Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dib-u-dejin loo sameeyay qoysas barakac ku ahaa Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal qoys oo abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Sawir hore/barakacayaal guryo looga dhisay Boosaaso/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun qoys oo deggenaa 16 xero oo ku yaallay magaalada Baydhabo, kuwaas oo halis ugu jiray raris khasab ah ayaa labadii bil ee la soo dhaafay la dejiyay dhul danguud ah oo ku yaalla duleedka magaalada. Waxaa laga caawiyay agab ay guryo jiingado ah ku dhistaan, musqulo ay wadaagi doonaan iyo meelo ay biyo ka dhaansadaan.

Goobta cusub ee qoysaskan la dejiyay oo lagu magacaabay Barwaaqo waxay ku taallaa meel 7 km u jirta Baydhabo. Wuxuu qorshuhu yahay in loo fududeeyo helista adeegyada aasaasiga ah sida iskuul, xarumo caafimaad oo kuwa wareega ah iyo habab lagula socdo heerarka nafaqada, sida ay noo sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka oo mashruucan ka taageertay maamulka degmada Baydhabo.

Waxaa howsha iska kaashaday dowladda hoose, hay’ado caalami ah iyo kuwa gudaha ee gargaarka ka shaqeeya.

Qureysho Cabdi Cali, waxay ka mid tahay dadka ka faa’ideystay dib-u-dejinta. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in muddo labo sano ah oo ay Baydhabo joogto ilaa saddex jeer si khasab ah looga raray dhul ay deggeneyd. Waxay hadda aad ugu faraxsan tahay dhulka la siiyay oo ay ka dhistay hal qol oo jiingad ah.

“Dhul dad ayaan deggenaa markii hore … ninkii aan ka deggenaa anigoo ku jira ayaa la igu kor gatay, waxayga ayaan ka furtay (waxayga dhan dhowdi) waan guuray, buush ayaan degay, meeshii haddana waan ka barakacay sidii ayaan inta ku dagay. Alxamdu Alshuki Ilaahay ayaan u mahadcelinayaa, hadda dhul ayaan deggenahay. Caafimaad ayaan Ilaahay ka tuugayaa,” ayay tiri Qureysho.

Qoyskeeda oo sagaal ruux ka kooban, wuxuu qayb ka yahay dadkii ugu horreeyay ee la dejiyay deegaankan cusub. Inkastoo ay hadda umul tahay, haddana waxay noo sheegtay in dhanka raashinka ay ku tiirsan yihiin dhaqaale ay ka helaan shaqooyin dhar-dhaqid ah oo ay iyadu qabato iyo aabbaha qoyska oo toddobaadkii saddex jeer xaabo ku soo gura gaari-dameer kiro ah, waxayna cel-celis ahaan dabka shitaan labo jeer.

Qureysho waxay ka soo barakacday deegaanka Goof-gaduud Buurey oo Baydhabo u jira qiyaastii 30 km, kaddib markii ay abaarta ku adkeysay tacabka labo beer oo ay lahaayeen. Hadda deegaankaas wax hanti ah kuma laha, umana qorsheynsa inay ku noqdaan, maaddaama ay beerihii iska iibiyeen markii ay nolosha ku adkaatay.

Deegaanka dadka la dejiyay oo aan booqday waxaan ku soo arkay dhismayaal jiingado bacweyne ah iyo musqulo wadaag ah. Waxaa la ii sheegay in qoyskiiba loo calaameeyay dhul uu cabbirkiisu gaarayo 10 mitir oo ballac ah iyo 20 mitir oo dhirir ah. Sidoo kale, waxaa deegaanka la geeyay ciidanka ammaanka ee degmada oo ka howlgalaya labo rug boolis oo la hirgeliyay. Waxay dadku biyaha ka dhaansadaan tubbooyin laga soo xiriiriyay ceel u jira 2 km oo ay u qodday hay’adda IOM.

Bashiir Maxamed Cabdi oo muddo siddeed sano ah barakac ku ahaa Baydhabo ayuu qoyskiisu ka mid yahay dadka dib-u-dejinta loo sameeyay. Wuxuu sheegay marka laga reebo labada bilood ee uu halkan deggen yahay inuu qoyskiisu la dhibaatoonayay guur guuritaan badan. Labo jeer oo 14-kii iyo 28-kii bishii Feberaayo ee sanadkan ah ayuu xusay in ay ku dul dagaallameen maleeshiyo isku haysatay lahaanshaha dhul ay deggenaayeen isaga iyo dad kale oo barakac ahaa, mararkaas oo naftooda ay halis gashay inkastoo dhimasho iyo dhaawac aanu ka soo gaarin dadkii xeradaas deggenaa.

“Faa’iidada aan hadda qabno waa dhulka inaan annaga leennahay, laakiin dukumiintiyadooda ma haysanno. ‘Dhulka adinka ayaa leh’ baa nala yiri. Gobol iyo degmo, madaxweynaha iyo hay’ado iskaashaday ayaa …. Dhulka annaga ayaa leh oo nala siiyay baa la yiri, laakiin warqad ma haysanno, dadka guryo ayay ka dhisteen kuwana waa loo dhisay, $30 ayaa lagu dhisay, hay’adda [IOM] ayaa ku garab siisay,” ayuu yiri Bashiir.

Bashiir oo qoyskiisa uu ahaa xoolo-dhaqato iyo beeraley wuxuu roob-yari sanado ah dartood uga soo barakacay degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, kaddib markii ay abaartu cayrtaysay.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa bixiyay dhulka, isla markaana fududeeyay dib-u-dejinta qoysaska, sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Baydhabo, Cabdullaahi Cali Watiin.

Guddoomiyaha oo Raadiyo Ergo telefoonka ugu warramay isagoo jooga Nayroobi ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray in dadkan ay helaan xuquuq deegaan. Waxaa dib-u-dejinta sidoo kale ka faa’ideystay qoysas danyar ah oo horay magaalada ugu noolaa iyo kuwo xeryaha qoxootiga Kenya ka soo laabtay.

“Meel kasta oo deegaan ah waa inuu ka dhacaa is dhaxgal bulsho, ma rabto in la dhaho xerooyinka barakacyaasha, Marka waa in is dhax degaan dadka magaalada, barakacayaasha iyo dadka dhanka qoxootiga ka imaanaya.”

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa mashruucan ka taageeraysa dhinacyada biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, iyo hirgelinta nalal ku shaqeynaya ileyska-cadceedda oo waddooyinka lagu xiray.

Hay’adda oo iimeyl ahaan aan mashruucan wax uga waydiinnay ayaa noo sheegtay in si dhaqso leh 2000 oo qoys oo kale loo siin doono dhul dan-guud ah oo aan loo baqeyn in khasab looga raro.

Rarista khasabka ah ayaa sanadihii u dambeeyay badatay, taas oo ay ugu wacan yihiin kororka barakaca iyo dhulka oo qiimo yeeshay.

Mashruucan oo ah wejiga koowaad ayaa lagu dejiyay 920 qoys oo ah kuwa barakacay ee halista ugu jiray rarista khasabka ah iyo 80 qoys oo kale oo dadka deegaanka ah, sida ay sheegtay IOM. Heshiiska ku saabsan dhulka waa mid u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha bulshada iyo maamulka deegaanka, hase yeeshee dadka in mid mid loogu sharciyeeyo guryaha waa howl looga shaqeynayo sanad gudihiisa.

Previous Post

Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

Next Post

Isbitaalka degmada Wanlaweyn oo aanan shaqaynayn muddo 30 sano ka badan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Cudurada shubanka iyo duumada oo ka jira Baay

Isbitaalka degmada Wanlaweyn oo aanan shaqaynayn muddo 30 sano ka badan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo