Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda PSU oo soo saartay Jeermis- dile

Radio Ergo by Radio Ergo
April 8, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Shaybaar

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waaxda cilmiga daawooyinka ee kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Puntland State University ( PSU), ayaa tijaabo ahaan u soo saartay jeermis-dile (alcohol) oo gacmaha lagu dhaqdo. Tijaabadan oo ah markii u horreysay oo ay jaamacaddu ku dhaqaaqdo waxaa fekerkeed iska lahaa macallimiinta wax ka dhiga kulliyaddaas.

Tallaabadan ay qaadeen maamulka iyo macallimiinta kulliyaddan ayaa yimid kaddib markii ay arkeen baahida wayn ee ka timid cudurkan dunida ku faafaya ee Covid 19, isla markaasna ay sii dhamaanayso wixii lagula tacaali lahaa nadaafadda oo ay kamid yihiin waxyaabaha lagu mayro gacmaha oo badanaa debadda ka yimaadda qiimahooduna uu yahay mid sarreeya.

Cabdiraxmaan Aadan Gambool oo ah maamulka waaxda shaybaarrada ee kuliyadda caafimaadka jaamacadda PSU hormuudna u ahaa wax soo saarkan ayaa sheegay in fikraddan uu la wadaagay maamulka Jaamacadda iyo macalimiinta kuliyadda, kuna guuleysteen laba toddobaad kaddib iney soo saaraan alkoolkan. Waxaa kaloo uu sheegay Gambool in isku daygan uu yahay mid muujinaya in ay awoodaan iney soo saari karaan jeermis-dile looga kaaftoomi karo kuwa debadda.

“ Waxaan soo saarnay tijaabo si dadka aan ugu tusno, marka ilaa 15 xabo ayaan soo saarnay, caagagga aan soo sarnay midkiiba wuxuu qaadaa 100Ml” ayuu yiri Gambool.

Cabdiraxmaan Gambool wuxuu sheegay iney wax dhibaato ah kala kulmin soo saarista agabkaan, una mareen hannaanka hay`adda WHO ee caafimaadka markii laga hadlaayo arrimaha ku saabsan diyaarinta kiimikooyinka la rabo in loogu adeego bulshada.

“Samaynteeda ma adka jaamacadaha gudaha ayaan looga baran inay soo saaraan mooyaane, waxaa dhici karta inaysan laabab u diyaarsan haysan, haddiise ay kuu diyaarsan yihiin kiimikadii iyo laabkii intaas oo kun xabbo ayaad waqti yar ku samayn kartaa, ” Ayuu yiri Gambool.

Ujeedka ay tiradan kooban u soo saareen ayuu ku sheegay inaysan awood u lahayn helidda kiimiko ku filan, wuxuuna sheegay in taasi caqabad ku tahay wax soo saarkan iyagoon dantoodu ahayn wax faa`iido ah. Wuxuu Gambool sheegay oo kale in haddii ay helaan kimikada ay u baahan yihiin inay soo saari karaan 24kii Saacba 1000 xabbo oo si bilaash ay dadka ugu qaybin doonaan.

“Si loo soo saaro tiro badan waa in la helaa kiimiko badan , qalabkii lagu soo saaryay waanoo yaallaa laakiin kiimakadii ayaa caqabad ka taagan tahay. ” Ayuu yiri Gambool

Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa Radio Ergo u sheegay in ay arrintan dhiirrigelinayso isku dayga wanaagsan ee wax soo saarka dalka waxaana uu sheegay in dawooyinka iyo agabka dalka soo saaro ka wanaagsan yahay ka dibadda ka yimaadda, wuxuuna intaa ku daray in ay qorshaynayaan sidii tallaabadan horey loogu sii dhigi lahaa.

Wasiirka wuxuu sheegay wax kasta oo la soo saarayo ay maraan hanaanka hubinta tayada, oo jeermis-dilahan loo maray qaacidda ay dejisay WHO, isagoo wasiirku sheegay inuu kamid noqday shakhsiyaadkii ugu horreeyay ee billaabay iney gacmahooda ku dhaqdaan jeerimis-dalahan.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in qorshayaashii ay dejisay wasaaradda ee ahaa tayeynta waxbarashada dalka ay arrintan tusaale u tahay isagoo sheegay in ifafaalo wanaagsan uu ka soo baxayo oo ah in jaamacadaha dalka ay bilaabeen iney wax uriyaan oo tijaabooyin wax soo saar leh sameeyaan.

Previous Post

Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

Next Post

Roob xooggan oo saameeyay qoysas ku barakacay Beledweyne

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Roobab ka da’ay Dollow oo hoy la’aan dhigay 350 qoys oo barakacayaal ah

Roob xooggan oo saameeyay qoysas ku barakacay Beledweyne

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo