Dad badan oo abaarta iyo biyo la’aanta ku barakacay waxay fursad wanaagsan u arkaan inay dib ugu noqdaan deegaannadii iyo nolashoodi hore laakiin waxaa jira kuwo ku qanacsan inay ku tiirsanaadaan gargaarka ay ka helaan hay’adaha sama-falka.
Shamis Cilmi Maxamed oo ku nool xero barakaca oo ku taalla deegaanka Gar-adag oo ka tirsan oo 187 KM u jira Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa ku qanacsan lacagta gargaarka ah ee sida billa ah ay uga hesho hay’adaha samafalka oo ugu shuba teleefoonkeeda gacanta. Shamis oo qoyskeedu ka kooban 10 ruux ayaa halkan soo dagay 2016. Xilligaas oo ay abaarta uga le’deen in ka badan shan boqol oo neef oo ari ah.
Shamis oo ah hooyada sagaal carruur oo agoon ah ayaa bishi qaadataa lacag dhan sideetan iyo shan dollar oo ay raashin iyo arrad bax ugu gaddo carruurteeda maadaama deegaankkoodu aanu lahayn goob waxbarasho.
Waxay rumaysan tahay in nolashii miyiga iyo tan maanta ay tan aad uga wanaagsan tahay marka la eego dhanka howl yaraanta iyo lacagtan aan dhibka loo marin ee la iska hesho.
“Maanta iyo marki hore waanu kala badallanay, waan nasanay, waan qubeysannay, dhar fiican baan helnay, waxay nala tahay inay hadda nolosheenna nooga wanaagsan tahay markii aan xoolaha lahayn”
Qoysaskan ayaa sidoo kale dhanka biyaha waxaa ka caawisa hay’adda Oxform,Waxay tilmaantay wax ka maqan oo kaliya inay tahay waxabarasho inay u helaan carruurta.
Shamis ayaa sheegtay in marki hore xoolo dhaqda mooyaane aysan garan inay wax kale ka qabsadaan si ay abaaraha uga badbaadaan balse hadda ay aamisan tahay in aan dib loogu noqon xoolo dhaqashadi balse laga sii socodo oo carruurta wax la baro.
“Horta xoolo meel ku og ayaa laaban kara,laakiin xoolo aan kula noqdo ma haysto anna igama hayso in aan ku noqdo nolashan ayaan rabaa, hadda waxaan jeclahay in aan horay u socdo oo carruurta waxbarasho helaan waayo markii hore jaalhilnmo ayaan ku jirnay”
Hay’adaha samafalku waxay u arkaan nidaamkan mid si fudud loogu caawin karo dadka ka soo barakacay sida uu sheegayo Cabdicasiis Cali Caddaani oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee hay’adda Oxfam oo ka mid ah hay’adaha lacagta bixiya. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in lacagta la siinayo dadkan ay tahay nidaam cusub oo ay isla qaateen shan sano ka hor hay’adaha gargaarka bini’aadamnimada ka shaqeeya si dadka abaaraha ku barakacay ay lacagtaasi ugu dabartaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.
Qoysaskan lacagta la siiyo waxay ku nool yihiin ilaa shan xero oo ku yaalla meelo kala duwan. Hay’adda uu la shaqeeyo Cabdicasiis waxay ka howlgashaa 95 tuulo oo ku kala yaal gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool.
“Dadka waxaanu u kala xulannaa, kuwa da’da waaweyn, kuwa aan waxba qabsan karin ee waalidku ka dhinto, dadka xanuunsan, xeryaha ayaan guddi ka samaynaa dadka soo xula,”ayuu yiri Cabdicasiis.
Guddoomiyaha hay’adda dadka barakacay iyo qaxootiga ee Soomaaliland Cabdikariin Axmed Xinif ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qofka marka loo qoro biil joogta ah bishi oo gaaraya 65-85 doolar uu ka tagayo In uu ka fakaro in uu shaqo doonto, in uu ubadka waxbaro iyo in uu u howlgalo in uu nolashiisi hore dib u dhisto. Wuxuu tilaamay in haddii sideetan iyo shanta doolar la isugu daro sanadki oo hal mar la siiyo ay u goyso in ka badan sooddan neef oo ari ah.
“6779 qoys oo saddex bilood lacagta ku baxday tahay milyan iyo afar boqol iyo siyaado. Qoyskiba sida la sheegay $80 baa la siiyay, lacagtaas markaan aniga isku xisaabiyay 542,320 kun bay noqotay bishi in la bixinayo, sanadki waxay noqotay lacag lix milyan ah. Lixdaas milyan markaan xoolo u rogay, neefkii la dhaqanayay $30 baan ka soo qaaday, waxay noqotay 216,928 neef oo ari ah, markaan u qeybiyay 5 kun oo qoys, qoyskiba wuxuu helayaa 46 neef. Taas waa hay’ad qura, hay’adaha lacagta bixiya waa tobannaan,” ayuu yiri Cabdikariin.
Wuxuu tilmaamay in hay’addiisu bisha December ay kulan la qaadan doonaan hay’adaha gargaarka si dib-u-habeyn loogu sameynayo qaabka ay hay’adaha caalamiga u caawiyaan dadka ku barakacay gudaha Somaliland. Boqol iyo konton kun oo qoys oo ku kala nool shan gobol oo Soomaaliland ayaa ku tirsan dhaqaalaha ay ka helaan hay’adaha gargaarka.
Abaarta oo si guud u saamaysay xoolo dhaqatada, beeralayda iyo dadka ganacsi ahaan ku tiirsanaa ayaa keentay in kumanaan qoys ay galaan magaalooyinka sida magaalada Gurceel oo lix boqol iyo siddeetan qoys oo ku nool toban xero oo ku yaalla degmadaas ay bil walba helaan lacagta gargaar ahaanta loo bixiyo.
Labo boqol iyo siddeetan qoys oo ka tirsan dadkaan waxay lacagta ku helaan habka taleefanka gacanta, marka ay bil walba kow tahay qoyskiisaba wuxuu helaa oo sideetan iyo shan dollar oo ay ku caawiso hay’adda NRC, halka 400 oo kalena ay helaan raashin lagu qiimeeyo $85 oo ay WFP u marsiiso hay’ado maxalli ah sida Towfiiq iyo Baraado, kuwaas oo qoysaska ku wareejiya 5-ta ilaa 10ka bisha, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay af-hayeenka dalladda dadka barakacay ee Guriceel Maxamed Macallin Xasan.
Tan iyo bishi May ayey dadkaasi qaadanaynaan gargaarkan. Maxamd Macallin Xasan ayaa sheegay in dadka la siiyo lacagta lagu soo xushay inay yihiin dadka ugu jilicsan ee aan helin fursado shaqo ama waxa soo gala ay aad u yar yihiin.
Aamino Cali Xiddig waxay ka mid tahay qoysaska hela raashin ku qiimeysan $85. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in nolosha reerkeeda ay ku tiirsan tahay raashin kala ah bur, sokor iyo bariis min 25 kiilo ah, 20 kiilo oo baasto ah iyo 9 liitar oo saliid ah, oo ay ka soo qaadato bakhaar ku yaalla degmada markay bishu dhammaato.
“Arigii xilligii abaarta ayuu na dhaafay hadda waxaan joognaa buushashkaan, gargaar hadda ka hor ma anan arag, raashin aan badneyn ayaan bilahaan qaadaneynay ee wax ka horreeya ma aanan arag.”
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qoyskeeda uusan jirin qof u shaqeeyo, odaygeeda oo da’ ahna uusan waxba qaban oo uu guriga iska joogo.
Miyiga Daba-yoodley oo 45 km koonfur uga beegan degmada Guriceel ayay qoyska Aamina oo 12 qof ka kooban ayay ka soo barakaceen, laakiin hadda waxay ku nool yihiin welwel la’aan maadaama bil kasta ay qaataan raashin ay si bilaash ah ku helaan.
Cabdiqaadir Maxamuud Yoonis oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargeysa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay ahayd in dadka xoolo loo iibiyo lagana joojiyo lacagta si aanay meesha uga bixin nolosha xoolo-dhaqatada.
Wuxuu tilmaamay in lacagta dadkaas la siinayo ay markiiba dhammaaneyso, laakiin loo baahan yahay in dadkaas lacagta si degdeg ah looga joojiyo, loona ururiyo si mar keliya xoolo loogu iibiyo dibna loogu celiyo.
“Hay’adaha waa in lala xisaabtamo oo dowladdu waxay u baahan tahay iyo meesha baahidu ka jirto u dirto si aanay meelna u qadin meelna u dhergin, midda kale waa raashinka la bixinayo ee iska dhammaanayo in dadka laga daayaa oo noloshooda inay ku noqdaan lagu khasbaa,”










