Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Beeraha

Somaliland: Daadad baabi’iyay afartameeyo beero oo ku yaala duleedka Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2019
in Barnaamijka Beeraha, Wararkii u Danbeeyay
0
QOYSAS ISAGA GUURAY XAAFADAHA WEBIGA KA AGDHOW EE MAGAALADA BELEDWEYNE

Keydka sawirradda/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daadad ku soo rogmaday deegaanka Allaala-cadka  oo 60 KM dhinaca waqooyi-bari kaga beegan magaaladda Hargeysa ayaa baabi’iyay ilaa 45 beerood.

Roobabkan ayaa ka da’ay deegaankaas toddobaadkii la soo dhaafay.

Waxaa sidoo kale aasmay 15 ceel biyood oo gacan qod ahaa oo beeraha lagu waraabin jiray.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka s, dalagyada khasaaray waxay kala ahayaayeen Basasha, yaanyada, Basbaaska, Salarka, Cambe, iyo Babaay.

Tuuladan oo ay deggan yihiin 180 qoys ayaa noolashoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha oo ay u iibgayn jireen suuqyada magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo tuulada Dheenta, sida uu sheegay Ibraahim Aw Cismaan oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeralayda oo asaga beertiisa ay ka bad baaday daadadkii saameeyay beerahan.

“Qasaaraha soo gaaray beeralayda waa mid weyn, tusaale, ceelashoodii oo intaas ay qodayeen iyo beerahoodii ayaa ka halaabay waliba dadka ayaga oo kasoo baxay abaaraha,” ayuu yiri Ibraahim

Ibraahim waxaa uu xusay in khasaaraha daadka ka soo gaadhay beeralayda ay adagtahay sida ay uga soo kabtaan maaddaama roobku doox ka dhigay dhulkii beernaa ee dhirtu ku taalay.

Sayid Daa’uud Jaamac oo 49 jir ah, waa aabbe 5 carruur ah heysto.

Wuxuu tuulada ku haysatay beer qudaareed oo afar hiktar ah iyo 50 neef oo ari ah.

Sayid sheegay in dadka deegaanka ay san filayn roob daad keeni kara sidaa darteedna aysan samayn wax ka hortag ah.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegtay in dallagyada beertiisa oo u badnaa qudaar uu iibgeyn jiray Hargeysa iyo tuulooyin kale, isla markaana ay xilliyada beertu tacab leedahay uu bishiiba ka heli jirtay $700 ilaa $1000.

Sayid ayaa xusay in sadax bilood kohor uu beeray beertan bishaan ayuuna qeybtiisa hore rabay inuu goosto isaga oo ay u beernaayeen Basasha, yaanyada, Bartiikha, Basbaaska, Salarka, Cambe, iyo Babaay.

Dallagyadan daadku ka qaaday ayaa saamayn ku yeeshay nolosha qoyska Sayid.

nolashooda waxay hadda ku tiirsan tahay deyn raashin ah oo uu ka helo nin dukaan ku heysta tuuladiisa oo ay ehel yihiin.

“Beertii way aasan tahay, waxaad arkaysaa geed weyntii oo madaxa la soo taagan Kaliyah dhanka kale ceelashii iyagana way aasmeen oo waxba kama harin,” ayuu yiri Sayid

Deynta hadda lagu leeyahay waxay gaaraysaa lacag ahaan 80 doolar, waxayna iskugu jirtaa deynta baqaarka looga leeyahay oo raashin ahaan uu u qaaatay iyo lacago yar yar oo uu biil ahaan u qaadanayo.

Wuxuuna ku rajo wayn yahay inuu gudo marka ay beertiisa dib ugu hagaagto haddii intaas ku hagaagi waysana uu xoolihiisa bar u iibin si’uu iskaga bixiyo deeynta.

Maxamed Cumar Cismaan waa aabbe 45 sano jir wuxuu beer ku leeyahay deegaanka.

Beertiisa oo hal hiktar ah iyo mishiinkii biyaha ceelka uga soo qaadi jiray waxaa aasay carradi ay daadka wadeen.

Wuxuu sheegay in bishii 2aad ee sanadkan uu geliyay beertiisa lacag dhan $1000 oo uu ku beeray qare kaliya.

“Daadka dhinaca sare ee beerta ayuu uga yamid kadibna wuu dulmaray oo waxba kama uu san reebin, wuxuu ka dhigay wuxuu qaado iyo wuxuu aaso,” ayuu yiri Maxamed

Maxamed ayaa ah hadda shaqo la’aan, qoyskiisana waxay ku tiirsan yihiin walaalkiis oo ay jaar yihiin oo ay wax la cunaan.

“Hada maxaa beerata meeshiiba waa doox oo waxaad arkaysa inuusan geed xitaa ku oolin laakiin waan iska hagaagsan doonaa,” ayuu yiri Maxamed

Xasan Samriye Cilmi waa iskuduwaha wasaarada beeraha ee degmada Laasgeel oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex.

Waxaa uu raadiyaha Ergo u sheegay in khasaaraha roobka ee soo gaadhay beeralayda uu badan yahay oo laba doox oo is biirsaday ay ku yimaadeen halka beeruhu ku yaalleen.

Wuxuu xusay in wali ay ku jiraan kormeerka dhibaatada ay geysteen daadadka ku soo rogmaday beeraha ayna caawin doonaan beeralayda.

Khasaarah ay daadadku ku reebay beeralaydan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelata nolosha bulshada magaalooyinka Hargeysa iyo meelihii kale ee qudaarta loo iib geyn jiray.

“Waxaan isku dayi doonaa beeralayda ay dhibka soo gaareen in aan dib ugu qodno beerahoodii iyo inaan u keeno cagaf u qodo beerta, haddiiba ay wax uga soo baxayaan,” ayuu yiri Xasan

Dhanka kale magaalada Badhan ayaa daad ka dhashay roob ka da’ay wuxuu sababay in ay bur buraan illaa 37 beerood oo ay ku beer naayeen Qare, Basal, Bisbaas, yaanyo iyo Digir.

Madaxa iskaashata beeralayda ee gobolka Sanaag Ciise Xuseen Mire oo kamid ah dadku uu saameeyay daadkaas ayuu ka baabiyay beer gaaraysa afar Higtar oo ku beernaa qudaar kala duwan.

“Tiro koobku wuu ka badan yahay 37 beerood oo qeyb ayaan ba war loo heyn, marka aad eegto wax rajo ah ay leeyihiin ma lahan mana u maleenayo inay ka soo kaban karaan, waayo dadka waa dad dan yar ah oo ku tiirsanaa dalagaas yar ka ah ee beeraha uga soo boxo,” ayuu yiri Ciise

 

Previous Post

Xerada Xanaano 1 Baydhabo: Barakacayaal aanan doonayn in ay dib u laabtaan

Next Post

Somaliland: Beeralayda oo lagu dhiirigelinaayo in falashada u isticmaalaan dibida

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Balcad: Beeraley sanad kaddib billaabay tacabka beerahooda

Somaliland: Beeralayda oo lagu dhiirigelinaayo in falashada u isticmaalaan dibida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-FEB-2026

IDAACADDA 08-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo