Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Godinlabe: Macallimiin iskuul waxbarasho oo bilaash ah ka hirgeliyay Fadalweyn

Radio Ergo by Radio Ergo
April 1, 2020
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kaaho Xersi Cali waa hooyo heysata toddobo carruur ah waxayna afar kamid ah uga heshay waxbarasho iskuulkan laga hirgaliyay tuulada Fadalaweyn oo 30 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Godinlabe.

Kaaho oo ku noolayd deegaankan muddo dheer ayaa ka walaacsanayd sidii ay carruurteeda ugu heli lahayd waxbarasho iskuul, waxayna raadiyo Ergo u sheegtay in ay dhowaanahanba ka fekeraysay sidii ay qorshe ugu samayn lahayd wiilkeeda carruurta u wayn oo sagaal iyo toban jira ah, waxayna ku talo jirtay in ay iibiso dhowr neef oo ari ah si ay wiilka ugu dirto magaalo kale si uu wax ugu barto, haddase taas way ka hartay.

“waxbarashada si wanaagsan ayey u socotaa si aad ah oo aan wax ka garanayo ayaa loogu soo biiray iskuulka carruurteyda bilowgooda, masha Allah waaye wiilka maalmahan ayuu dhiganayay awalna nin Qur’aan dhameyay ayuu ahay si aad ah ayuu wax u baranayaa” ayay tiri.

Reerka Kaaho oo ka kooban 9 qof oo uu ku jiro aabaha reerka waxay degaanka Fadalaweyn ku nool yihiin muddo 20 sanno ah, waxayna hadda dhaqdaan 85 neef oo ari ah, kuwaas oo ka haray xoolahoodii oo si weyn isu dhimayay sannadihii u dambeeyay abaaraha dartood. Afar sano ka hor waxay lahayd 350 neef, khasaaraha abaaruhu u geysteen ayaa sii kordhiyay duruufaha saboolnimo ee qoyskeeda.

Tuuladan Fadalaweyn oo ay ku nool yiiin ilaa 350 qoys oo xoolaha ku tiirsan ayaa carruurteeda oo dhami aysan weligood tegin iskuul, iskuulka ugu dhaw wuxuu  ku yaala magaaladda Godinlabe

Macallimiin  labaatan ah oo wax ka dhiga iskuullo ku yaala Cadaado iyo Godinlabe ayaa lacag ay aruurinayeen muddo 8 bil ah oo dhan $5,600 ayay dadka degaanka Fadalaweyn ugu hirgaliyeen iskuul ka kooban 3 qol kaasoo ah kiro ay bil walba ku baxayso $30 qolkiiba halka ay miisaska iyo kuraasta iskuulkan  ay ku baxday lacagta ugu badan, taas oo keentay in ay galaan $1,000  oo dayn ah oo uu ku leeyahay bakhaar dhisme oo ay kaso qaateen alwaaxda miisaska iyo kuraasta laga sameyay si ay iskuulka u furaan.

Macalin Axmed Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah macallimiinta iskuulkan hirgaliyay ayaa idaacadda Ergo u sheegay in arrintan ay tahay gargaar waxbarasho oo la siinayo dadka xoolo-dhaqatada ah ee ka fog magaalooyinka waxbarashadu ka jirto ama aan awoodin kharashka waxbarashada kuwaaso heysta carruur badan welina xoolaha raaca. Macallimiinta wax baraya ardayda Fadalaweyn ayaa laga keenay magalooyinka Godinlabe iyo Cadaado waana saddex macallin oo hadda dhigaya Xisaab, Af-Somaali, Tarbiyo iyo Carabi, macalin walba waxaa ku baxeysa $300 oo iskugu jirta mushahar, hooy iyo raashin; lacagtaas oo ay si bille ah iskaga aruuriyaan macallimiinta hirgaliyay iskuulkan.

Waxaa kale uu macallin Axmed   raadiyo Ergo u sheegay in ay khibrad u leeyihiin hirgelinta waxbarashada noocaan ah, wuxuuna xusay in ay iskuullo hore ka hirgaliyeen magalooyinka sida Cadaado iyo tuulooyinka Docoley, Iidole iyo Biyo gaduud oo dhamman ka tirsan gobolka Galgaduud kuna guuleysteen midkanna wuxuu ka rajeynayaa inuu sida kuwii hore u guuleysto.

Guddoomiyaha Fadalaweyn Calidaahir Faarax Jimcaale  ayaa isagana Ergo u sheegay in maamulka tuulada uu iska dhex xulay 11 qof oo la shaqeysa macallimiinta iskuulka hirgaliyay si la iskaga kaashado saldhigashada iskuulka isla markaasna macallimiinta degaanka ku cusub ee carruurta waxbarayana laga caawiyo waxa ay u baahan yihiin.

Previous Post

Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah

Next Post

Muqdisho: Xarun tababar iyo shaqo siisa dumarka danyarta ah iyo kuwa jaamacadaha ka baxay

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Muqdisho: Xarun tababar iyo shaqo siisa dumarka danyarta ah iyo kuwa jaamacadaha ka baxay

Muqdisho: Xarun tababar iyo shaqo siisa dumarka danyarta ah iyo kuwa jaamacadaha ka baxay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-OCT-2026

IDAACADDA 04-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo