oo ah qofka uu reerku ku tiirsan yahay, wuxuu xilli-roobaadku adkeeyay shaqadeeda oo ahayd in xaabo ay ka soo gurto bannaanka magaalada oo ay suuqa u iib-geyso, maaddaama qoryo qoyan aysan cidna ka iibsaneyn. Shan maalmood oo roobku uu da’ayay toddobaadkii hore waxaa ay ku sugneyd guriga, iyada oo aanan qaban wax shaqo ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray xaaladda ay ku nool yihiin dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo soo qiimeeyay baahiya ugu daran ee qoyasku ay qabaan, maaddaama la guda galay xilli-roobaadka gu’ga.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in roobabka saacadaha badan ka da’yay magaalada Baladweyne iyo aqallada u dhisan dadka xeryaha ku nool aysan isku dhigmin, taasi oo uu tilmaamay in haddii aan dadkaasi hoy loo helin ay ka dhalan karto dhibaato intaasi ka badan.
Wuxuu intaa ku daray in ay hay’adaha gargaarka bixiya ay u gudbiyeen dhibaatooyinka dadkan ka haysta hoyga. Wuxuu xusay in dadka ku barakacay gobollada kale qaar ay heleen dib-u-dejin wanaagsan iyo guriyeyn, hase ahaatee kuwa gobolka Hiiraan aysan helin. Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin ka maamul ahaan hay’ado baco ku qeybiya xeryaha Gobolka Hiiraan.
“Dhamaan Hay’adaha ka howlgalo magaalada Beledweyne bac ma aqbali karno bac waxba ma cilineeyso,” ayuu yiri. “Kaamka darraad aan tagay Kooshin ee Nasteexo bac ayaa u dhisan bacdii ayay biyaha soo galeen waa la joogi waayay.”
Dhibaatada kale ee haysata dadka ku nool xerada Xalane ayaa ah in ay ka xiran yahiin waddooyinka oo ay burburisay fatahaaddii wabiga Shabeelle ee bishii Oktoobar ee sanadkii hore, iyadoo ay uga sii dareen roobabkii toddobaadkii hore ka da’ay magaalada oo waxyeello hor leh u gaystay.
Sanadkii 2010 ayaa la aasaasay xerada Xalane kaddib abaaro iyo colaado-qabiil oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Bakool, waxaana gargaar la gaarsiiyo ugu danbeeysay xilligii gurmadka fatahaaddii wabiga shabeelle ee bishii November ee dhamaana sanadkii la soo dhaafay.









