Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Laascaanood: Haween maxkamad ka dacwaynaya raggooda oo tahriibay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa bilihii ugu dambeeyay sii kordhayay haweenka raggooda ay Yurub u tahriibeen ee maxkamadda degmada Laascaanood ee gobolka Sool u dacwoonaaya.

Tan iyo bishii Febraayo ee sanadkii 2018, markaas oo ay billowdeen kiisaska haweenka maxkmadda imaanaya, waxaa la diiwaan geliyay kiisas ka badan laba boqol, kuwaas oo dhammaantood ka cabanaya dayac iyo dandaro soo wejahday kadib markii ay nimankoodii u tahriibeen qurbaha, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Laascaanood, Xasan Maxamed Warsame.

“Maxkamadda waxay qabatay kiisaska waxaan u bixinay laga tahriibayaasha, haddeer tusaale ahaan waxaan kuu soo qaadayaa, (Haweenkan) waxay dacwaynayaan ninkii wuuba ka tahriibaye, carruurtii lagaga tagay ayay masaariif u la’yihiin, dabeedna ehelkoodii ay ka dhasheen caruurtani ayay rabaan in ay baxshaan masaariifta,” ayuu yiri  gudoomiye Xasan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha, haweenka dacwoonaaya ayey da’doodu u dhexaysaa 18 ilaa 28 jir, kuwaa oo inta badan la dalaan dhacaya sidii ay u maarayn lahaayeen masaariifta reerahooda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kiisaska maxkamadda ay isugu jiraan haween dalbaday masaariif iyo kuwa codsaday in laga furo nimankooda oo ay sheegeen in aysan warba ka haynin meesha ay ku dambeeyeen.

“Kuwa ugu badan waxaa weeye seddex sano ilaa afar sano, qaar baa jira oranaya ninki Jarmalka ayuu galay oo tahriibki wuu ka baxay, wax hadal ah kama haayo, kuwaasi waa kuwa aan ku dacwoon xuquuq ilmaha ee naftooda in uusan ugu maqnayn ninnimo ee uu yahay nin iska tegay oo aan la soo tashan ee uu yahay nin aanan la tashan, taasna sharciga wuxuu ka qabo ayaan waafajinaa,”  gudoomiyaha ayaa u sheegay Raadiyo Ergo.

Sida uu sheegaayo guddoomiye Xasan, maxkamadda ayaa waxay xalisay ilaa 33 kiis. 23 ka tirsan ah kiisaskaas ayaa waxaa lagu xaliyay masruuf halka 9ka kalena lagu dhameeyay furiin.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dhalinyarada ka tahriibtay xaasaskooda ayaa maxkamadda looga yeerayay intii ay socdeen dacwadaha maadaama ay yihiin dadka ugu dhaw ee qaadi kara mas’uuliyadda ragga maqan.

Haweenkaasi maxkamadda u dacwooday waxaa ka mid ah Faadumo Cabdi Maxamed oo joogta Magaalada Laascaanood.

Faadumo oo ah hooyo dhashay afar caruur ah waxaa ay ka mid haweenka ay maxkamaddu ka fasaqday raggii ka tahriibay.

Go’aankan ayay maxkamaddu qaadatay markii ay reerka dhalay saygeeda sheegeen in aysan awoodin masruufkeeda, iyadana ay maxkamadda ka codasatay furiin.

Faadumo waa hooyo isku filan oo nolosha caruurteeda ka maaraysa meherad ay ku iibiso cunto bisil.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah ninka laga furay Faadumo wuxuu sanad iyo bar ka hor u tahriibay Yemen.

Intii uusan ka tegin magaalada Laascaanood, wuxuu ka shaqayn jiray dhismaha guryaha.

Bilowgii bishii Desembar ee sanadkii tagay ayey Faaduma u dacwootay maxkamadda

“Maxkamaddu waxaan ka codsaday in ubadkaa yaryar mustaqbal baa sugaya in reerkoodu ila ogaadaan, markaa haddii dee aysan wax warbixin ah aysan iga siin karin, aniga la tabcaya inta aan la tabci karo, in warqadayda la iga qaad, ….. Maxakamaddi warqadaydii bay iga siisay,” ayay tiri Faadumo

Caasha Diiriye oo ah hooyo dhashay labo caruur ah waxay dacwad ka dhan ah saygeeda u gudbisay maxkamadda bishii lixaad ee sanadkii hore ee 2018.

Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale oo ah sayga Caasha waxaa uu u afduuban yahay koox madax-furasho ka doonayso oo ku sugan dalka Libya. Waxay qabsadeen saddex sano ka hor isagoo isku dayayey in uu si sharci-darro ugu sii gudbo Yurub, sida uu noosheegay walaalkiis Axmed Maxamed

Axmed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay ku bixiyeen lacag ka badan $1o,000 sidii loo sii dayn lahaa Cabdiraxmaan oo marba marka ka dambaysa u gacan galayay kooxo kala duwan.

Dhanka kale, qoyska Cabdiraxmaan waxaa looga yeeray maxkamadda degmada Laascaanood bishii Octobar ee 2018 , waxaana ay maxkamadda ku amartay in ay baxshaan masaariifta caruurta uu ka tahriibay.

“Waxaa dhacday in gabadhii ay maxkamadda tagtay oo ay dacwootay, oo ay tiri hadde aniga hadaanan biil la i siinayn, anagana aan ku mashquulnay wiilki iyo xaaladiisii, waxay tiri hadaanan la I biilayn warqadaydii ayaan rabaa, maxkamaddii iyo arrinkii baynu dhexgalnoo, innagaa xalinay arrinkii oo reerka mas’uuliyadiisa qaadnay, oo gabadhii biil baynu u qornay oo ah 200 oo doolar bil walba,” ayuu yiri Axmed.

Waxaa sidoo kale jira haween raggooda ay ka tahriibeen oo aan weli dacwadooda maxkamadda balse qorshaynaayo.

Safiyo Maxamed ayaduna waxay ka mid haweenka qorshaynaayo in ay dacwadda gaystaan maxkamadda degmada Laascaanood.

Cabdixakiin Jaamac Maxamed oo ah sayga Safiyo waxaa uu dalka ka tahriibay sanadkii 2016 markaa oo uu ka dhoofay magaalada Boosaaso.

Sida ay sheegayso Safiyo, Cabdixakiin ayaa hada jooga Libya halkaa oo uu rajaynaayo in uu uga sii gudbo Yurub.

“Waxaan rabaa in aan maxkamaddaas isaga fasaqo, (codka suaasha ka jar) sababtu waxay tahay hadde waxay ahayd in uu nala soo hadlo, waxaana igu dhaliyay caruur yaryar, wax i la koriyana mahaayo,” ayay tiri.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TAlAADO-09 April-2019

Next Post

Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo