Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sanaag: Haween deegaankooda ka joojiyey cunista iyo ka ganacsiga qaadka

Radio Ergo by Radio Ergo
December 3, 2018
in Arrimaha Bulshada, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Sawir muujinaya qaad la keenay deegaanka ka hor intii aan la mamnuucin/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Koox haween mutadawiciin ah oo isku tagay, ayaa ku guuleystay in ay si rasmi ah ka ganacsiga iyo cunista qaadka uga joojiyaan tuulada Dharkeynka oo koonfur-bari ka xigta magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Haweenka ayaa ku tilmaamay go’aankooda guul u soo hoyatay bulshada oo dhan, taasoo wax ka beddeleyso nolosha qoysas badan.

Hodan Cali Guuleed oo ah guddoomiyaha 60 haween ah oo is urursaday, billaabayna ololaha ay ku joojinayaan qaadka ayaa sheegtay in ay gacan ka heleen hoggaamiyeyaasha dhaqanka deegaanka, sidaasna lagu joojiyey qaadkii deegaanka Dharkeynka.

Hodan ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay markii ay raggii ku dayaceen mas’uuliyaddii qoyska, oo iyaga hawlihii aabbe iyo tii hooyaba dusha u riteen, dayaceenna mas’uuliyaddii qoyska oo ay carruurtii iyo ooryihiiba illaaween.

”Markii hore haween iyo carruur is wata ayaa ku qamaamay goobaha qaadka lagu iibiyo, waxaana ka dhashay qul-qulato lagu gubay qaad,  kaddibna odayaal dhaqameedkii ayaa kacay oo arrinta ka soo saaray xeer, sidaas ayaan ku jojinay in aan magaalada lagu cunin, lana keenin qaad” ayey tiri Hodan.

Dadka deegaanka Dharkeynka ayaa sheegay in intii qaadka la joojiyey ay dareemayaan koboc ganacsiga oo ballaaran sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Hodon Cabdiraxmaan oo kamid ah haweenka ganacsatada ah ee deegaanka.

“Jaadka kaliya ma joogsan waxaa raacay waxyaabihii lagu cunijirey sida bacihii iyo sharaabadii isaga u gaarka ahaa. Waxaa marfishyadii badalay hoteelo iyo makhaayado. Awal meherad qaad maahee meherad kale maba jirin, gabadhii danyar ah oo kilo baasta ah karsata waa laga iibsadaa , reer miyigii caanaha waa laga iibsadaa”. Ayey tiri Hodon Cabdiraxmaan.

Waxay intaas ku dartay in saddex sano oo ay abaaro deegaanka ka jireen xoolihiina ay kaga dhamaadeen ay sahayda gargaar ama ehel kale dibadda ka soo diro ay raggii qaad ku cunayaan iyagoo aan qoyska waxba ka siinayn, taasina iyaga ku noqotay dhibaato ay u waayaan carruurtii waxay cunaan iyo waxay xidhaan.

Gudoomiyahaha Dharkeynka Cali Saalax ayaa sheegay in mudadii qaadku joogsaday isbedel laga dareemey waxbarashada deegaanka oo iskuulka Dharkeynka hore ay u dhigan jireen 80 ardey oo kaliya ay hadda dhigtaan ilaa 200 ardey taasna ay sababtay lacagtii qaadka lagu cuni jirey oo raggu hadda carruurta waxbarashada kaga bixiyo.

Hadda deegaanka waxaa laga sameeyey xeer cusub oo ku wajahan qaadka, xeerkaasoo ay dhaqan geliyeen odayaasha dhaqanka, kaasoo dhigaya in qofkii isagoo cunaya qaad lagu qabto la ganaaxayo 100 doolar, halka qofkii ganacsi u keenana la ganaaxayo 200 oo doolar.

Qaadka ayaa deegaanka Dharkeynka uga yimaada degmada Badhan oo waqooyi bari ka xigta 150 km, iyadoo diyaarad Kenya looga keeno, halka mid kale oo Itoobiya ka yimaadaana dhulka soo maro. Waxaa kale oo ciqaab xarig maalin ah lagu fuliyaa qofkii lagu arko isagoo wata jaad, iyadoo qofka safarka ah ee lagu arkana laga qaado lana gubo.

“Inaan sidii aan abaarta uga soo barakacnay aan qaad uga cararno deegaanka ama inaan tallaabo aan ku joojinayno qaadno ayey noo istaagtay, waana ku guulaysanay” ayey tiri Hodan.

Hodan waa hooyo dhashay 12 carruur ah oo lix gabdho yihiin, odaygeedu wuxuu ka mid ahaa dadka qaadka cunayey, laakiin hadda laga joojiyey, dukaan yar oo raashinka iyo bagaashka lagu iibiyo ayeyna qoyska noloshiisa ka soo saartaa, iyadoo odaygeedu uu hadda kala shaqeeyo dukaanka, halka markii hore uu qaadka ku mashquulsanaa.

Degaanka waxaa ku nool 600 oo qoys oo 450 ay yihiin dadkii abaartu ku soo cayrtaysay miyiga degaankaas, haddana degsiimaystay, siduu sheegayo gudoomiyaha tuulada Dharkeynka Cali Saalax.

Haween gaaraya ilaa 60  ayaa markii ugu horeysey shirey horaantii bishii sideedaad  ee sanadkan kadibna waxay sameeyeen kacdoonno ka dhan ah Jaadka oo ay ku gubeen ilaa 10-kabadh oo qaadka lagu gado, arrintaas oo dhalisay in dadka deegaanku isla gaaraan xeer ay ku joojinayaan.

Cali ayaa sheegay in intii hadda la joojiyey qaadka waxay xukun ku fuliyeen shan nin oo cunaya qaadka, lix kale oo ganacsi u keenay ayaa dhamaantood laga qaaday lacagihii ganaaxa ahaa, halka 30 qof oo socoto ah oo sitay qaadna laga qaaday oo la gubay.

Previous Post

QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

Berbera: Maamulka oo soo saaray hannaan cusub oo lagu xoojinayo dhireynta

Related Posts

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Next Post
DHIR LAGU BEERAYO DEEGANNADA XIMIN IYO XEEB

Berbera: Maamulka oo soo saaray hannaan cusub oo lagu xoojinayo dhireynta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo