Toddobaadkii hore Qaramada Midoobay ayaa u dabaal dagtay 2-da November, oo ah maalinta kahor tagga tacadiyada ka dhanka ah wariyayaasha.
Soomaaliya ayaa ugu horeysa 4-tii sano ee lasoo dhaafay dalalka ugu halista badan ee ay wariyayaashu ka hawl galaan.
Cabdulwali Xasan Xaashi, waa tababare ku hawlan kaqeyb qaadashada tababaro sare loogu qaadayo aqoonta wariyayaasha Soomaaliya, si loo hubiyo badqabkooda.
Wariyahayaga Axmed Daahir, ayaa weeydiiyey Cabdulwali sida uu wax uga badalay tababaradii ay siiyeen wariyayaasha.?










