Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dugsi farsamada gacanta lagu barto oo laga furay tuulada Adhi-cadeeye

Radio Ergo by Radio Ergo
August 14, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dugsi farsamada gacanta lagu barto oo laga furay tuulada Adhi-cadeeye

Mid ka mid arday wax-ka-barata dugsiga farmada oo waraysi siinaayo Raadiyow Ergo/Faarax Dubbad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ah 28 jir wuxuu ka mid yahay 45 arday oo wax-ka-barta iskuul farsamada gacanta lagu barto.

Ardaydan ayaa dhamaantood ka mid ah dadkii xoolaha ka dhamaadeen ee ku soo barakacay xeryo ku yaal tuulada Adhi-cadeeye oo 30 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wuxuu hadda dhiganayey afar bilood, laba bilood ayaa u sii harsan, laakiin isagoon weli qalin jebin ayuu fursado shaqo ku helaa xirfadda uu bartay, isagoona shaqaysta maalmaha khamiista iyo jimcaha.

“Anniga iyo 14 qof oo kale ayaa baranay farsamada dhismaha, maalintaan shaqaysto waxaan soo helaa 12 doolar. Markii hore aan iskuulkan soo galay wax aan aqaanay ma jirin, waxaan ahaa nin baadiya ka soo galay, faa’iidada iyo aqoonta aan ka helay waa mid hadda noloshayda rajo soo gelisay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo hadda caafiya qoyskiisa oo 250 adhiya iyo 20 neef oo geel ah uga dhinteen abaartii 2017.

Ardayda kale ee farsamooyinka kale hadda ka bartay kuna shaqaynaya iyagoo weli waxbarashadii ku jira waxaa ka mid ah Jaamac Cali oo ah oo barta farsamada korontada. Wuxuuna hadda caawiye u yahay farsamoyaqaan korantada guryaha geliya.

“Waxaan ula shaqeeyaa fuundiga waa in aan tababar gacanta ah helo, si aan isugu filnaado markaan dhamaysto waxbarashada oo aan annigu gaarkay u qabsan karo shaqada” ayuu yiri Jaamac.

Dadka deegaanka Adhicadeeyo oo lacago isku dardaray ayaa waxaa ay hirgeliyeen iskuulkaan shan bilood ka hor, iyadoo difacadii ugu horaysay ay hadda dhiganayso.

Maamulka dugsigaan Maxamed Saleebaan warsame oo ka mid ah guddi loo xirsaaray hirgelinta dugsiga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in  Hirgelinta Iskuulkaan ay ku qaadatay dadka deegaanka muddo ka badan laba sanno.

Qarash gaaraya ilaa 40,000 oo doolar ayaa ku baxday dhismaha iskuulkan. Lacagtaan ayaa guddi 7 xubnood ah oo dadka deegaanka ahi waxa ay ku ururinayeen muddo laba sano.

Maxamed wuxuu sheegay in dhaqaalaha intiisa badan uu ku baxay raadinta macalimiin talo leh iyo qalabka ardayda wax lagu bari lahaa.

Hadda waxaa wax ka dhiga iskuulkan ilaa lix macallin oo labo ka mid ah laga keenay dalka Kenya. Iskuukan waxaa bishii ku baxda lacag gaaraysa 5,400, taa oo loo isticmaalo cunnada, jiifka, qalabka waxbarashada iyo mushaharka macalimiinta.

“Dhallinyarada  waxaa la baraa farsamooyin gacanta sida dhisamaha guryaha, xiriirinta tubooyinka ama biyo gelinta iyo korontada. Waxa kale oo la baraa waxbrashada aas-aasiga ah sida qorista afsoomaaliga iyo xisaabta, waana lacag la’aan,” ayuu yiri Maxamed.

Abdulaahi Cali Aadan wuxuu ka mid yahay macallimiinta iskuulka farsamada gacanta ee Adhi-Cadeeye kaa oo bara ardayda qaybta dhisamaha guryaha.

“Siddeed bilood ayaan ugu talagalnay in ay ku dhamaystaan , laakiin haddaba way ku shaqaystaan oo iyagaa dhaqaale ka samaystaan,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Previous Post

Haween ka faa’iidaystay maalgelin uu u sameeyay bangi ku yaalla Muqdisho

Next Post

Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo