(ERGO) – Shuuriye Maxamed Mirre oo ah farsamayaqaan dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Laascaanood ayaa soo saaray tankibiyo lagu faraxasho, kuwaasoo maalmahan caan ka noqday magaalada gudaheeda iyo deegaannada u dhowdhow. Waxay dadku bilaabeen iney ka iibsadaan iyagoo u isticmaalaya baahidooda suuqayda, meheradahooda iyo makhaayadahooda si loogu faraxasho.
Shuuriye oo hindisiihiisan ku soo beegay xilli aad loogu baahan yahay in la helo qaab fudud oo dadka u sahli kara iney daqiiqado kaddibba ay faraxashaan ayaa sheegay in taankigan loo naqshadeeyay hab hormarsan oo fudud oo ay dadku ku faraxalan karaan oo marna meheradda horteeda la dhigan karo, habeenkiina intii la kala furo si sahlan loo xareyn karo. Faarax Dubbad oo wareystay ayaa ugu horreyn waydiiyey waxa ku dhaliyay hindisahan cusub.
Jawaab: Walaalow waa su`aal muhiim ah, horta wuxuu agabkan igu dhashay 16 Maarso ee sanadkan, agabkan waxaa igu dhaliyay kaddib markii uu cudurkan ka soo baxay dalka Shiinaha saddex bilood ka hor. Markii hore dadkeenna kama ayasan haysan macluumaad dhamaystiran, laakiin markii dambe ee uu u soo gudbay dawladaha kale, loona bixiya COVID19, kaddib waxaa soo ifbaxay khubaro Soomaali ah oo ka sameynaya warbixinno qaabka loo kala qaado cudurkan iyo sida looga hortago, waxaana ii soo baxay iney gacmuhu yihiin jeermis-sidaha ugu daran. Alaxamdu lillaah 17 bisha waxaan ku guulesannay inaan soo saarno naqashaddaas oo ah taangi qaadaya ilaa 30 liiter oo biyo ah.
Waydiin: Waan gartay, qalabkani muxuu ka sameysan yahay nooga warbixi?
Jawaab: Walaalow agabkani wuxuu ka sameysan yahay bir, qaybta hoose waa bir la laalaabay, qaybta sarena waa taangi ay biyo ku jiraan, waxaa kaloo uu ka sameysan yahay qaybta hoose oo fadhigii ah oo is haysata, marka dhammaantiis bir ayuu ka sameynsan yahay
Su`aal: Waan gartay, dad badan baa idinka soo codsaday marka iiga warran dadka sidee idiinka soo codsadeen?
Jawaab: Walaalow maalinkii bisha 18-ka ee aan bandhigga keennay marka hore dhallinyaro badan baa noo timid iyo qayb kamid ah warbaahinta gobolka Sool, warar bay naga sameeyeen sawirrana waa naga qaadeen, baraha bulshada ayaa la geliyay, abbaarihii 12kii duhurnimo ayaa waxaa na soo wacay mayarka Gobolka Sool Cabdicasii Xuseen Taarwale, xafiiskiisaan ugu tagay, wuxuuna naga codsaday inaan u sameyno 12 xabbo oo dalab ah muddo koobanna, wuxuuna kaloo noo sheegay in gobollo kale oo Somaliland ah laga soo waydiiyay.
Su`aal: Waan gartay, halkii xabbo lacag intee la`eg baad ku sameysaan?
Jawaab: Nin yohow halkii xabbo iminnka wuxuu u dhexeeyaa 70 ilaa 60 dollar oo qiimihiisu waa meelahaas, dadkana wixii noo dhow waan u geynaa.
Su`aal: Waan gartay, maalintii waxaad ii sheegtay 6 ilaa 5 in laydinka sameysto ilaa iyo iminka tirada aad sameyseen maxaad ku qiyaasi kartaa?
Jawaab: Iibka saxdaa wuxuu bilowday 19-kii Maarso markaa ilaa iyo hadda tirakoobka saxda ah waxay noqonesyaa inaa buugta ku noqdo, laakiin waxaan filayaa inaan ilaa 60 xabbo hadda iibiyay, hadda nafteeda waxaan haynaa dalab kale oo ay dad ka soo dirsadeen tuulooyinka.
Su`aal: Dad badan baa kuu soo tahniyadeeyay sida aan la socdo ka Shuuriye ahaan maaddaama aad adiga tahay ninkii curiyay fikradda, adiga dareen intee la`eg bay kuu leedahay agab caynkaas oo kale ahoo badqabkii dadka ama dhankii caafimaadka qayb wayn ka qaadanaya in aad sameysid oo ay dad badani ay adeegsadaan?
Jawaab: Wallaahi walaalow aad baan ugu farxay markii aan arkay iyadoo faysbookyada la wadwado inay heekaas gaareyso aniga ma moodeynin, farxadda labaadna waxay ii ahayd markii ay dadku soo dalbadeen oo magaalooyinka iyo tuulooyinka ay aad u soo dalbadeen taasina dareenkayga waxbay ku beddeshay.
Su`aal: Teeda kale dadku farriimihii caafimaadka ee loo gudibinaayay arrintani iney sii sahashay adiga ma dareensan tahay?
Jawaab: Wallaahi hadder aad baan u dareensanahay, maalmahan oo dhan waxaan arkayay iyadoo madaxda gobollada la soo bandhigayay faraxalka iyadoo lagu baraarujinayo dadka, marka waan dareensahay dhiirrigelinta iyo baraaruggan hadda socda waxyaalihii asaaska u ahaa iney tahay fikraddeenna waan dareensanahay. Waxaan kaloo aan dareensahay iney tahay fikrad ay dadka Soomaaliyeed ka wada faa`iidaysan karaan.










