Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xerada Dooxa-Mudug oo ay deggan yihiin boqollaal qoys oo ay abaar soo barakicisay waxa ay ku taallaa duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo. Dadkan intooda badan waxaa ay ku tiirsan yihiin kaalmo ay ka helaan eheladooda oo deggan magaalada.

Waxaa dadkaasi ka mid ah Cabbaas Cabdi Maxamed oo ah 34 jir uu qoyskiisu ka kooban yahay shan qof ah. Wuxuu Radio Ergo u sheegay in ay Gaalkacyo deggan tahay gabar walaashiis ah oo qoyskiisa caawisa.

“Wax i caawiya oo aan wax ka helaa gabar walaashay ah oo meeshaan deggan oo marka aan is iraahdo caawa waa dib jiraysa, aan nolol maalmeedka udoonta, shaqo aan hayana ma jirto. hooyada qoyska ayaan u diraa ama aniga ayaa taga, mararka qaarna gabadha walaashayda ah ayaa noo keenta. Cunnada aan ka helno halkii marba waa 3 cisho wixii aan karsan lahayn, 3 sano iyo sadex bilood ayaan ku tiirsanay gabadha, nolol kale oo aan iyada ahayn ma hayo, Wax badan ayay noloshayda ka badashay waa qofka kaliya ee aan shinsanayo, waxa ay iga cawisaa cunada iyo caanaha ilmaha ,” ayuu yiri Cabbaas oo gacantiisa midig ku waayay bambo ku qaraxday 16 sano muddo laga joogo.

Cabbaas iyo qoyskiisa waxaa ay ku noolaayeen deegaanka Dowgaab oo 90 km Gaalkacyo u jira oo ay ku dhaqanayeen 30 neef balse marki dambe ay abaartu ka laysay.

Yaasmiin Cabdi oo ah Cabbaas walaashiis waxaa ay Gaalkacyo ku leedahay kabar yar oo khudaarta ay ku iibiso. Labadeeda waalid iyo walaalkeed oo abaarta ku cayrtoobay ayay ku caawisaa dhaqaalaha uga soo baxa ganacsigeeda yar.

“Wiil walaalkay ah baa baadiyaha ka soo barakacay, aniga laftay ma ahi qof ganacsi fiican leh oo qudaar ayaan iibiya, sidaas oo ay tahay wiilkaas walaalkay ah ayaa marka uu ii yimaado caawiya. Caanaha carruurta iyo cunnada ayaan ka dabaray, shan berri wax ku filan ayaan siiyaa, inta uu iga sii maqanyahay ayaan wixii aan siin lahaa marka uu soo laabto u aruuriya,” ayay tiri Yaasmiin

Labo ka tirsan carruurta Cabbaas ayaa gaaray da’ada wax-barashada, waana 7 jir iyo 9 jir, balse waa guri-joog aan haysan fursad ay wax-ku-baran karaan, maaddaama aysan xeradu lahayn xarun waxbarasho oo loogu talagalay dadka barakacay.

Dhulka ay ku taal xerada Dooxo-Mudug waxaa qoysaskan ugu deeqay nin ka mid ah dadka deegaanka sida uu sheegay Cabbaas oo ka mid ahaa dadkii ugu soo horreeyay ee xeradan lagu aasaasay horraantii sanadkii 2017.

Farxiyo Siciid Colaad oo iyaduna ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee xeradan soo dega waxaa muddo labo sano ku dhow, cunna iyo caanaha ku caawiya qoysas ehelkeeda ah oo deggan Gaalkacyo. Waxay keligeed korisaa carruurta oo ay aabbahood kala tageen.

“Way badan yihiin eheladayda. Waa kudhawaad 10 qoys oo kuwa aan qaraabo nahay ay ku jiraan, sida walaashay, gabar aan ilma abti nahay iyo kuwa la mid ah ayaan u tagaa oo waxa aan ka soo helo ka soo qaata. Haddii aan heli karo wax aan uga fursado dulsaar kuma ahaadeen waad dareemi karta qof baryo tagaya baahida u gaysay,” ayay ku cataabtay Farxiyo

Dhibaatada ugu daran ee qoyska Farxiyo haysata ayaa ah biyaha oo laga iibiyo, isla markaana 20 litir laga siiyo 2,000 oo shilin Soomaali ah.

Farxiyo waxay abaartii ugu dambeysay ee gobolka Mudug ku waysay 150 neef oo ari ah iyo 2 awr. Waxay ka soo barakacday deegaanka Dagaari ee gobolka Mudug oo Gaalkacyo u jira qiyaastii 32 km.

Xerada kuma yaallaan xarumo caafimaad, waxaana qoysaska ay tagaan isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo bixiya adeegyo iyo dawo lacag-la’aan ah.

Previous Post

Dugsi farsamada gacanta lagu barto oo laga furay tuulada Adhi-cadeeye

Next Post

Dib-u-dejin loo sameeyay qoysas barakac ku ahaa Baydhabo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boqollaal qoys oo abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Dib-u-dejin loo sameeyay qoysas barakac ku ahaa Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo