Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland: Beeralayda oo lagu dhiirigelinaayo in falashada u isticmaalaan dibida

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Balcad: Beeraley sanad kaddib billaabay tacabka beerahooda

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ugu yaraan 8 kun beerood ayaa u xayiran cagafta beeraha qodda si ay uga faa’ideystayaan roobka gu’ga oo tobankii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay deegaanada Somaliland.

Beeralaydu waxaa ay dhulkooda qodan jireen saddexda bilood ee gu’ga. Dib u dhaca ku yimid roobka gu’ga ayaa keentay in aan beeraha la wada qodin.

Tan iyo 2015 ayay dhibaatadani ka haysataa beeralayda iyagoo markii hore beeraha ku qodan jiray cagafta oo muddo saddex bilood ah shaqeynaysa.

Wasaarada beeraha Somaliland ayaa wada qorshe loogu dhiigi gelinaayo beeralayda in ay ku qotaan dhulkooda dibida si ay uga faa’ideystaan wakhtiga roobku da’ayo, sida uu raadiyaha Ergo u sheegay, Cabdiqani Xasan Cabdi oo ah agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fidinta beeraha ee wasaarada beeraha Somaliland.

“Dadkii wixii ay garanayeen ee ay iyagu lahaayeen ayay ka guureen, oo aan shidaal iyo kharash aan uga baahneyn, dibigu beertooda ayuu ugu dhalanayay halkaasi ayay ku korinayeen, qalabka waxaa ay ka helayeen dhirta oo wax lacag ah ma ahayn, si fududna way ku helayeen. Cagafyo ayay nu la nimid oo dalka kuma wada filna. Markaa qof walba isaga oo in uu wax beerto doonaya ayuu cagaf sugayaa, Cagaftii inta ay beero kale sugayso ayuu wakhtigii ka dhacayaa, kun qoys ama dhowr boqol oo qoys ayaa sugaya cagaf kaliya oo wakhtigii kaga dhamaanayaa,” ayuu yiri Cabdiqani.

Cabdiqani ayaa xusay in isbeddelka ay sababray cimilada ee ku yimid xilliyada roobka aan la isku haleyn karin taasina ay caqabad ku noqotay beeralayda oo iska daba sugi jiray cagafta hadba deegaankaasi ka shaqeysta.

Saddexdii sano ee u dambeeyay waxaa uu sheegay in waxsoosaarka beeralayda ku tiirsan xilli roobaadka uu is dhimay 45% marka loo eego xiliyadii ay dadku qodan jireen beerahooda.

Isbeddelka ku yimid waxsoosaarka waxaa uu ku tilmaamay agaasimaha, in ay keentay isku halleynta gaadiidka cagafta ah iyo wakhtiga roobka oo aan la hubin in uu da’ayo.

“Waa in aan cagaf la isku haleyn ee qof waliba, wixii uu hayso uu beertiisa ku qoto, si uu uga faa’ideysto roobka da’aya, Cagafta waa in ujeedada labaad aan ka dhigano, si aynaan xiliyada roob u lumin,” sidaas ayuu sheegay agaasimaha.

Cabdiqani waxaa uu xusay in loo baahan yahay in beeralaydu ay ku noqdaan qaabkii hore ee ay beeraha u falan jireen madaama uu hadda roobabku ku yaraaday Somaliland.

Agaasimaha biyaha iyo fidinta ee wasaarada beeruhuna waxaa uu sheegay in 500 dibi iyo afar boqol oo dameerood ay siiyeen dadka si ay beeraha ugu tabcadaan xilliyada roobka bishii April ee 2018.

Hadda waxaa beeralaydu ay carro gadinayaa dhulka si rayska ugu horeeya ay dalagyadu ugu soo biqlaan.

Cagafta waxaa iska leh dad gaar ah oo ku shaqeysta, waxaa ay martaa deegaanada beeralayda iyadoo u qodda beeraha hadba sida ay iskugu xigaan.

Maxamuud Jibriil Cismaan oo ah beeraley ku nool miyiga Jufada oo 50KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Gabiley, waxaa uu muddo bil ah sugayay in ay cagaf u timaado si ay ugu qoddo labo hector oo uu rabo in uu ku beerto hadhuudh iyo galley.

Todobaadkii hore ayaa deegaankiisa ugu dambeysay roobka ka da’a, waxaa uu aaminsan yahay in haddii cagaftu u timaado ka faa’ideysano karo roobka.

Roobka gu’ga oo markii u horreysay bishii April ka curtay deegaankiisa ayuu rajaynayay in uu  uga faa’ideysto in uu dalagyadan beerto.

Balse cagaf deegaankiisa ka shaqeysa oo uu isku halleeyay ayaan muddo u iman.

Waxaana ilaa hadda ay ku mashquulsantahay qodista beeraha kale ee ka horeeya Maxamud.

“Dhibaato badan ayaa jirta oo marmar roobka ayaa yaraado, haddii uu meel yar ka da’o siddii aad u sugeysay aadba weydo, Cagafta waxaan u sugaa wakhti yar oo ay ku qodayso iyo adigoon shaqo qabanayn, sidoo kale calafkii dibi la siinayay ayaa iska yaraadayba hadda,” ayuu yiri Maxamud.

Waxba ma uusan beeran saddex ka tirsan afartii sano ee u dambeeyay, taas oo ay ugu wacan tahay cagafta oo uu isku halleynayay oo aan u iman, kaddibna waxaa la dhaafay wakhtigii roobku ka da’ayay deegaankiisa.

Maxamuud waxaa uu xusay in sidoo kale aanu haysan dibbi wax u qodi karta hase yeeshee hadda uu u carbinayo shaqadaasi kuwa laba jir ah oo u jooga.

Waxaa uu lahaa laba dib oo xili kasta oo roob ka da’o deegaankiisa uu beerta ku falan jiray.

Wuxuu iska daayay dibida markii cagafto la keenay deegaanka.

Cagafyada waxaa ay ka qaadaan beeralayda lacag. Halka hector waxaa loogu qodaa beeralayda 240,000 Somaliland shilling ah oo u dhiganta $25.

Qoyska Maxamuud oo ku tiirsanaa waxsoosaarka beerta iyo toban neef oo lo’ah oo uu leeyahay ayaan helin calafka xoolaha iyo midhaha kas oo go’a berertiisa muddo.

Hadda waxaa qoyskiisu ku noolyihiin konton doolar oo walaalkii ku caawiyo bishii hal mar.

Xoolaha waxaa uu marka baadku dhamaado u ga soo iibiyaa calaf deegaanada kale ee laga beeray dalagyada.

“Markii hore ee aan dibida ku xidhnaa ee aan ku qodan jiray daruur kasta oo da’da waan ku qodan jiray, laakiin maanta marka ay da’do waa inaan cagaf doonaa, intaan raacdada ku maqanahay ayuu reyskii sii dhamanaayaa” ayuu yiri.

Cabdiqaadir Maxamuud oo beer roob ku baxda ku leh miyiga Biyo-macaan oo Hargeysa 45KM galbeed ka xigta.

Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in marka la is barbardhigo qaabkii hore ee uu wax u beeran jiray iyo kan hadda ee uu cagafta isticmaalo ay kala howl fudud yihiin balse habka ay cagaftu ku soo kordhisay kharash iyo in ay cilladowdo mararka qaar oo aanay.

Lix sano ka hor, waxaa uu sheegay in uu ku qodan jiray labo dibi oo uu lahaa, sanad kasta ayuu beeran jiray beertiisa balse hadda waxaa uu beeraa marka uu helo kharash $50 ah oo uu ku bixiyo lacagta kirada cagafta.

Hadda mar kale, waxaa uu qorsheynayaa in uu soo gato laba dibi oo xiliyada roobka uu ku qoto beertiisa.

Si dibida beeraha loogu qoto waxaa ay u baahantahay in loo tababaro shaqada uu qabanayo dibigi iyo loo sameeyo qalabka la saarayo kaasi oo laga heli karo dhirta iyo xoolaha ay dhaqdaan dadka beeralayda ah.

Biyo macaan waxaa joogta hal cagaf oo ay iska sugayaan in ka badan laba boqol oo beerood oo ku yaala deegaankaasi.

“Hadda wali waxba ma aanan beerin oo roobka ayaa dambeeyay intii wax la beeri lahaana waana nasoo dhaafay, haddii roobkan imika aan cagaftii waayo dalag la’aan ayaa dhacaysa oo dhibaato cuno la’aan ayaa imanaysa, haddaan dibidii iska haysto aroortaba waan galin lahaa beerta oo waan qodi lahaa” ayuu yiri.

 

Previous Post

Somaliland: Daadad baabi’iyay afartameeyo beero oo ku yaala duleedka Hargeysa

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 22-MAY-2019

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 22-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo