Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Cadaado: Dad barakacay oo markii ugu horreysay ka faa’iidaysanaya waxbarashada iskuul bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 4, 2020
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
150 oo carruurta barakacayaasha ah helay waxbarasho lacag la`aan ah

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Falis Cabdi Xaashi oo deggan xerada Daryeel ee duleedka magaalada Cadaado waxaa iyada iyo labo carruur ah oo ay dhashay ay ka faa’iidaysanayaan iskuul bilaash ah oo xerada ay sanndkii hore sameeyeen macalimiin isxilqaamay.

Falis oo ah hooyada siddeed carruur ah waxaa qoyskeedu oo barakac ahaa labadii sano ee u dambeysay markii labo boqol oo ari ah iyo rati ay ku waayeen abaartii 2017-dii. Ma aysan awoodin iyada iyo saygeedu inay iskuul geeyaan carruur maaddaama aysan haysan il dhaqaale ka soo galo.

Waxay bishii tobanaad ee sanadkii hore nasiib u yeesheen inay ka mid noqdaan ardayda iskuulkan. Haweenaydan ayaa tilmaamtay in iyadu aysan helin waxbarasho markii ay yarayd laakiin hadda ay carruurteedu wax u baranayaan iyaduna ay la dhiganayso si fursadda ay uga wada faa’iidaystaan.

“Wax weyn baan wallaahi ka helay, aniga iyo carruurtaydu waxaan ka baranay wax badan waxaan dhigannaa Soomaali, xisaab, iyo Carabi jawigeennu waa jawi waxbarasho wiliba waan sii hiigsanayaa in aan sii wado aniga waligay waxbarashada waan jeclaa.“

Waxay xustay Falis in aysan waxna qori jirin waxna akhrin jirin kahor intaysan iskuulka gelin, dhanka kale waxay ka tilmaameysa in aysan jirin wax kharash ah oo uga baxa waxbarashada iyada iyo carruurteeda.

Iskuulka oo hadda ay dhigtaan 140 arday oo 20 ay dad waawayn yihiin waxaa lagu baraa waxbarashada dugsiga hoose. Billowgii waxaa macalimiintu haysteen sabuurad u saarneyd geed hoostiis oo darmo loo dhigi jiray ardayda sida uu sheegay Khaalid Axmed Maxamed oo ah maamulaha dugsiga. wuxuu ka warramay xaaladda ay ku billaabeen iskuulka iyo cidda fikradda lahayd.

“Si aad iyo aada u xasaasiya ayaan ku bilaawnay sabuuradaha iyo wax walba midba meelbaan ka sooqaadnay  iskoolaadka sababtoo ah meel aan kursi lahayn oo miis lahayn oo sabuurad lahayn oo dad wax labaraayo waad dareemi kartaa, iskuulkaaan anigaa fikirkiisa lahaa  macallimiin kalana waa ila gacan-qabteen.“

Hay’adda Mercy Corps ayaa bishii sagaalaad ee sannadkii hore iskuulka u dhistay saddex qol oo kala ah labo fasal oo ay ardaydu wax ku bartaan iyo qol ay carruurtu ku ciyaaraan. Iskuulka oo ku eg dugsiga hoose ayaa Khaalid sheegay in maamulku uu hadda qorshaynayo sidii ay u gaarsiin lahaayeen dugsi dhexe.

“Waabaryaaba warkiisa leh markii hadda ay noogu gudbayaan dugsiga dhexe taasna sidii aan u qaabili karno iyo haddii dhismo aan helno dheeriya markaas ayaan u gudbi karnaa  dugsi dhexe dugsi sarena haddee waa markii alle nagaarsiiyo.”

Fardawso Axmed Caalin waxay ka mid tahay hooyooyinka wax ka barta iskuulkaan muddo 5 bilood ah. Galab walba ayay soo aaddaa marka laga reebo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha. Waxaab Fardowsa fursadda waxbarasho oo ay ka heshay iskuulkan.

“Waxaan dhigtaa Soomaali xisaab Carabi tarabiyo saynis iyo English dhamaantoo waan jeclahay tarabiyada ayaan u sii jeclahay Englishka ayaa I dhibi jiray hada waa fahmay waxbarashada waligayba waan jeclaa ee waanan helin waxaan rabaa in aan gaaro tan iyo meesha ugu danbaysa.”

Macalimiinta iskuulka oo ah afar rag ah iyo hal dumar ah waxbaridda ardayda ka sokow waxay ardayda qaar ka bixiyaan lacagta buugaagta iyo waxyaabahada kale ee ay u baahan yihiin.

“Waa dareemikartaa qofkii inta kuu keena carruur ku yiraahda mucalimaw anigu saan u galo maaqaan cunigiina ku agtaagan yahay 7 buugna loo baahan yahay ayaan u gadnaa si ayan carruurtu iskuulka uga harin,“ ayuu yiri Khaalid maamulaha iskuulka.

Iskuulkaan tan iyo markii la’aas-aasay ma jiro qof waxbarasho la’aan ay carruurtiisu guriga u joogaan kaamka Daryeel iyadoona uu furan yahay labada galin ee maalinka oodhan marka laga reebo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

Previous Post

Laascaanood: Farsamoyaqaan dhallinyaro ah oo hindisay tanag-biyood lagu faraxasho

Next Post

Berbera: Qoysas barakac ahaa oo guryo la siiyay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Berbera: Qoysas barakac ahaa oo guryo la siiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo