Cabdisalan Maxamed Salaad oo ah aabbe shan carruur leh, wuxuu ka mid yahay qoysaska barakaca ah ee deggan xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne, wuxuu nolol maalmeedka qoyskiisu ku tiirsan yahay dhismaha guryaha oo ah shaqo aan joogto ahayn balse uu inta badan helo.
Shaqo maalmeedka wuxuu ka helaa lacag u dhexaysa $8 ilaa $10, waa daqliga keliya ee qoysku ku tiirsan yahay maalmaha shaqada jirto iyo maalmaha shaqo la’aantaba, wuxuu lacagtan ku maareeyaa cuntada iyo adeegga qoyskiisa. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in reerku biilanayeen $5 maalintii, laakiin labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa jira qiimo koror weyn oo dhinaca cuntada ah oo ka jira Beledweyne, taas oo saamayn ku yeelatay wax iibsiga qoyskiisa oo u baahan biil ka badan kii awal ku filnaan jiray.
Labadii toddobaad ee u dambeeyay qiimaha loorka sonkorta ah ayaa gaaray $30 suuqyada Beledweyne, waxaana ku korortay afar doolar, burka, bariiska iyo saalidda ayaa sidaas oo kale iyagana ay ku kordheen midkiiba dhawr doolar. Qiimo kororka ayaa si gaar ah u saameeyay dadka saboolka ah iyo kuwa barakacay ee magaaladaas.
Cabdisalaan wuxuu sheegay in qiimo kororka sonkorta, burka, bariiska iyo waxyaalaha kale ee dibedda laga keeno ee haatan ka jira Beledweyne ay ku khasbayso inuu xoogga saaro cuntada dalka ka soo go’da oo iyadu weli ka qiimo hoosaysa raashinka dibedda laga keeno ee aadka loo isticmaalo.
”Waxaan qorsheeysatay inaan iska dhaafo bariiskii iyo burkii iyo raashinkii kale ee aan qaadan jiray iyo saliidii oo aan u wareego masagada, digirta iyo galeeyda waxaan ku doortay qiimaha ayaa raqiis ah meesha uu raashinkan kale uu qaali noqday”Ayuu yiri Cabdisalaan
Ganacsatada suuqa Beledweyne waxay u sababaynayaan qiimaha ay ku kordhiyeen maciishadda quutul daruuriga ah in ay ugu wacan tahay raashinkii ay ka soo iibsan jireen Bosaso oo hadda istaagay sababo la xiriira in ganacsigii dekedda ka soo degi jiray oo sii yaraanayo, isu socodka sii yaraanaya ee ka dhashay khatarta Carona Virus iyo in dhinaca Muqdisho oo xilligan iyana qoyaan ka jiro jidadkii ay baabuurta xamuulka ahi mari jirtay.
Cumar Abuukar oo suuqa ganacsiga guud ee magaalada ku dhex leh bakhaar lagu iibiyo cuntada aan bislayn iyo bagaashka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qiimuhu kor u socdo maadama cuntadu gabaabsi tahay. Wuxuu sheegay in baabuurtii tirada badnayd ee raashinka ka keeni jiray dekedda Boosaso ay hadda yareeyeen isu socodkii oo aan badanaa la arag baabuur ganacsi ka keenay Bosaso.
”Badiicada isbdal weyn ayaa ku yimid kaddib markii culays uu ku yimid dhinacyadii raashinka uu ka imaan jiray oo kala istaagay” ayuu yiri.
Ganacsatada sida Abuukar waxay sheegayaan in aysan haysan wax kayd cunto ah, kaas oo hadii uu jiro uusan meesha yimaadeen qiimo koror. Wuxuu sheegay in xilliga xagaagu uu ahaa wakhtigii ay ku tala-geli jireen kaydka, goortaas oo uu aad u yaraado waxa dekedaha ka soo degaa.
Bakhaarlaydu waxay sheegeen in qiimo kororka uu barbar socdo inuu yar yahay in wax laga sii iibsado iyaga qudhooda iyadoo dukaamadii yaryaraa ee ka sii macaashi jiray raashinka ay iminka hoos u dhigeen raashinkii badnaa ee ay gadan jireen, maadama ay ka cabsi qabaan in dayn lagu qaato oo ay ku khasaaraan.
Khaliif Xaashi Xuseen oo isna ka mid ah ganacsatada Beledweyne ayaa timaamay in uusan jirin macaash gaar ah oo ay iyagu kaga faa’iidaysanayaan xilliga adag.
“Waxii Boosaso yaallay haddii la dhaho iib maha waa dareemi kartaa in markaasi wixii Beledweyne yaallay ay qaali noqon karaan marka cilladahaas ayaa sabab u ah” ayuu yiri.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay isha ku hayaan qiimo kororka cuntada dibedda laga keeno. Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in iyagoo kaashanaya maamulka degmada Beledweyne ay qaadayaan tallaabooyin lagu xakamanayo qiimo kororka oo si gaar ah khatar ugu ah dadka danta yar iyo kuwa soo barakacay ee dakhligoodu uu hooseeyo.
Magaaladan Beledweyne ee ku taal bartamaha dalka ayaa ka soo kabanaysay dhibaatadii lix bilood ka hor ka dhalatay fataahadda webiga Shabeelle ee saamaysay nolosha iyo dhaqaalaha guud ahaan shacabka









