Toddobo iyo labaatan qoys oo ka soo cararay colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya oo ku sugan deegaanka Laako oo hoos tagta degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa tan iyo bishii ee September haysataa hoy xumo iyadoo lagu jiro xilliga roobaaka Dayrta.
Muxubbo Cali Ibraahim oo ah hooyo 40 jir ah lehna haysata lix carruur ah,ayaa qoyskeedu ka mid yahay dadkan ay hoy xumadu haysato.
Aqal ka samaysan maryo iyo qoryo ayaa hoy u ah iyada iyo carruurteeda, roobkii dayrta oo ka da’aya deegaanka ayaana nolosheeda sii adkeeyey, wakhtigaan waxay cunaan ayaa ah bariis ay dadka deegaanka u soo ururiyeen oo ay hal mar karsadaan.
“Sidaan aan ku jiro geeridaa dhaanta, kumana sii noolaan karno, cooshadahaan ku nool nahay dhibicda roobka iyo dhaxanta midna ma celinayaan, xilli kastoo roob da’ayo wax kastaa waa naga qoyaan, sidaan u taaganahay annaga iyo carruurtu ayaan isku dul rafaadnay” ayey tiri Muxubbo Cali.
Muxubbo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay kasoo qaxeen deegaanka Jinacsani oo dhaca xuduudda gobollada Oromada iyo Soomaalida. Dadkaan ayey ku qaadatay laba maalmood iyo habeen inay ku soo gaaraan Sanaag.
Muxubbo ayaa sheegtay in ay Sanaag u yimaadeen, markii waalidiintoodii hore u sheegeen inay asal ahaan ka soo jeedaan gobolka Sanaag. Qoysaskan ayaa coladaadd ku waayey hanta ay lahaayeen oo xoolo u badnaa.
“Muddo dheer Itoobiyaan ayaan ahayn, laakiin markii nala soo barakaciyey ee meel aan joogsano weynay oo beero iyo xoolo wixii aan lahayn la dhacay, guryahayagii la gubay ee aan awladii cidla lasoo joogsanay, ayaan Jigjiga u soo qaxnay, kadibna halkaan ayaan soo aadnay,” ayey tiri Muxubo.
Qoysaskan waxa ay hadda la nool yihiin dadka tuulada Laako oo iyaga laftigoodu aan waxba ku dhaamin, dadkaas oo xoolo dhaqato ahaa abaarihii is xig xigeyna xoolihii kaga dhamaadeen, mana jiraan ilaa hadda wax gargaar oo soo gaadhay, iyadoo biyaha keliya ee laga helo deeganka ay yihiin berkado la iibsado oo foostadii la siisto 5 doolar.
Siciid Maxamed Saalax oo maamulka Puntland u qaabilsan arrimaha dadka barakacay iyo qaxootiga gobolka Sanaag ayaa sheegay in dadkaan ay iyaga u yihiin qaxooti ka yimid wadan kale, ayna sidaas u diwaan geliyeen, dadkuse waxay sheegayanayaan inay asal ahaan degaankaas ka soo jeedaan, inkastoo qarniyaal badan ay Itoobiya ku noolaayeen.
“Waa dad tabaaleysan oo aan, waxay degeen meel buushash ay ka samaysteen hu’ biyo iyo cunno midna haysan, waxaa ku xun hoyga, waxay u baahan yihiin in dhinac kasta laga taageero, dadka ay la joogaanna dad wax ku dhaama ma aha” ayuu yiri Siciid.
Tuulada Laako iyo deegaanada miyiga malahan wax fursad shaqo ah oo dadkaani noloshooda ku maarayn karaan, Siciid ayaana sheegay in xubno baarlamaanka Puntland ka tirsan iyo dadka deegaanku iska ururiyeen lacag dhan 6500 oo doolar markii ay yimaadeen, waxaana lacagtaan gudiyadii ururinayey ku iibiyeen biyo iyo raashin ay dadka u qaybiyeen, mase aysan siin lacago kaash ah oo iyagu ay isticmaalaan.
Cabdi Maxamed Daahir oo 28 jir ah isaga iyo laba carruur ah oo uu dhalay waxay ku nool yihiin cooshad. Wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo waalidkii uu kaga yimi deegaanka Jigjiga kadib markii uu waayey dhaqaale ay kula soo safraan, waxa uu sheegay in uu jecel yahay in ay dib u midoobaan.
“Qoyskaygii reer kale ayey dulsaar ku yihiin, waxaan uga soo hor maray in aan u heli karo sahay iyo meel ay degi karaan, welina ma helin oo annigaaba noloshayda adagtahay” ayuu yiri Cabdi.
Wuxuu sheegay in hadda deegaanka ay joogaan ay ku haystaan nabad, walina ay colaaddi ka jirto meelhi ay ka yimaadeen.
Colaaddii u dhaxaysay Soomaalida iyo Oromada weli waa mid taagan, waxaana jira kumaaan qoys oo labada dhinac u kala qaxay welina sugaya sidii mar kale dhulka ay qarniyaal ku noolaayeen dib ugu noqon lahaayeen.
Qoysaskaan hadda ku sugan Laako ayaa sheegay inay jiraan qoysaska kale oo soo socda, kuwaasoo iyaguna asal ahaan degaankaas ka soo jeeda, hasheyeeshee dadkaan waxa ay wajahayaan wax la’aan.










