Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Seyladda xoolaha ee magaalada Baydhabo waxaa ka dhaqan-galay amar ay dhamaadkii bishii hore soo saartay wasaaradda Xannaannada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee maamulka Koonfur-galbeed, kaas oo ahaa in aan la gowrici karin xoolo aan la marsiin baaritaanno caafimaad.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda Dr. Xasan Ismaaciil Isxaaq ayaa Raadiyo Ergo u sheegay tan iyo 24-kii Maarso oo ah markii uu amarkan dhaqangalay, in baaritaan lagu sameeyay, islamarkaana kawaannada Baydhabo lagu qaley xoolo gaaraya 1,024 neef oo isugu jira ari, geel iyo lo’. Waxaa muddadaas xanuunno looga shakiyey 3 neef kuwaas oo loo gudbiyay qeyb loogu talagalay daweynta xoolaha oo ay maamusho wasaaradda.

Noocyada xanuunnada xoolaha laga helay ee sedaxda ah ayaa dhakhatirtu sheegeen in qandho saa,id ah lagu arkey sidaasna looga reebey qaliinkii maalintaas loo iibsadey.Marka la hubiyo inay ka dawoobeen xannuunnadaas dawaduna ay jirkooda ka baxday waxaa loo oggolaan doonaa in dib loogu celiyo seyladda.

“Waxaa u badan xoolaha Magaalada lagu qalo Gella,maalintii 35 ilaa 34 ayaa la qalaa baaritaana maraya dhamaantooda,sidoo kale ariga 25 ilaa 24 ayaa baaris iyo qaliin gala maalintii Baydhabo,lo,ada qaliin uma badna maalintii 4 ayaa baarnaa qaliinka galo,marka muhiimadeena waxay tahay in caafimaad qabka xoolahan la ogaado si dadka uga bad baadan cudurada xoolaha laga qaado,”ayuu xusay  agaasimaha.

Dhakhaatiirta wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa ah kuwa baaritaankan sameynaya,iyadoo xoolaha laga baarayo cudurada halista ah sida dhiciska, qaaxada iyo furuqa.

Marka lagu heshiiyo qiimaha xoolaha qalliinka loo keeno seyladda, waxay labada kala iibsatay iyo dallaalku isla tagayaan qeybta baaritaanka ee la soo kordhiyay.Haddii uu neefku ka gudbo caafimaadka waxaa la mariyaa calaamad riinji loo adeegsaday, qofka iibsadayna waxaa la siiyaa warqad caddeyneysa inuu baaris soo maray.

Laakin sida uu qabo Deerow Maxamed Isxaaq oo ka mid ah ganacsatada Kawaanleyda Baydhabo, amarkan wuxuu soo kordhiyay saameyn dhanka waqtiga ah, sababtoo ah horey kawaanleydu aroorta hore ayay kawaanka ka kaxeysan jireen tirada xoolaha ay u qorsheystaan qalliinka,laakiin hadda saacado badan waa inay suuqa joogaan si ay baaritaanka u wada mariyaan neefafka inta aysan kawaanka geyn.

Waxaa u sii dheer walwalka ay ka qabaan in xoolaha qaar dib loogu soo celiyo caafimaadkooda oo aan taam u ahayn in la gowraco darteed, taas oo khasab ka dhigeysa inay xoolo kale seyladda u raadsadaan. Deerow ayaa noo sharraxaya saameyntaas.

“Baaritankan ka hor wakhti nagama lumi jirin,shan iyo afar neef wixii aan rabno inta iibsano ayaa Magaalada iska gali jirtey,lacagta xoolaha ayaa meel kusoo ogaaneyney,Hada laakin marka laba ama afar iibsato baaris ayaa mareysaa tusaale 70 neef ayaaba kaa horeyso,wakhtina wuu ku hayaa marka waa in lix saac aad meesha joogto,sidoo kale wal wal waxaad qabtaa in neefkii aad barista gelisey laguugu soo celiyo,marka waa mashkilad dheerad ah,” ayuu yiri Deerow.

Bishii Jannaayo ee sanadkan ayaa dhaqaatiir ka socotay wasaaradda xannaannada xoolaha waxay magaalada Baydhabo ka sameeyeen qiimeyn ay ku ogaanayeen caafimaadka xoolaha.

Waxay booqdeen kawaannada hilibka lagu iibiyo iyo seyladda xoolaha, waxayna kulamo xog wareysi ah la qaateen kawaanleyda iyo guddiyadooda iyo dadka xoolaha ka ganacsada.

Agaasimaha wasaaradda ayaa sheegay in baaritaannada iyo qiimeynta ay sameeyeen aysan ku helin jiritaanka cudurro, hase yeeshee ay muhiim u arkeen in laga hortago cudurro ay xoolaha xanuunsan u gudbin karaan dadka hilibkooda cuna.

“Wasaarada ilaa hada ma helin wax cudur ah oo aan dhihi karto ilaa hada cudurkaas ayaa xanuun laga qaadey laakin shaki ayaa jiro iyo in dhibaato dhici karta laga hortago,” ayuu sheegay agaasime  Xasan.

Qaar ka tirsan dadka reer miyiga ah ee xoolaha ganacsiga u keensada seyladda Baydhabo ayaa ii sheegay in amarkan ka hor ay waqti fiican suuqa ka tagi jireen, deegaannadoodana ay saacado gudahood ku noqon jireen iyagoo magaalada ka sii qaatay adeegyadii ay uga baahnaayeen. Laakiin tan iyo intii uu amarkan dhaqan-galay waxay xilliyada qaar seyladda ku gaaraan 12-ka duhurkii, safka baaritaanka loo galo oo ku dheeraada dartiis.

Xasan Xuseen Ibraahim oo ka mid ah dadka reer miyiga ee xoolo iib u keeney suuqa  ayaa Raadiyo Ergo uga warramay saameynta ay arrintaas ku yeelatay reer-miyiga seyladda xoolaha keensada.

“Arintan soo korortey ee xoolaha la baaraya mar way fiican tahay marna anaga xoolaley ahaan nooma fiicna,sababta waxay tahay meel fog ayaa neefafka ka keenaa,barista wakhti badan ayay qaadataa,waxaan ka fakarnaa side neefafka noo harey iibka u weyney aan dib ugu celino tuuladii marka waxas oo dhan wakhtigoodii Saylada ayaa nooga lumeysaa,” ayuu yiri.

Howsha baaritaanka ah waxaa qabta koox ka kooban 10 qof oo lix ka tirsan ay dhaqaatiir xannaannada xoolaha ah ay yihiin. Waxay shaqeeyaan siddeedda subaxnimo ilaa kowda duhurnimo.

Dallaaliinta suuqa keena xoolaha oo aan qaarkood la sheekeystay waxay ii sheegeen inay amarkan u arkaan mid caafimaadka dadka iyo xoolahaba muhiim u ah,laakiin uu dhaqaale ahaan iyo waqti ahaan wax weyn ka beddelay shaqadii seyladda.

Amarkan ka hor waxaa dhici jirtay in qofka dallaalka ah uu suuqa kala tago ilaa 300,000 oo shilin Soomaali ah Doolar ahaana u dhiganta 12 Doolar iyo bar Hase ahaatee safafka dhaadheer ee baarista loo galoayaa yareeyay tiradii xoolaha ahayd ee ay maalinkii dallaali jireen, sida uu Raadiyo Ergo u faahfaahinayo Aadan Maxamed oo ka mid ah dallaaliinta ay arrintan saameysay.

“Aniga ahaan baaritankan ka hor 20 neef ayaa kala dilaali jirey,lacag waxan ku xisaabtami jirey 3 boqol kun oo shilin,hadana 5 neef hadii aad kala dilaalto nasiib ayaad leedahay marka baaritanka wuu fiicanyahay laakin hada sameyntiisa iyo culeyskiisa ayuu wataa,” Aadan ayaa u sheegay Raadiyo Ergo.

Wasaaradda xannaannada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Koonfur-galbeed ayaa amarkan ku soo saartay warqad ku taariikheysneyd 23-kii Maarso, taas oo ay ku sheegtay in ciddii lagu arko iyadoo gowraceysa xoolo aan caafimaadkooda la soo hubin inay muteysan doonto ganaax lacag ah iyo xarig.

Seyladda waxaa ka howlgala ciidamo ka socda dowladda hoose ee Baydhabo, kuwaas oo hubiya in neef kasta oo qalliin ahaan magaalada loogu kaxeynayo uu maray baaritaanka.

Maxamed Aadan Xasan oo ka mid ah dadka deggan Baydhabo ayaa Raadiyo Ergu u sheegay in uu hadda kalsooni fiican ku qabo isticmaalka hilibka, balse markii hore uu iska cuni jiray hilib aanu hilib in neefkiisii uu xanuunsanaa iyo in kale.

“Bulshada hadii aa nahay waan soo dhaweyneynaa,markii hore hilib wuxuu soo marey aan ogeyn ayaa iska isticmaali jirney hada laakin si kalsooni leh ayaa u cunaa hilibka”

Wasiirka xannaannada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Koonfur-galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in amarkan uu saameyn doono deegaannada maamulkooda hoostaga oo dhan, laakiin uu hadda ka dhaqan-galay oo keliya magaalada Baydhabo. Wuxuu xusay inay haystaan qalab ku filan baaritaannada, balse ay u baahan doonaan caawimaad dheeraad ah oo dhanka dawada ah, maaddaama xoolaha baaritaanka ku dhaca ay si bilaash ah ugu daweyn doonaan xoolo-dhaqatada.

“Ka wasaarad ahaan hada howsha waa ku filnaaney, laakiin mastaqbalka dhow waxaa qasab nagu ah in aan taageero noo fidiyaan hay,addaha iyo cidii qalab iyo daaweynta nagu dhaanta,howshan hada Baydhabo keliya ayaa ka dhaqan gashey laakin meelaha kalena waan gaarsiineynaa,” waxaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergpo Wasiirka xannaannada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Wasaaraddu ma haysato qalab sameyn kara baaritaan guud, hase yeeshee howl-wadeennada caafimaadka ee ka howlgala seyladda waxay fiiriyaan calaamadaha cudurrada lagu garto ee xoolaha ka muuqda, kuwa ay ka shakiyaanna waa laga reebaa qaliinnada.

Waxay sidoo kale adeegsadaan qalab fudud sida kul-cabbiraha oo lagu qaato go’aamo la xiriira in caafimaad ahaan la cuni karoo hilibka neefka iyo in kale.

Previous Post

Laascaanood: Haween maxkamad ka dacwaynaya raggooda oo tahriibay

Next Post

230 qoysas danyar ah oo la dejiyay guryo looga dhisay magaalada Kismaayo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
230 qoysas danyar ah oo la dejiyay guryo looga dhisay magaalada Kismaayo

230 qoysas danyar ah oo la dejiyay guryo looga dhisay magaalada Kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo