Xanuunnada gaaska, beer xanuunka, macaanka iyo dhiig-karka ayaa la sheegay inay noqdeen kuwa ugu badan ee dadka ku nool magaalada Garoowe ay ka cawdaan. Xanuunnadaas waxay dadka ka qaadaan nidaamka cunto iyo noocyada cuntooyinka la isticmaalo.
Dadka xanuunnadaas ka cabanaya ayaa la tilmaamay inay soo badanayaan, laakiin ma jirto wax daraasad rasmi ah oo laga sameeyay.
Isbitaalka Cartan ee magaalada Garoowe oo maalintii ay tagaan ilaa 30 bukaan ayaa sheegay in 10-kii bukaanba lix ka tirsan ay xanuunnadaas qabaan.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Garoowe Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa Dr. Cabdirisaaq Cartan oo dhakhtar cudrrada guud oo ka howlgala isbitaalkaas waxa uu ka wareystay sida loo xakameyn karo xanuunnadaas.









