Booliska Somaliland ayaa wado howlgallo ka dhan ah jarista iyo gubista dhirta oo ay sameynayaan dadka ku cayroobay abaaraha ee xoolo-dhaqatada ahaa.
Howlgallada ayay boolisku ka sameynayaan deegaanno ka tirsan gobollada Togdheer iyo Sanaag oo ah meelaha ugu badan ee dhirta laga jaro. Warbixintaan oo faahfaahsan waxaa soo diyaariyay weriyaha Raadiyo Ergo ee Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali.










