Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen, ayaa wajahayo xaalado cunno xumo iyo hoy oo ay ka dhalatay kaddib markii la dhimay raashinkii gargaarka ee ay heli jireen dagaallada ka socda dalkaas awgeed.
Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa keenay in ay adkaato in dalku gargaar galo, waxayna taas isku si u wada saameysay dadka waddanka qaxootiga ku ah iyo kuwa u dhashay ee gudaha ku barakacay.
Maxamed Xaashi oo ka tirsan Ergo ayaa soo soo jeedinayo warbixin ku saabsan xaaladda qaxootiga.











