Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xerada Xanaano 1 Baydhabo: Barakacayaal aanan doonayn in ay dib u laabtaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Hanano camp in Baidoa is home from home for its residents

Carruur ku cayaaraysa barxad ku taala Kaamka Xanaano 1/ Xusni/ Raadiyo Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa mid kale oo ka mid ah Barnaamijyadeena taxanaha ah ee ku saabsan noolasha dadka deggan xeryaha baragkacayaasha ee gudaha Soomaaliya.

Raadiyo Ergo ayaa booqday xeryaha dadka baragkacay ee Baydhabo. Kaamka Xannaano Kow wuxuu ka mid yahay kaamamka ugu waa weyn ee gobolka kaas oo noqday hoyga dad badan kor u qaaday nolosha qoysaskooda kuwaas oo aysan hadda ku jirin rajadda ah in ay dib ugu noqdaan noloshoodii hore ee beeralayda iyo xoola-dhaqatada oo ay ku haysteen miyiga.

Xabiibo Maxamed Nuur waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in aysan isu arag in ay tahay qof barakaca ah, maxaa yeelay hadda waxay awood u leedahay in ay hesho dhamaan adeegyada asaasiyaadka ah ee nolosha ee ay u baahan tahay in ay ku hesho kaamka, Waxay ugu yeertaa kaamka ‘gurrigeedda’.

Xabiibo oo 58 jir ah iyo qoyskeeda waxay ku jireen tobankii qoys ee ugu horeeyey ee degga xeradaas taas oo markii ay kortay noqotay xeradda koowaad ee Xannaano ee magaaladda Baydhabo ee koonfurta Soomaaliya.

Qoyskeedu waxay xoola-dhaqato ku ahaayeen tuulada Goof-guduud oo 30 km u jirta Baydhabo. Kadib markii ay abaaro soo noqnoqday ka kabi’iyeen xoolaha, ayay ka soo guureen tuuladii.

Waxay u soo socdaaleen magaaladda bishii Maarso ee 2006, iyagoo raadinaya caawimaad, laakiin dibba uma aysan fiirin miyigii ay ka soo tageen.

Xeradan waa mid si wanaagsan u dhisan, waxaana guddiga qaxootiga ee Denmark (DRC) ay qolal ka dhiseen ilaa afar mitir oo isku wareeg ah, dhulkaas oo ay bixisay dowladdu.

Sida ay sheegeen dadka deggan xeradaas, waxay DRC gacan ka gaysatay guriyaynta, dhismaha musqulaha iyo kaararka cuntada lagu qaato.

Hay’adda World Vision ayaa sidoo kale bixisay kaarar iyo barnaamijyo waxbarasho halka ururka Sama ay weli bixiso adeegyo caafimaad.

Afartii ama Shantii qoysba waxay isticmaalaan hal musqul oo ka samaysan laami-yeeri. Waxaa kaloo jira garoon leh agabka kala duwan oo ay carruurtu ku ciyaaraan.

Waxbarashada bilaashka ah iyo adeegyada hooyada ee kaamkaas ka jira ayaa dhiiriyay in qoysas badani ay xeryaha sii joogaan.

Maadama adeegyadani aysan ka jirin meelaha ay ka yimaadeen oo ah dhulka miyiga ah ee gobollada Bay iyo Bakool.

Hay’adda DRC ayaa bixinaysay lacago ku dhowaad shan sano ilaa dhammaadkii sannadkii hore.

“Qorshahaygu waa in aan ka boxo kaamka oo aan iibsado guri ku yaal magaaladda isla markaasna aan ku noolaado gurigayga sida dadka magaalada ay sameeyaan oo kale” ayay tiri Xabiibo, markii la weydiiyay qorsheheeda mustaqbalka.

“Waxaan soo baragkacay wakhti hore welina waxaan ku jiraa xeradda sababo dhaqaalo xumi. Hadii aysan sidaas jirin waxaan ka guuri lahaa xerada”

Sidaas oo kale, Xaawo Aadan Cismaan iyo qoyskeeda waxay ka soo tageen beertooda, mana leh qorshe ay dib ugu noqonayaan beerta.

Xaawo waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in ay khibrad ka dhaxashay dhibaatooyinka laakiin ma aysan awoodin in ay kaamka ku hesho wax walba oo ay u baahnayd.

Waxay ku nool yihiin guri ka samaysan jiingad. Lix ka mid ah carruurteeda ayaa wax ka barta iskuul ku yaala kaamka. Waxay kala ooay leeyihiin fursado ay ku heli karaan daryeelka caafimaadka ee ay u baahan yihiin.

Ma jiro cid abuurtay beerihii qoysaskooda ee deegaanadooda kuwaas oo ay sannado badan ka hor ka yimaadeen.

Waxay sheegtay in ay doonayso in ay joogto kaamka inta ka hartay nolosheeda si ay u xaqiijiso waxbarashada carruurteeda.

“Aad baan ugu qanacsanahay nolosha kaamka. Wax baan ka bartay nolosha intii aan ku jiray 14kii sano ee aan halakan joogay. Wax walba oo aan u baahnaa waan ka helay, waxbarashada iyo caafimaadku waa bilaash, waxaan kala oo aan helnaa xoogaa lacago deeqo ah. Ma jirto sabab aan ugu laabto noloshaydii hore mana rajaynayo in aan noqdo” ayay tiri Xaawo.

Mid ka mid ah odayaasha xerada, Sulaymaan Aadan Isaaq ayaa u sheegay Raadiyo Ergo inuu dareemayo in 181 qoys ee kale ay ku qanacsan yihiin in ay ku noolaadan xerada Xannaano 1 isla markaasna aysan qorshaynayn in ay dib u noqdaan.

Afar ka mid ah carruurtiisa ayaa dhigta iskuulka wuxuu doonayaa inuu arko iyaga oo ka qalin-jebinaya jaamacadda. Ma qorshaynayo in uu dib ugu noqdo noloshiisii miyiga.

“Qof walba oo ka mid ah dadka kaamka wuxuu ku fekerayaa sidii uu deegaan ugu noqon lahaa magaaladda, sidaas baysan u doonayn in ay dib ugu noqdaan miyiga. Waxaan u noolnahay sida dadka kale ee xerada. Waxaan uga digaynaa dhalinyaradaa una sheegaynaa dib ugu noqoshada miyiga in ay tahay khalad, waa in ay halakan ku helaan waxbarasho, sidaas darteed waxay caawin karaan qoysaskooda” ayuu yiri Isaaq.

Tallaabooyin aad ugu muhiimsan noolasha ayay heleen dadka deggan xerada sida Aways Suleemaan.

Wuxuu yimid xerada koowaad ee Xannaano isagoo 19 jir oo ah la socda ayeeyadiis hooyo.

Hadda waa 33 sano jir, wuu guursaday wuxuuna leeyahay afar carruur ah. Carruurtiisu waxay yaqaaniin noolosha xerada oo keliya.

“Waxaan noloshayda intii ugu muhiimsanayd ku lumiyay kaamka; Waa isla kaamka meesha ku guursaday oo carruurta oo dhan ay ku dhasheen. Qorshahayga mustaqbalka ee qoysku waa in ay waxbartaan carruurtu ayna sii wadaan nolosha halkan” ayuu Aways u sheegay Raadiyo Ergo.

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 21-MAY-2019

Next Post

Somaliland: Daadad baabi’iyay afartameeyo beero oo ku yaala duleedka Hargeysa

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
QOYSAS ISAGA GUURAY XAAFADAHA WEBIGA KA AGDHOW EE MAGAALADA BELEDWEYNE

Somaliland: Daadad baabi'iyay afartameeyo beero oo ku yaala duleedka Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo