Dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa hirgelisay sharci canshuur-dhaaf loogu sameynayo qof kasta oo geed beera.
Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Berbera Xasan Cabdi Cali, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qof kasta oo guri dhisanayo xataa aan canshuurtii looga baahnaa laga qaban doonin haddii guriga uusan geed ku beerin.
Maxamed Xasan oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa taleefanka ku wareystay agaasimaha, wuxuuna marka hore weydiiyay inuu si kooban marka hore uga warramo sida uu hannaankan cusub ku yimid.










