Soddon iyo shan qof oo kalluumeysato ah ayaa toddobaadkii hore waxaa tababbar loogu qabtay magaalada Bosaaso. Arrintan waxay ka dambeysay markii kalluumeysatadu ka codsadeen hay’adda USAID gaar ahaan mashruuca Geel in loo iib geeyo kalluunka meelo ka baxsan Soomaaliya, iyadoo dhalisay in marka hore kalluumeysatada laga la taliyo sida ay iyagu u tayeyn lahaayeen qaabka ay u soo saaraan kalluunkooda.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Boosaas Yuusuf Cabdi Shire ayaa arrintan ka wareystay agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda kalluumeysiga Maxamed Saciid.










