Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baran: Qoysas hoy xumo haysto

Radio Ergo by Radio Ergo
November 7, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

kaydka

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Toddobo iyo labaatan qoys oo ka soo cararay colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya oo ku sugan deegaanka Laako oo hoos tagta degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa tan iyo bishii ee September haysataa hoy xumo iyadoo lagu jiro xilliga roobaaka Dayrta.

Muxubbo Cali Ibraahim oo ah hooyo 40 jir ah lehna haysata  lix carruur ah,ayaa qoyskeedu ka mid yahay dadkan ay hoy xumadu haysato.

Aqal ka samaysan maryo iyo qoryo  ayaa hoy u ah iyada iyo carruurteeda, roobkii dayrta oo ka da’aya deegaanka ayaana nolosheeda sii adkeeyey, wakhtigaan waxay cunaan ayaa ah bariis ay dadka deegaanka u soo ururiyeen oo ay hal mar karsadaan.

“Sidaan aan ku jiro geeridaa dhaanta, kumana sii noolaan karno, cooshadahaan ku nool nahay dhibicda roobka iyo dhaxanta midna ma celinayaan, xilli kastoo roob da’ayo wax kastaa waa naga qoyaan, sidaan u taaganahay annaga iyo carruurtu ayaan isku dul rafaadnay” ayey tiri Muxubbo Cali.

Muxubbo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay kasoo qaxeen deegaanka Jinacsani oo dhaca xuduudda gobollada Oromada iyo Soomaalida. Dadkaan ayey ku qaadatay laba maalmood iyo habeen inay ku soo gaaraan Sanaag.

Muxubbo ayaa  sheegtay in ay Sanaag u yimaadeen, markii waalidiintoodii hore u sheegeen inay asal ahaan ka soo jeedaan gobolka Sanaag. Qoysaskan ayaa coladaadd ku waayey hanta ay lahaayeen oo xoolo u badnaa.

“Muddo dheer Itoobiyaan ayaan ahayn, laakiin markii nala soo barakaciyey ee meel aan joogsano weynay oo beero iyo xoolo wixii aan lahayn la dhacay, guryahayagii la gubay ee aan awladii cidla lasoo joogsanay, ayaan Jigjiga u soo qaxnay, kadibna halkaan ayaan soo aadnay,” ayey tiri Muxubo.

Qoysaskan waxa ay hadda  la nool yihiin dadka tuulada Laako oo iyaga laftigoodu aan waxba ku dhaamin, dadkaas oo xoolo dhaqato ahaa abaarihii is xig xigeyna xoolihii kaga dhamaadeen, mana jiraan ilaa hadda wax gargaar oo soo gaadhay, iyadoo biyaha keliya ee laga helo deeganka ay yihiin berkado la iibsado oo foostadii la siisto 5 doolar.

Siciid Maxamed Saalax oo  maamulka Puntland u qaabilsan arrimaha dadka barakacay  iyo qaxootiga gobolka Sanaag ayaa sheegay in dadkaan ay iyaga u yihiin qaxooti ka yimid wadan kale, ayna sidaas u diwaan geliyeen, dadkuse waxay sheegayanayaan inay asal ahaan degaankaas ka soo jeedaan, inkastoo qarniyaal badan ay Itoobiya ku noolaayeen.

“Waa dad tabaaleysan oo aan, waxay degeen meel buushash ay ka samaysteen hu’ biyo iyo cunno midna haysan, waxaa ku xun hoyga, waxay u baahan yihiin in dhinac kasta laga taageero, dadka ay la joogaanna dad wax ku dhaama ma aha” ayuu yiri Siciid.

Tuulada Laako iyo deegaanada miyiga malahan wax fursad shaqo ah oo dadkaani noloshooda ku maarayn karaan, Siciid ayaana sheegay in xubno baarlamaanka Puntland ka tirsan iyo dadka deegaanku iska ururiyeen lacag dhan  6500 oo doolar markii ay yimaadeen, waxaana lacagtaan gudiyadii ururinayey ku iibiyeen biyo iyo raashin ay dadka u qaybiyeen, mase aysan siin lacago kaash ah oo iyagu ay isticmaalaan.

Cabdi  Maxamed Daahir oo 28 jir ah isaga iyo laba carruur ah oo uu dhalay waxay ku nool yihiin  cooshad. Wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo waalidkii  uu kaga yimi deegaanka Jigjiga kadib markii uu waayey dhaqaale ay kula soo safraan, waxa uu sheegay in uu jecel yahay in ay dib u midoobaan.

“Qoyskaygii reer kale ayey dulsaar ku yihiin, waxaan uga soo hor maray in aan u heli karo sahay iyo meel ay degi karaan, welina ma helin oo annigaaba noloshayda adagtahay” ayuu yiri Cabdi.

Wuxuu sheegay in hadda deegaanka ay joogaan ay ku haystaan nabad, walina ay colaaddi ka jirto meelhi ay ka yimaadeen.

Colaaddii u dhaxaysay Soomaalida iyo Oromada weli waa mid taagan, waxaana jira kumaaan qoys oo labada dhinac u kala qaxay welina sugaya sidii mar kale  dhulka ay qarniyaal ku noolaayeen dib ugu noqon lahaayeen.

Qoysaskaan hadda ku sugan Laako ayaa sheegay inay jiraan qoysaska kale oo soo socda, kuwaasoo iyaguna asal ahaan degaankaas ka soo jeeda, hasheyeeshee dadkaan waxa ay wajahayaan wax la’aan.

 

Previous Post

Baran: Qoysas hoy xumo haysato

Next Post

Qoysas ku qanacsan inay gargaar ku tiirsanaadaan

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Soomaalilaan: Dad baahi iyo haraad u geeriyooday

Qoysas ku qanacsan inay gargaar ku tiirsanaadaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo