Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Berbera: Qoysas barakac ahaa oo guryo la siiyay

admin by admin
April 5, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Kedka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol konto iyo lix qoys oo ah barakacay ahaa oo ku nool magaalada Berbera ayaa la siiyay guryo ka sameysan laban (Bulukeeti) iyo jiingad horaati bishi hore (March). Guryahan oo ay qeybisay dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa ka kooban laba qol, jiko iyo musqul.

Dadkan oo ku soo barakacay magaalada Berbera abaarihii sanadihii 2016-2017 ayay dowladda hoose u siisay guryahan si ay bulshada uga mid noqdaan oo ay u helaan degganaansho, adeegyada bulshada iyo shaqooyin sida uu raadiyaha Ergo u sheegay Cabdishakuur Maxamuud Cidin duqa magaalada Berbera.

Duq Cidin ayaa xusay iney ka dhiseen guryahaas dhulka ay dowladdu leedahay isagoo intaas raaciyay in dhismaha guryahaas kamid yihiin xarun caafimaad, dugsi hoose dhexe iyo biyo.

Aadan Maxamed Cali oo ah aabbaha lix carruur ah oo ka soo barakacay abaar ku dhufatay baadiyaha Laasciidle sanadkii 2016 bishii afraad ayaa ka mida dadka la siiyay guryaha.

Waxaa uu raadiyo Ergo u sheegay muddo shan iyo labaatan maalmood ah oo uu ku noolyahay guriga ay siisay dowladda hoose uu fursad u helay inuu subax kasta dekadda Berbera u tago xamaali uu nolol maalmeedka qoyskiisa ku dabbaro. Shaqadan ka hor waxaa uu qoyskiisa ku dabbari jiray raashin ay siin jirtay WFP.

Aadan ayaa xusay in isaga iyo carruurtiisa uu ku filnaaday guriga cusub oo ku yaalla xaafadda Magaalo-cad oo 2KM dhinaca bari kaga beegan Berbera. Qoyska Aadan oo degganaa muddo saddex sano ah aqal Soomaali ay ka dhisteen xaafadda Jaamo-laaye oo ay deggan yihiin dadka danyarta ah ayaa sheegay in aanu marna filayn inuu ka baxayo nolosha barakaca oo uu kusoo biiray markii ay ka le’edeen boqol iyo labaatan neef oo adhi ah uu dhaqan jiray.

Dadkan oo ay ku caawin jireen raashhinnka hay’ado maxalli ah iyo kuwa caalami ah muddadii afarta sano ahayd oo ay degganaayeen halkaas. Aadan oo muddo sannad ah ka shaqeeyay dekadda Berbera isagoo ay ka soo gasho boqol kun ilaa boqol iyo konton kun oo Somaliland shilling ah, lacagtaasoo ka caawisay in saddexda waqti masaariifta qoyskiisa.

Dadkan barakaca ku ah Berbera ee la siiyay guryaha waxaa lagu xulay bakhtiyaa nasiib loogu sameeyay goob fagaare ah oo ay goobjoog ka wada ahaayeen maamulka iyo barakacayaashu.

Cabdishakuur Maxamuud Cidin duqa degmada Berbera ayaa raadiyo Ergo u sheegay in markii hore ay qorsheynayeen in saddex boqol oo qoys ay guryo siiyaan balse ay laba waji ka dhigeen markii uu dhammaaday dhulkii ay u bixiyeen in guryaha laga dhiso.

Xasan Guuleed Xirsi oo ah 36 jir oo sideed carruur ah ula soo barakacay xaafadda Daaroole ee magaalada Berbera horraantii sanadkii 2017 waxay u tahay fursad inuu guri ka helo taasoo ah middii uu ugu shaqo tagi lahaa qoyskiisa oo saddex sano ku tiirsanaa raashin ay siin jirtay ha’yadda WFP. Wuxuu sheegay in hadda kaddib uu qorsheynayo inuu shaqo ka raadsado magaalada maaddaama ay carruurtiisu heleen hoy ay ka galaan kuleylka xeebta ee xilliyada xagaaga iyo waxbarasho bilaash ah.

Mashruucan guryaha lagu siiyo dadka barakaca ku ahaa magaalada Berbera waxaa dowlada hoose ka caawisay ha’yadda Norwegian refugee Council. Boqol afar iyo afartanka qoys ee kale ayaa guryaha loo dhisayaa laba bilood kaddib sida uu raadiyo Ergo u sheegay duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin.

Previous Post

Cadaado: Dad barakacay oo markii ugu horreysay ka faa’iidaysanaya waxbarashada iskuul bilaash ah

Next Post

Beledweyne: Qiimaha quutul-daruuriga kor u kacay oo saameeyay dadka saboolka ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Mudug: Maalgelin dayn ah oo la siiyay 120 haween ah oo deggan Bacaad-weyn

Beledweyne: Qiimaha quutul-daruuriga kor u kacay oo saameeyay dadka saboolka ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo