Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deeqa Aadan Muuse waa hooyada 7 carruur ah oo ka ganacsata caanaha xoolaha ee laga keeno tuulooyinka iyo baadiyaha hoos yimaada magaalada Garoowe, ganacsigeeda yar waxaa saamayn xooggan ku yeeshay xayiraadda isu socodka dadka ee habeenkii magalooyinka Puntland lagu soo rogay cabsida cudurka Corona Virus darteed. Iibsiga caanaha oo ku tiirsanaa isu-socodka dadka ee habeenkii maadaama caanuhu gelin danbe magaalada soo galaan dadkuna habeenkii gadan jireen ayaa meesha ka baxay gebi ahaan, kaddib markii la waayey dad wax iibsada xilliyada habeenkii ah.

Habeen walba Deeqa waxay iibin jirtey shan iyo soddon koob oo caano geel ah waxayna ka heli jirtey faa’iido celcelis ahaan dhan $5, taasoo ay ku maarayn jirtey nolosha qoyskeeda, hase ahaatee toddobaadkii la soo dhaafay ayay sheegtay inaysan wax faa’iido ah ka helin ganacsigeeda caanaha iyadoo hadda habeenkii laga iibsado 9 koob oo caano ah keliya halka intii kale ku baaryeen oo ay daadisay sidaasna ku khasaartay.

“Dadkii caanaha gadan lahaa guryahay ku xaraysan yihiin, dhaqaalahaygii hoos buu u dhacay biilkaan ka heli jirey kama helo qofkii caanaha aan ka soo qaatayna lacagtiisii ma helo oo caanihii waa baaryeen hadda habeen hore 15 koob baan soo qaatay 9 baa la iga iibsadey intii kale talaagad uma hayo markay laba habeen gaareen waa soo daadiyey.” Ayay tiri Deeqo.

Maaha Deeqa oo keliya ee arrintani waxay saamaysay haweenka caanaha iibiya dhammaantood, dadka caanaha iibsan jirey waxay xaroodaan marka qorraxdu dhacdo taasoo ka mid ah awaamirta dawladda Puntland Koronaha awgii xilli aysan weli magaalada soo gelin caanaha oo galabtii laga soo qaado degmada Burtinle oo 105 KM u jirta Garoowe iyo deegaanno ku xeeran waxayna gudaha magaalada soo galaan 7:00PM xilligaas oo dadku guryaha ku xaraysan yihiin.

Farixya Axmed Cali ayaa kamid ah haweenka uu saamaynta daran ku yeeshay go’aanka lagu xayiray isu-socodka dadka ee xilliyada habeenkii ah, xilligan maalintii waxay soo qaadataa hal caag oo qaada 10 koob oo caano ah mana hesho cid ka gadata waxayna habeen walba xarootaa iyadoo caanihii u yaallaan, Radio Ergo ayay u sheegtay in hadda lagu leeyahay daynta caanihii saddexdii habeen ee u danbeeyey aan cidi ka gadan oo weli tallaagadaha ugu jira.

Farxiya ayaa sheegtay inay hadda ay rabto inay iska joojiso soo qaadashada caanaha maadaama ay khasaare joogto ah ku qabto oo dayn badani ka raaci karto.

“Caanihii tallaagadaha ayey ku jiraan, biilka iyaga ayaan ka heli jirnay, wiil iyo gabadh ayaa ii jooga oo dugsiga kirada iyo biilka waxaan ka heli jiray koombo caano ah oo aan ka faaiido labada koob ee aan iibsho, waxaan dowladda ka codsnayaan in ay iska kaaya daayaan ama xilli fiican nasiiyaan oo aan ganacsanno.” ayay tiri.

Saamaynta dhaqaale ee cudurka Korona uu u geysanayo bulshada ayaa gaartey caalamka oo dhan Soomaaliya oo uusan weli si daran ugu aafoobin balse waxaa laga digayaa saamaynta badan ee uu ku yeelan karo nolosha, caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada, waxaana durba muuqata saamaynta xun ee uu dhaqaalaha dadka danyarta ah ku yeelanayo.

Aqoonyahan Maxamud Xuseen Shoortaaye oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada ayaa ka digaya saamayn ka sii xun midda hadda dadka qaar saamaysay oo uu ku tilmaamay masiibo aan la saadaalin karin. Dadka ayuu ugu baaqay inay wixii ay awoodaan maaraystaan.

“Cudurkan saamayn daran buu aadmiga ku yeeshay, haddii Soomaaliya uu ku dhex fido wuxuu ahaan karaa masiibo aan la saadaalin karin, dadku waa inay wixii ay heli karaan kaydsadaan, waxaa dhici karta in cuntaba la waayo, waqtiguna waa dheeraan karaa, maadaama hadda xilligii roobka la joogo degdeg wax haloo beerto gaar ahaan waxyaabaha degdega u bixi kara.” ayuu yiri Maxamuud.

Previous Post

Roob xooggan oo saameeyay qoysas ku barakacay Beledweyne

Next Post

Doolow: Xirista xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya oo saameysay isu-socodka ganacsiga

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

Doolow: Xirista xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya oo saameysay isu-socodka ganacsiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo