Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Isbitaalka degmada Wanlaweyn oo aanan shaqaynayn muddo 30 sano ka badan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2019
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
1
Cudurada shubanka iyo duumada oo ka jira Baay

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Degmada Wanlaweyn wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee kacaanka kama jirin isbitaal guud oo ay degmada leedahay, waxaana taasi ay sababtey in ay dadka ku nool degmadaasi ay adeegyo caafimaad ka doontaan meelaha ka fog degmadaasi.

Magaalada Muqdisho oo ay degmada wanlaweyn 60km dhinaca koonfureed kaga beegan tahay ayaa ka mid ah meelaha ay buslahada halkaasi ku nool ka raadsanadaan adeegyada caafimaad ee ay uga baahdaan isbitaalada.

Dadka ayaase isugu jira kuwa awooda in ay meelaha fog isbitaalo ka raadsadaan iyo kuwa aan awdoodin arintaasi.

Ismahaan Xasan Axmed waxaa ay iyada iyo qosykeeda ka mid yihiin dadka ku nool baadiyaha fog ee magaalada Wanlaweyn, Todobaad ka hor geeriyoodey walaalkeeda Cabdifataax Xasan Axmed oo 23sano jir ahaa.

Cabdifataax Xasan ayaa la xanuunsanayay ku dhawaad seddex sano nabar uga soo baxay qoorta, Inta uu xanuunsanaa waxaa ay Ismahan oo ah walaashiisa usheegtey Raadiyow Ergo in lagu daweynayay daawo dhireed iyo in bishiiba seddex jeer la quraan saari jirey.

Qoyska Ismahaan oo ahaa xoolo-dhaqato iyo beeralay ayaa waxaa saameyay abaaro, islamarkaana waxaa ay awoodi waayeen dhaqaalo isbitaal lagu geeyo wiilkooda. Marka la qiimeeyay khasarsh ahaan inta ku bixi karta daaweynta Cabdifatah marka loo qaado Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday $1,500 lacagtaasi oo helitaankeeda ay ku adkaatay Qosyka.

“Marka hore horta walaalkey wuu xanuunsanaa, qoorta ayaa nabar ugu soo baxay, waxaa naloo sheegay in isbitaal Xamar la geynaayo, anaga xaafadeena isbitaal kuma yaalo, daawo dhireed ayaa hore loogu daaweynaayay, marka isbitaal Xamar hala geeyaa la dhahay, isbitaalkii waxaa naloo sheegay in lacag badan qaliin loogu sameynaayo, anaga lacagtiina ma awoodin,” ayay tiri Ismahaan oo ka tiiraanyaysan dhimashada walaalkeed.

Afar Xarumood oo MCH-yo laga la socdo xaalladda caafimaad ee hooyada iyo dhalaanka, iyo Farmashiyooyin aanan dabooli karin baahiyaha caafimaad ayaa ka howlgala degmada Wanlaweyn.

Mid ka mid ah gaadiidlayda wadada Muqdisho iyo Wanlawayn isku xirta oo diiday in codkiisa iyo magiciisaba aan adeegsano ayaa Ergo u sheegey in ay dhacday marar badan isagoo dad xaaladdo deg deg ah ay la soo deristay loola soo cararey Muqdisho ay dhexda ku geeriyoodeen.

Mursal Maxamed waxaa uu dhawaan mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo uu laba bilood kula jirey ka soo saaray Mako Cismaan oo ah hooyadiis kadib xanuun la soo darsay.

Waxaa uu ii sheegay in xilliyo kala duwan uu la kulmay dhibaato dhinaca wadooyinka ah kadib markii ay rag hubaysan baabuur uu la socday waydiisteen lacago sharci darro ah.

“Degmada waxaan ugu baahanahay waxaa ka mid ah in aan helno isbitaal, marka laga soo tago halka aan hadda ku sugnahay ee Wanlaweyn, mararka qaar markii qof meesha laga soo qaado oo kale waxaa dhici karta in ay wadada xirran tahay, dhibaato ayay runtii nagu tahay in aan goobo caafimaad u soo aadno Muqdisho,” ayuu yiri Mursal oo hadda dib ugu laabtay magalada Wanlaweyn.

Gudoome ku-geenka Arimaha Bulshada Gobolka Shabeelaha Hoose, Cumar Carabey ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay marar badan booqdeen degmada Wanlweyn ayna qiimeyn ku soo sameeyeen baahiyaha gaarka ah ee ka jira demadaasi.

Previous Post

Dib-u-dejin loo sameeyay qoysas barakac ku ahaa Baydhabo

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 17-AUG-2019

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 17-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo