Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Burco: Carruurta tuulada Xayira oo helay fursad waxbarasho oo bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
September 27, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
URUR DHALINYARO JAMACADAHA KA SOO BAXAY OO ISU TAAGAY TACLIIN INAY U RAADIYAAN ARDAYDA SABOOLKA AH

Photo | kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo labaatan arday oo da’doodu u dhexeyso 7 ilaa 12 sano jir ayaa ku biiray dugsi hoose/dhexe oo laga furay tuulada Xayira oo 80 km dhanka bari ka xigta degmada Burco. Labo iyo laatan ka tirsan ardaydaas waa gabdho, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Suleymaan Ismaaciil oo ah maamulaha dugsiga.

Dugsiga oo la furay 28-kii bishii la soo dhaafay ee Agoosto ayaa ka kooban qeyb wax laga barto iyo qeyb ay ardaydu jiiftaan,  si haddii qoysaska ay ka soo jeedaan oo xoolo-dhaqato ah marka ay hayaamaan aanay waxbarashada uga tagin ama uga kala go’in. Agabka waxbarasho, labiska iyo waxbarashaduba waxay ardaydu u tahay bilaash.

Dadka ku nool tuulada ayaa carruurtooda waxbarasho ugu diri jiray Burco,  iyaga oo u geynaya dad eheladooda ah oo ay la noolaadaan inta waxbarashadu u socoto. Laakiin hadda taas way ka maarmayaan, waxaana socda qorshe dugsi sare looga hirgelinayo tuulada.

Dadka carruurtooda Burco u diri jiray si ay waxbarasho ugu helaan waxaa ka mid ah Cawil Cali Khaliif oo labo k atirsan carruurtiisa ay hadda dugsi sare ka dhigtaan Burco.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in hadda uu dugsiga tuuladiisa laga furay geystay 5 carruur ah oo saddex ka tirsan ay dhigtaan dugsiga dhexe.

“Culeysyadii waxbarasho la’aan ee na haystay ayuu naga dejiyay,” ayuu yiri Cawil oo ah aabbaha 9 carruur ah, tuuladana ku haysta 30 neef oo ah ari uga soo badbaaday abaarti.

Waxaa sidiisa oo kale dugsigan carruur gaystay Idil Suleymaan Aadan. Labo wiil oo ay dhashay oo kala jiro 7 sano iyo 10 sano ayay keentay dugsiga.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inaysan haysan dhaqaale ay carruurteeda ugu dirto Burco, taasna ay ku hayn jirtay walaac badan iyo halka ay uga heli lahayd waxbarasho, balse ay hadda fursaddaan ayaa u suurta gelisay inaysan ka welwelin waxbarashada carruurteeda.

Suleymaan Ismaaciil oo ah maamulaha dugsiga laga furay tuulada Xayira, ayaa sheegay in qalabaynta iyo waxbarashada aydayda loo qoondeeyay bil kasta inay ku baxdo 5 kun oo doolar, taas oo ay maareeyaan qurbe-joog ka soo jeedda deegaanka oo hirgeliyay dhismaha sugsiga.

Idil oo qoyskeeda ay ku xoolo beeleen abaarti, waxay nolol-maalmeedka qoyskeeda ka soo saarataa dhuxul ay ku iibiso waddo tuulada marta oo isku xirta Burco iyo Ceerigaabo. Waxay maalintiba heshaa lacag dhan 10 kun oo shilinka Somaliland ah una dhiganta $1.

Waxa ay sidoo kale tuulada ku dhaqataa 13 neef oo ari abaarti uga soo badbaaday ah, waana hooyo haysata 5 carruur ah.

Dadka ku nool tuulada Xayira, waa dadkii ku cayroobay abaarti, oo qaarkood ah dadka tuulada horay u degganaa iyo qaar kaloo ku soo hayaamay xilligaas.

Previous Post

Dhadhaab: Waxaa is dhimay tirada qaxootigi dib ugu laabanayay Soomaaliya

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo