Beeraley ay tiradoodu gaareyso 1,800 oo qoys ayuu tan iyo bishii hore ee October billowgeeda baaba’ay wax-soo-saarka beerahooda, kaddib markii uu cayayaan galay beeraha ku yaalla degmada Balcad iyo tuulooyin u dhow-dhow ee gobolka Shabeellaha dhexe. Beerahan oo la abuuray bishii August ayaa la filayay in la goosto bishan November.
Sheekh Cismaan Mustaf, oo ah guddoomiyaha iskaashatada Al-Naciim oo kulmisa iskaashatooyinka degmada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in cayayaanka uu saameeyay 3,480 hektar oo dhul-beereed ah. Isaga oo ku sugan Muqdisho oo aan telefoonka ku wareysannay, wuxuu xusay in inta badan dalaggii ka soo go’i lahaa degmada uu baaba’ay.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in aanay beeraleyda u soo wada go’in dalag ku filan, oo ay suuqyada geeyaan. Cayayaanka ayuu sheegay in aanu magaciisa aqoon, maaddaama aanay horay u arki jirin.
“Waa dirxi, midka koowaad labo madax ayuu leeyahay, midka kalana hal madax ayuu leeyahay. Kan koowaad madaxiisu wuu weyn yahay, gadaalna madax kale ayuu ku leeyahay, kan labaadna waa mid duula dufna leh. Marka galleyda, digirta ama khudaarta hadduu galo saaqa bas baad arkeysaa, waxa kale dhan wuu baabi’inayaa,” ayuu yiri Sheekh Cismaan.
Tuulooyinka ay ku yaallaan beeraha ayaa kala ah Jameeco-misro, Far-baraki, Jamalleey iyo Zone Mukay-dheere. Dalagyada uu baabi’iyey cayayaanka waxay kala yihiin galleyda, sisinta, yaanyada, bocorka, barbarooniga, koostada, karootada, ansalaatada, iyo geed miroodka.
Caalimo Khaliif Mukhtaar, oo ah hooyada lix carruur ah, wuxuu cayayaan ka galay beerteeda oo saddex hektar ah, waxaa ugu beernaa khudaar noocyadooda kala duwan, dhammaan beertii way baabaday.
Hadda waxaa lagu leeyahay deyn dhan $530, oo ah cagaftii, waraabinta, shaqaalaha iyo abuurka dalaggii ugu dambeeyey.
“Waxaan ku tacbay beerteyda yaanyo iyo bocor. Yaanyadii iyo bocorkii aan ku tacbay markii ay gaartay xilliga goosashada, waxaa ku dul-daadanaayo wax madow, yaanyadiina waa madoobaaneysaa,” ayey tiri Caalimo.
Waxey sheegtay Caalimo in iyada iyo carruurteeda ay ku tiirsanaayeen dhaqaalaha ka soo baxa beerteeda, haatanna maadcaama khasaaro ku dhacday aaney jirin wax daqli ah oo soo gala.
Cayayaankan ayey sheegtay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay la kulanto. Waxay hadda qoyskeeda ku nool yihiin dhaqaale aan joogto aheyn oo ay ka hesho shaqo dhar dhaqid ah oo ay Balcad ka qabato.
Waxaa jirta beeraley iyaga dawo ku shubay beerahooda, dawadii wax isbeddel h kuma sameyn cayayaankii baabi’inayey beerta.
Cali Bersenji Huud, beertiisa markii uu filayey in ay u soo go’do oo uu u iibgeeyo suuqa, ayaa waxaa ka galay cayayaan dalagyadii uu beertay dhammaantood, isagoo sheegay inuu buufiyey beertiisa, oo uu isticmaalay daawo la yiraahdo Dis Disti, si cayayaanka uu uga taqaluso.
“Lacag waa iga baxday, wax ka soo baxayne malahan, beertii 8-da hektor aheyd waxaa laga jooga meel eber ah. Yaanyadii Ilaahea amarkiis waa dhashay, marka ay soo go’i rabtay waxaa yimi dirxi, oo miraha galaayo. Waxaa imanayo cayayaanka oo geedkii galayo oo jirridiisa ka soo duulayo oo cad cad, oo geedkii dhan oo isagoo fiican aad ogeyd inta caddaado eber ayuu noqonayaa markuu waaga baryo,” ayuu yiri Cali.
Wuxuu tilmaamey Cali in dirxiga uu galayo geedka galayda iyo kuwa kalaba, halkii uu bixin lahaa balaalna inuu halkaasi ku dhimanayo.
Cali wuxuu intaa ku darey inuusan garaneyn habka loo daweeyo beeraha marka cayayaan galo, isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa in tababar loo sameeyo. Waxaa uga baxdey hector-kiiba Cali $250 falid iyo abuuritaankaba, iyadoo aaney waxba uga soo bixin.
Yuusuf Cali Maxamed, waa khabiir Balcad kala shaqeeya hey’adda Islamic Relief dhanka beeraha. Wuxuu sheegay in cayayaanka ku kacey beeraha uu yahay mid cusub oo lamid ah Dhuun Qabadkii hore, kaasoo ah cayayaan laba madax ah, oo gala noocyada kala duwan ee dalagyada. Cayayaankan wuxuu gala yaanyada, sisinta, galayda iyo digirta.
Khabiirka ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in indhihiisa uu kusoo arkay toddobaadkii hore cayayaankan dhibaatada ku haya beeraleyda Balcad, taasoo uu tilmaamey in olole weyn uu u baahan yahay in lagu qaado.
Meelaha uu dalagyada ka asiibo cayayaanadan waa caleenta iyo fiida, oo ah halka dalagyadu ka dhalaan, waxey yeelanayaan wax sonkorta oo kala ah, taasoo soo jiidaneysa cayayaanka, oo ah kuwo il ma qabato ah, iyo kuwa kale ee duula.
“Daawooyinka lagula dagaalo waxaa kamid ah oo loo isticmaalo potassium lorite, melathium iyo Nimoil, waa wax geed talaalka saliiddiisa laga sameeyey, waxyaabaha kale ee muhiimka ah waxa waaye in geedkii biyo badan lagu shubo ama roob uu yimaado, ,” ayuu yiri khabiirka.
Beeraleydan waxaa horay u baabi’isay beerahoodii fatahaad uu webiga Shabeelle sameeyay bishii June ee sanadkan 2018-ka.










