Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

230 qoysas danyar ah oo la dejiyay guryo looga dhisay magaalada Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
230 qoysas danyar ah oo la dejiyay guryo looga dhisay magaalada Kismaayo

The newly built houses in the city’s new estate in Midnimo neighbourhood / photo: Ahmed Toronto/ Radio Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)  – Labo boqol iyo soddon qoys oo isugu jira dadkii ka soo noqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, dad gudaha ku barakacay iyo qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa degay guryo loo dhisay labadii toddobaad ee u dambeysay. Dadkan ayaa ka soo guuraya xeryo barakac iyo guryo ay kiro ahaan u deggenaayeen.

Qoys kasta waxaa lagu wareejiyay guri ka kooban labo qol, barando iyo musqul. Guryahan oo cabbir ahaan gaaraya 15 mitir oo ballac ah iyo 15 mitir oo dhirir ah, waxay ka sameysan yihiin bulukeeti dusha looga daday jiingad bacweyne ah. Dhismaha guryahan oo laga hirgeliyay xaafadda Midnimo waxaa la billaabay bishii September 2018, waxaana la dhameystiray bishii Feberaayo ee sanadkan.

Guddoomiyaha Guddiga Barakaca iyo Qoxootiga ee Jubaland, Maryan Cali Cumar ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in uu guddigoodu soo xulay qoysaska la siiyay guryaha. Waxay xustay in lagu soo xulay duruufo loo arkay inay uga duwan yihiin qoysaska kale ee ku xaaladda ah.CODKA 1aad

“Arinta wax lagu doorto, tusaale ahaan dadka, waxaa waaye marka ugu horeysa saddex waxyaabood ayaa la fiirin. Saddexda la fiirinayo waxa weeye ee Qofka Curyaanka ah, qofka waqtiga uu yimaaday iyo tirada Qoyska. Qof hal qof ah, guriga waxaa uga xaq leh toban canug qof haysta ama 12 qof haysta ama saddex iyo toban canug qof haysta ayaa uga xaq leh sidaasaa horta xulista lagu sameeyaa, sanadka iyo baahida uu qoyskaas uu qabo,”  ayay tiri Maryan.

Cabdi Axmed Cali ayaa qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof uu ka mid yahay dadka ka faa’ideystay guriyeyntan. Waxay gurigooda cusub ku hoyanayaan habeenkii tobnaad. Qoyska Cabdi wuxuu ka soo noqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya billowgii sanadkii 2017.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu deggenaa xaafadda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo oo uu hadda ka soo guuray, waxaana uu degenaa labo qol oo kiro ah kaas oo uu bishii ku bixin jiray 60 doollar.

“Alxamdulilahi guri ayaa nala siiyay oo fiican, ijaarki lacagta ahaa waa inoo baaqday, shalaba ma haysanin hadda haddii nala siiyay waa nagu filan yahay,” ayuu yiri Cabdi,

Meesha dadkan guryaha laga siiyay waxaa ku yaalla labo ceel oo biyahoodu ay dhanaan yihiin, sidaas darteed waxay dadku ku tiirsan yihiin cabista biyo macaan oo ay booyado u keena ay ka iibiyaan.

Maryan Cali Cumar ayaa sheegtay in Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland ay bixisay dhulka, hay’ado caalami ahna ay gacan ka geysteen hirgelinta mashruucan.

“Guryaha horta la wada dhisay oo saddexda haya’dood ay dhiseen oo la qaybiyay waa 230 guri, laba hay’adood oo la kala yiraahdo NRC, NRC oo ay fan gareysay UNHIBITAT oo bajadka ayadu bixisay NRCna ay guryaha dhistay iyo Care International oo ayadana hay’addaas guryahaas dhistay ee, NRC waxay dhistay 79 guri, Carena waxay dhistay 80 guri ee waxaa jiray marka guryo kale oo ay dhistay ee ARC oo ahaa iyagana 78daas oo ay fangaraysay UNHCR,” Maryan ayaa sidaas u sheegtay Raadiyo Ergo.

Kismaayo waxaa sanadkii 2016 laga hirgeliyay mashruuc ballaaran oo lagu bixiyay 1,500 oo guri oo kiiba uu ka koobnaa hal qol, kuwaas oo tayadooda aysan wanaagsaneyn, qoysaska tiro ahaan bandanna aan hoy ugu filneyn, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed oo Guddiga Qaxootiga Norway u qaabbilsan sharciyada iyo arrimaha dhulka.

“Xagga dhismaha haddii aan fiirinno awal waxaa la dhisi jiray hal hal qol ayuu ahaa hadda waa labo qol iyo barando waa aragtay, qeybta danbe oo baranddada ah wali waxay leedahay meel fiican oo nafaas ah jaanis ayaa ku yaalaa waxaa loogu tala galay qofka inuu ka dhisto dukaan, waa fikir cusub oo loogu tala galay qofka gurigiisana inuu daganaado ganacsigiisana uu sii wato marka waxaan is leenahay halka qol ama labada qol farqiga u dhexeeyo taas waaye, xagga tayada marka la yiraahdo way ka tayo roonyihiin aan isleenahay sidaas,”  ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdi Maxamuud oo qoyskiisa uu ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen markii ay dagaallada ka qarxeen sanadkii 2016 ayaa ka mid ah dadka guryaha la siiyay isbuucii hore.

Maxamed oo qoyskiisa uu ka kooban yahay lix qof ayaa ka soo guuray guri kiro ah oo uu ka deggenaa xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo. Waxaa sida uu tilmaamay ku adkeyd inuu bil kasta bixiyo $50 oo kiro ah.

 

Previous Post

Maamulka Koonfur-galbeed oo dhaqan-galiyay amar ah in aan gowrici karin xoolo aan marin baaritaanno caafimaad.

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 10 APRIL 2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 10 APRIL 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo