Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beledweyne: Qiimaha quutul-daruuriga kor u kacay oo saameeyay dadka saboolka ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 7, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Maalgelin dayn ah oo la siiyay 120 haween ah oo deggan Bacaad-weyn

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdisalan Maxamed Salaad oo ah aabbe shan carruur leh, wuxuu ka mid yahay qoysaska barakaca ah ee deggan xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne, wuxuu nolol maalmeedka qoyskiisu ku tiirsan yahay dhismaha guryaha oo ah shaqo aan joogto ahayn balse uu inta badan helo.

Shaqo maalmeedka wuxuu ka helaa lacag u dhexaysa $8 ilaa $10, waa daqliga keliya ee qoysku ku tiirsan yahay maalmaha shaqada jirto iyo maalmaha shaqo la’aantaba, wuxuu lacagtan ku maareeyaa cuntada iyo adeegga qoyskiisa. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in reerku biilanayeen $5 maalintii, laakiin labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa jira qiimo koror weyn oo dhinaca cuntada ah oo ka jira Beledweyne, taas oo saamayn ku yeelatay wax iibsiga qoyskiisa oo u baahan biil ka badan kii awal ku filnaan jiray.

Labadii toddobaad ee u dambeeyay qiimaha loorka sonkorta ah ayaa gaaray $30 suuqyada Beledweyne, waxaana ku korortay afar doolar, burka, bariiska iyo saalidda ayaa sidaas oo kale iyagana ay ku kordheen midkiiba dhawr doolar. Qiimo kororka ayaa si gaar ah u saameeyay dadka saboolka ah iyo kuwa barakacay ee magaaladaas.

Cabdisalaan wuxuu sheegay in qiimo kororka sonkorta, burka, bariiska iyo waxyaalaha kale ee dibedda laga keeno ee haatan ka jira Beledweyne ay ku khasbayso inuu xoogga saaro cuntada dalka ka soo go’da oo iyadu weli ka qiimo hoosaysa raashinka dibedda laga keeno ee aadka loo isticmaalo.

”Waxaan qorsheeysatay inaan iska dhaafo bariiskii iyo burkii iyo raashinkii kale ee aan qaadan jiray iyo saliidii oo aan u wareego masagada, digirta iyo galeeyda waxaan ku doortay qiimaha ayaa raqiis ah meesha uu raashinkan kale uu qaali noqday”Ayuu yiri Cabdisalaan

Ganacsatada suuqa Beledweyne waxay u sababaynayaan qiimaha ay ku kordhiyeen maciishadda quutul daruuriga ah in ay ugu wacan tahay raashinkii ay ka soo iibsan jireen Bosaso oo hadda istaagay sababo la xiriira in ganacsigii dekedda ka soo degi jiray oo sii yaraanayo, isu socodka sii yaraanaya ee ka dhashay khatarta Carona Virus iyo in dhinaca Muqdisho oo xilligan iyana qoyaan ka jiro jidadkii ay baabuurta xamuulka ahi mari jirtay.

Cumar Abuukar oo suuqa ganacsiga guud ee magaalada ku dhex leh bakhaar lagu iibiyo cuntada aan bislayn iyo bagaashka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qiimuhu kor u socdo maadama cuntadu gabaabsi tahay. Wuxuu sheegay in baabuurtii tirada badnayd ee raashinka ka keeni jiray dekedda Boosaso ay hadda yareeyeen isu socodkii oo aan badanaa la arag baabuur ganacsi ka keenay Bosaso.

”Badiicada isbdal weyn ayaa ku yimid kaddib markii culays uu ku yimid dhinacyadii raashinka uu ka imaan jiray oo kala istaagay” ayuu yiri.

Ganacsatada sida Abuukar waxay sheegayaan in aysan haysan wax kayd cunto ah, kaas oo hadii uu jiro uusan meesha yimaadeen qiimo koror. Wuxuu sheegay in xilliga xagaagu uu ahaa wakhtigii ay ku tala-geli jireen kaydka, goortaas oo uu aad u yaraado waxa dekedaha ka soo degaa.

Bakhaarlaydu waxay sheegeen in qiimo kororka uu barbar socdo inuu yar yahay in wax laga sii iibsado iyaga qudhooda iyadoo dukaamadii yaryaraa ee ka sii macaashi jiray raashinka ay iminka hoos u dhigeen raashinkii badnaa ee ay gadan jireen, maadama ay ka cabsi qabaan in dayn lagu qaato oo ay ku khasaaraan.

Khaliif Xaashi Xuseen oo isna ka mid ah ganacsatada Beledweyne ayaa timaamay in uusan jirin macaash gaar ah oo ay iyagu kaga faa’iidaysanayaan xilliga adag.

“Waxii Boosaso yaallay haddii la dhaho iib maha  waa dareemi kartaa in markaasi wixii Beledweyne yaallay ay qaali noqon karaan marka cilladahaas ayaa sabab u ah” ayuu yiri.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay isha ku hayaan qiimo kororka cuntada dibedda laga keeno. Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in iyagoo kaashanaya maamulka degmada Beledweyne ay qaadayaan tallaabooyin lagu xakamanayo qiimo kororka oo si gaar ah khatar ugu ah dadka danta yar iyo kuwa soo barakacay ee dakhligoodu uu hooseeyo.

Magaaladan Beledweyne ee ku taal bartamaha dalka ayaa ka soo kabanaysay dhibaatadii lix bilood ka hor ka dhalatay fataahadda webiga Shabeelle ee saamaysay nolosha iyo dhaqaalaha guud ahaan shacabka

Previous Post

Berbera: Qoysas barakac ahaa oo guryo la siiyay

Next Post

Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo