Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Doolow: Xirista xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya oo saameysay isu-socodka ganacsiga

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aweys Axmed Aadan oo ku nool Doolow wuxuu ka mid yahay dadka ku xamaasha gaari-gacanka u kala gudbiya badeecadaha labada dhinac ee xudduudda. Waxaa iminka la soo daristay shaqa-la’aan uga timid xiritaanka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee 29-kii Maarso  taasoo ka dhalatay cabsida laga qabo cudurka Korona.

Aweys wuxuu muddo shan sano ah ku xamaalanayay hawshaas gaari-gacanka wixii dhaqaale ahaan ka soo galana uu ku maareynayay reerkiisa oo ka kooban ilaa lix qof. Raadiyo Ergo ayuu uga warramay sida ay arrintan xiritaanka xudduudda u sameysay noloshiisa.

”Gaari-gacan aan ku shaqaysanaayay, markii ay buundadu furnayd maalintii waxaan helaalaya shan doollar, hadda maantana waxaa laga yaabaa inaan helo hal doollar, mise waaba wayneysaa, waxaan qaadi jiray dadka alaabada dukaannada ka qaata yaan u qaadaynaa, gaddigaasaan geynayna, markii aan kasoo laabanana haddana meesha allaab aan kasoo qaadaynaa, gaddigaan aan haddana keenaynaa.” ayuu yiri Aweys

Qoyska Aweys marka laga soo tago gaari-gacanka ma jiro il dhaqaale kale uu ka soo galo. Shaqada muruq-maalka ayuu ka heli jiray shan doollar taas oo uu ku dabbari jiray biilka qoyskiisa iyo kirada hal qol oo ay deggan yihiin, waxaana uu ka walwalsan yahay sida uu xaalku noqon doono haddii xudduuddu ay sii xirnaato.

Saameynta xirnaashaha xudduudda keli kuma aha xoogsatada, waxaa iyana jira ganacsato si maalinle ah ugu gudbi jiray degmada Doolow Addo. Maxamed Wardheere oo dukaan lagu iibiyo qalabka electronic-ga ku leh halkaas, tan iyo kowdii bishan ma uusan tagin goobtiisa ganacsiga, wuxuuna Raadiyo Ergo uga sheekeeyay xaaladda iminka haysta iyo saameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha xudduudda.

”Buunddadii waa la xiray, sidaa daraadeed Doolow-soomaali ayaan iska joogaa ilmahaygii ayaan dhax-joogaa, shaqaan qabanaayo malaha cudurkan karoona fayras dartiis, markii hore ilmahaan u soo qaraaban jiray, Doolow-itoobiyaan u shaqo-tagi jiray, marka cudurkan dartiis waxaan qabanaayo malaha, meelaan wax ka keenaayo malaha, haddaad tiraahdid asxaabtaan dhaxgalayaa waxaan ka soo raadsanaa ayagii iyo ani isku mid baan nahay, iyaga ma shaqeeyaan anigana sidoo kale ma shaqeyo.”

Qoyska Maxamed oo biil ahaan maalinkii isticmaala 100 bir oo u dhiganta labo doolar iyo bar ayaa waqtigan ka qaata dukaan suuqa Doolow ku yaalla, halka xilligii hore uu biilka reerka maalinkii ka soo saari jiray xaruntiisa ganacsi. Maxamed ayaa sheegay in xilliyada qaar uu ka fikiro inuu raaco laashash yar-yar oo webiga iskaga kala goosha si ganacsigiisa uu u sii wato, balse aysan suuragal ahayn maaddaama ay xaaskiisu dhowaan umushay.

Ganacsatada qudaarta ee suuqyada Doolow dhankooda si wayn ayay u dareemeen xirnaashaha xudduudda maaddaama qaar ka mid ah qudaarta ay iibiyaan ay kasoo gaari jirtay gudaha Itoobiya. Cabdulqaadir Yoonis wuxuu qudaarta ku iibiyaa suuqa qudaarta degmada Doolow, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in suuqa ka sii yaraaneyso qudaartii ugu imaan jirtay Itoobiya sida mooska, barandhada, iyo qeybo ka mid ah qudaarta cagaaran. Waxa uu intaa raaciyay in xilligan suuqyada qudaarta laga dareemayo sare u kaca qiimaha.

“Xirnaashaha buundada oo sii mareysa labbo usbuuc, saameyn aad u ballaaran ayay nagu yeelatay, maxaa yeelay qudaarta sida mooska iyo barandhada, qudaarta cagaaran dhankaas ayay noogu imaan jirtay hadda noogama timaaddo, marka saamayn aad iyo aad u ballaaran ayay nagu yeelatay haddana markaad eegto waxaad mooddaa inay ka sii dabar go’ayso qudaarta magaalada.”

Cabdulqaadir ayaa intaa raaciyay inay jiraan ganacsatada qaarkood ay qudaar ku soo gudbiyaan doomo balse taasi aysan baajin qiimo kororkan.

Sidaas si la mid ah ayay xirnaanshahan xudduudda Doollow ay saameysay dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ee ku nool dhanka dawlad-degaanka Soomaalida oo ay buundadu u ahayd marin ay waqti walbaa isaga gudbaan taasoo iminka joogsatay.

Previous Post

COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

Next Post

Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-OCT-2026

IDAACADDA 04-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo