Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Xarun tababar iyo shaqo siisa dumarka danyarta ah iyo kuwa jaamacadaha ka baxay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 4, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Xarun tababar iyo shaqo siisa dumarka danyarta ah iyo kuwa jaamacadaha ka baxay

Mid ka mid ah gabdhaha ku tababartay kana shaqeeya xarunta Mudan/Sawir/Cabdiwahaab/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xarunta Mudan waxaa lagu tababbaraa gabdhaha shaqo la’aanta ah iyadoona ka caawisa sidii ay shaqo u heli lahaayeen. Xaruntan oo ku taalla magaalada Muqdisho waxay soo saartaa alaabaha lagu nadiifiyo guryaha iyo jirka, iyadoo ay farsameeyaan gabdho loo tababaray  hawshaas si loogu abuuro shaqooyin.

Gabdhahaas waxaa kamid ah Sacdiyo Maxamed Cali oo keligeed u shaqeeysa reer ka kooban lix qof. Sagaal bilood oo tababar ay qaadatay kaddib waxa ay soo saartaa alaabo ay tahay muhiim in la isticmaalo markasta sida nadaafadda. Waxay noo sheegtay Sacdiyo in xaruntaan ay u timid si ay shaqo u hesho. Waxay noo sharxaysaa farqiga u dhaxeeya hadda iyo iyo kahor inteyan helin fursaddan,” ayay tiri Sacdiyo.

“Fursaddaan waxaan ku helnay iyadoo tareynin la bixinayo ayaan imaaday sidii ayaan tareynin dheer ku galnay, kaddib waxaa bilownay inaan ku shaqeeno wixii nala baray. Waxaa kamid ah dareertada dharka, jikta dharka cadeyso iyo dhitoosha. Dhiirargalin ayey noo ahayd inaan wax soo saar sameyno kadibna aan ku shaqeesanno, farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, hadda waan shaqeystaa laakiin awal wax shaqo ah aan hayey ma jirto”

Sacdiyo ayaa ka hadashay iney hadda tahay qof shaqeysta ee maareeya nolosheeda iyo tan qoyskeeda oo ay kamid yihiin carruurta waxbarashadooda,  waxayna ku sii rajo wayn tahay ineey meel sare ka gaarto wax soo-saarkeeda.

Warshadda wax soo saarka Mudan oo shaqeysa muddo sanad ah waxay fursad shaqo siisay 11 hablood oo kamid ah 27 gabdhood kuwaas oo ahaa gabdhihii ugu horreeyay oo lagu bilaabay xaruntan.

Aas-aasaha xarunta Mudan ahna maamulaha Cudbi Cumar Abuukar ayaa sheegtay in dumarka ay u baahan yihiin fursad iyo dhiirigelin, iyagoo ah kuwo wax soo saari kara shaqaysan karana. Sababtii keentay in ay aas-aasto xaruntaan ayay sheegtay inay tahay baahida shaqo la’aaneed ee gabdhaha haysata, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqaday gabdhaha ka soo baxay jaamacadaha ee aan hayn wax shaqo ah iyo kuwa keligood carruurta korsada oo odayaashii ka dhinteen ama ka dhaawacmeen.

“Gabdhihii jaamacado ayey kasoo wada baxeen waxba ma haystaan, qaarkood waa kaligood carruurta korinaaya odayaashi dhinteen ama dhaawacmeen, marka waxaas oo dhan ayaan fursad uga dhigany. Haddii aan fursad helno waxaan rabnaa inaan gobollada oo dhan inan kasoo hir gelinno,” ayay tiri Cudbi.

Cudbi waxay ka warrantay caqabadaha ay la kulantay intii ay wadday barnaamijkan waxayna sheegtay in ay ku adkaatay maalgashiga iyo in alaabtooda la iibsado oo ay adag tahay in dadka la fahamsiiyo tayada alaabta gudaha dalka lagu sameeyo, laakiin hadda waaxa ay dareemeysaa inay ay suuq heleen sabab la xiriirta cudurka COVID-19 oo ay yaraadeen wixii la mid ah alaabtooda oo debadda kai man jiray, haddna ay helaan  dalabaad badan iyadoo xustay in hadda ay shaqeeyaan saacado ka badan intii hore.

Dumarka Mudan ka shaqeeya waxaa sidoo kale ku jirta Barwaaqo Cabdifadal oo ah hablaha goor dhaw dalka kusoo laabtay iyadoo sheegtay iney muddo shaqo raadis ahayd kaddibna ay heshay fursadaan oo ay u soo sheegtay gabar walaasheed saaxiib la ah, Burwaaqo waxaa kale oo ay fursad u heshay in ay wax barto qaar kamid ah gabdhaha ay isku xarunta yihiin yihiin.

Cayni Cabdiqaadir Cumar waxa ay ka shaqeysaa qeybta tolista boorsooyinka ama harqaanka/dawaarka ee xarunta. Si lamid ah hablaha kale ayay qaadatay tababar iyadoo dhameysatay jaamacadda heerka koowaad sida ay noo sheegtay. Markii ay weyday shaqo kale ayey kusoo biirtay xaruntan. Hadda waxay kamid tahay gabdhaha leh hal-abuurka, waxayna hinistaa oo naqashadeysaa boorsooyinka bilicda fiican leh oo ay dumarku jecelyihiin.

Previous Post

Godinlabe: Macallimiin iskuul waxbarasho oo bilaash ah ka hirgeliyay Fadalweyn

Next Post

Laascaanood: Farsamoyaqaan dhallinyaro ah oo hindisay tanag-biyood lagu faraxasho

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Laascaanood: Farsamoyaqaan dhallinyaro ah oo hindisay tanag-biyood lagu faraxasho

Laascaanood: Farsamoyaqaan dhallinyaro ah oo hindisay tanag-biyood lagu faraxasho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo