Imitixaankii fasalka afraad ee dugsiga sare ayaa shalay oo isniin ahayd Kenya ka bilowday, Idiris Budul Shuuriye oo ah madaxa waxbarashada ee Dhadhaab oo xeryaha qaxootigu ka mid yihiin ayaa sheegay in 11 dugsi sare oo xeryaha ku yaal oo gelaya imtixaanka ay gabdhaha aad ugu yar yihiin, tanoo oo uu u sababeeyey guurka degdegga ah iyo shaqada guriga oo gabdhaha inta badan loo diro.
Wuxuuna u waramay weriyaheena xeryaha Dhadhaab Axmed Nuur Yogol.










