Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

Radio Ergo by Radio Ergo
April 8, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

Cali Cabdi Iimaan, Aabbe naafo ah oo ka tuugsada Gaalkacyo/Jabriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERG) – Dadka qaba baahiyaha gaarka ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa ka walaacsan sida ay ugu nugul yihiin saamaynta xanuunka  Covid 19. Waxay u badan yihiin danyar aan heli karin waxyaabaha lagaga gaashaanto halista Koroonaha sida gacma-gashiga iyo af-xirka maaddaama ay yihiin dad aan dhulka ka kici karin oo gurguuranaya.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cali Cabdi Iimaan, oo ah lixdan jir naafo ah oo gurguurta, waxaana addimada tiray xanuun ku dhacay yaraantiisii. Waa aabbe toddobo carruur ah leh oo nolol-maalmeedkooda uu ku tiirsan yahay wuxuu soo tuugsado, sidaas darteedna ayan u suurtagalayn inuu guriga ku negaado.

Cali wuxuu ku nool yahay Gaalkacyo muddo 20 sano ah, isagoo ka soo barakacay Muqudisho sanadkii 2000 markii sida uu sheegay uu halkaas ka qarxay dagaal.

Cabsida hadda uu qabo ayaa ah inay ku adag tahay inuu jirkiisa ka ilaaliyo nadaafad-darrida taasoo u horseedi karta cudurka khatarta ah ee Covid 19. Gacmaha iyo qaarka dambe ee jirkiisa ayuu Cali u adeegsadaa gurguuradka oo ugu jira beddelkii socodka. Meelaha ugu badan ee uu ka dawarsado waa suuqa oo nadaafad ahaan aad u liita. Wuu ku baraarugsan yahay in taabashada dadka ay ka mid tahay sababaha isqaadsiinta cudurka Karoona, haddana sidaas oo ay tahay duruufta ayaan u saamaxeyn inuu iska ilaaliyo. Wuxuu sheegay in xataa lacagta shilinka Soomaaliga ah ee ay dadku siiyaan uu mararka qaar aad uga walwalo.

“Waxa Ilaah baa ilaalin kara wax muuqdoo la arki karo maaha, wax soo socda oo lugihiisa kuugu imaanaya ma aha,” ayuu yiri Cali.

Dadka ganacsiyada leh iyo kuwa maraya waddooyinka magaalada lacagta ay ku caawiyaan maalintii oo dhan ayuu sheegay in aysan ka badnayn lacag u dhiganta $1 ilaa $2, taasoo aan ku filnayn masaariifta hal maalin ee carruurtiisa, xaaladdaasna ay ku soo jireen sanado badan.

Dr. Cabdikariin Abshir Ciise oo ah agaasimaha caafimaadka degmada Gaalkacyo ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay inay ka warqabaan dadka qaba baahiyaha gaarka iyo cabsida guud ee laga qabo xanuunka Koroonaha, balse awoodda wasaaradda oo kooban darteed ay keentay inay ku ekaadaan oo keliya wacyigelinta.

“Lacalla qof cudurkii qaba inuu lacagta taabto oo qof kale uu misna u sii dhiibo way fududdahay in cudurkii faafo, wax kastoo cudurkaas aan uga badbaadi karno waa in aan samaynaa,” ayuu yiri Agaasimaha, isagoo ula jeeda dadka dawarsada iney si weyn uga taxaddaraan lacagta caddaanka ah ee la siiyo, maxaa yeelay waxay keeni kartaa inuu dadku si fudud isugu gudbiyo jeermiska.

Agaasimuhu wuxuu kula talinayaa in dadka nadaafada ah ay iska joogaan guryahooda ama ay adeegsadaan agabka gacma-gashiga, si ay isaga difaacaan jeermiska soo gaari kara gacmahooda gaar ahaan dadka gacmaha cuskada marka ay gurguuranayaan, sidoo kalena ay ku dadaalaan inay faraxashaan.  Waxaase jira dad aan awoodin in ay helaan ama ay iibsadaan qalabka gacmaha la gashto iyo af-xirka sida kuwa qaba baahiyaha gaarka ah ee danyarta ah ee uu ka mid yahay Cali Cabdi.

Cabdirisaaq Axmed Guutaale oo 24 jir ah, kana mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa isagana noo sheegay in cabsida uu ka qabo xanuunka Koroonaha ay ku khasabtay inuu iskaga haro iskuul uu ka baranayay xirfadda moobayl-samaynta, maaddaada xisaabta iyo English-ka  maaddaama xarumahaas waxbarashadooda ay caadi  wali u wataan isaguna aaanu aadi karin.

“Aniga nin lugo-la’ baan ahay waan gurguurtaa waxaan ku socdana mahaysto, way muuqataa waddanka wax kastaa jooga, candhuufaa lagu tufayaa cudurrada waa la is qabadsiinayaa dhulku dhibaatuu leeyahay, qofku haddii uusan soconna dhibaatadeeda bay leedahay, in aad gurigaaga iska joogto oo horumarkii dhamaa aad iska dayso dantaa raalli kaa dhigaysa,” ayuu yiri Guutaale.

Wuxuu xataa joojiyay saddex maalmood uu toddobaadkii ka shaqayn jiray goob lagu farsameeyo moobayllada maaddaama uu xumaaday socodkii, isaguna uu yahay nin naafo ah oo aanan heli karin waxa u sahli kara inuu aado.

Previous Post

Beledweyne: Qiimaha quutul-daruuriga kor u kacay oo saameeyay dadka saboolka ah

Next Post

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda PSU oo soo saartay Jeermis- dile

Related Posts

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Next Post
Shaybaar

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda PSU oo soo saartay Jeermis- dile

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-AUG-2026

IDAACADDA 04-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-AUG-2026
August 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-AUG-2026
August 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-AUG-2026
August 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JUL-2026
July 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo