Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Soomaaliya: Dowladda oo baareysa xoolihi laga soo celiyay Sacuudiga

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
QARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

Photo|Keydka ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Wasaaradda Xanaanadda xoolaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in uu socdo baaritaan ay si wada jir ah u samaynayaan iyaga iyo maamulka Puntland kaas oo lagu xaqiijinayo waxa ka jira in xanuunka Rift Valley-ga ee lagu sheegay inay qabaan qaar ka tirsan 27,000 kun oo neef oo ari ah oo toddobaadkii hore ka dhoofay dekedda Boosaaso, isla markaasna isla dekedaas dib loogu soo celiyay Isniintii toddobadkan.

Dr. Cabdiraxmaan Shoole oo ka mid ah guddiga dhoofka Xoolaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in baaritaankaas laga soo saari doono natiijo horraanta toddobaadka soo socda. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in dowladda Sacuudigu aysan weli u soo gudbin warqadii caddeyn lahayd sababta celinta xoolaha balse wuxuu sheegay in ay heleen warqado markabka la socday oo ka hadlaya xoolaha saaran markabkaas oo saraakiisha caafimaadka Sacuudigu sheegeen in cudurka Rift Valley ay qabaan.

“Baaritaanka natiijadda sabtida in aan iclaaminno baan rabnaa, annaga iyo Puntland-na waa isla  wada sameynaynaa, wixii guddi baa loo wada xil saaray. Sababta xoolaha lagu soo celiyay si rasmi ah nooma soo gaarin ilaa hadda, waxaa jira waraaq la isu soo diro, waraaqdaasna weli nama soo gaarin. Laakiin waraaqihii markabka la socday oo aan helnay in ay Rift Valley xoolaha ku sheegeen. Xoolihii xoolahaas ka dambeeyayna waa galeen oo waa socdaan maraakiibtii,” ayuu yiri Shoole.

Wasaaradda xannaanada xoolaha ee Puntland oo aan arrintan wax ka weydiinnay waxay sheegtay intaysan xooluhu dhoofin in ay maraan ilaa saddex baaritaan oo uu ku jiro kan dekedda intaan maraakiibta la saarin ka hor. Waxayna beeniyeen jiritaanka xanuunkan.

Maxamed Barre Cali wuxuu ka mid yahay ganacsatada yar yar ee dhulka miyiga ee gobolka Bari ka soo aruuriya xoolaha jarka ah ee dibadda loo dhoofiyo. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markabkaas ay u saarnaayeen 1,500 neef ari jar ah, kuwaas oo uu hore uga iibsaday reer miyiga dooxooyinka gobolkaas.

Maxamed wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay wax laga niyad-jabo, maaddama ganacsatada isaga oo kale ah ay aad u faa’iidaan xilliga carrafada, waxayna ka fekerayaan isaga iyo ganacsatada kale ee markabkan ku leh xoolaha in ay bedel wanaagsan u helaan xoolahan oo aan lagu sii hayn karin Boosaaso.

Maxamed wuxuu u sheegay Raadiyo Ergo in lacag xooggan oo uu ku soo iibsaday ay kaga jirto xoolahaas hadii aan suuq loo helinna ay ku tahay khasaare uusan ka soo kaban Karin. Maxamed ma sheegin cadadka lacagtaas.

“Sababta looga soo celiyay Sacuudiga bay khuseysaa, anigu xoolihii aan dhoofsanay kuma ogayn Rift Valley, waxba kama caddeyn karno anagu waxay iyagu ka heleen. Xoolahaasna lacagtoodii waa maqan tahay oo waxay ku maqan tahay ganacsadii dhoofinaysay,” ayuu yiri Maxamed.

Ganacsatada ka socota Sacuudiga ee xoolaha ka iibsata seyladda magaalada Burco ee xarrunta gobolka Togdheer oo ah tan ugu weyn Somaliland, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay joojiyeen xoolihii ay ka iibsanayeen seyladaha. Dhanka kale dekedda magaalada Boosaaso ayaa lagu soo warramayaa inaanay jirin xoolo laga rarayo oo loo wado dalka Sacuudiga, arrintaas oo walaac ku abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaalida oo rajo fiican ka qabay dhoofka xoolohooda.

Maxamuud Salaad wuxuu ka mid yahay xoola-dhaqatada ka walaacsan arrintaan. Wuxuu ku nool yahay deegaanka Damal-samahele oo ka tirsan degmadda Dangoronyo ee gobolka Nugaal.

“Dadka xoolaha dhaqatadda ah welwel bay ku tahay, xoolihii dhabarka u ahaa waa kuwaas la leeyahay waa la soo celiyay, boqolkiiba boqol bay dhabar jab ku tahay. Dadka xoolaha ninba nin buu ku tiiraa ganacsade ilaa kan ugu dambeeya ee neefka ariga ah agtaagan,” ayuu yiri.

Saraakiisha wasaaradda xannaanada xoolaha ee Soomaaliya ayaa sheegay inay la xiriirto xilligii xajka ee xoolaha loo baahnaa oo soo dhowaaday, isla markaana aanay xiriir aanay la lahayn xayiraad la saaray xoolaha Soomaalida.

Qiyaastii hal miylan oo neef ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay galeen Sucuudiga, kuwaas oo ay qaadeen lix markab oo ka baxay dekedaha dalka, xoolihii ugu dambeeyay ayaana ilaa 15-kii Agoosto dalka ka baxay, sida uu sheegay Cabdirisaq Shoole oo ka mid ah guddiga dhoofka xoolaha ee wasaaradda xanaanada xoolaha Soomaaliya.

“Shanta bisha (Hijriga) baa ugu dambaysa si looga gaaro, ileen ciiddii waa dhowadahay Xajkiina, marka xoolihii waa socdaan xoolihiina waa loo baahan yahay, laakiin dad xoolihii isku dhoofinaya marka waa la isku celiyaa badeecadda marna waa la kala qaataa, waa iska caadi ma ogtahay,” ayuu yiri Dr. Shoole.

Soomaaliland ayaa sheegtay in xoolaha lagu soo celiyay Boosaaso aysan wax saameyn ah ku yeelan xoolihii ka dhoofayay Berbera ee u socday Sucuudiga, wuxuuna sheegay isu-duwaha arrimaha dhoofka xoolaha ee wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliland Axmed Xaaji Cabdullahi in caawa dhowr markab oo xoolo ah ay u baxayaan Sacuudiga ilaa iyo toddobaadkii horena uu dhoofku si caadi ah oo aan caqabad lahayn u socday.

“Horta anaga wax saameyn ah naguma yeelan xoolahaas Boosaso lagu celiyay, anaga xoolihii horena waa tageen kuwa kalena waa socdaan. Warka Burco ku saabsan horta idaacadda uun baan ka maqlay laakiin dee waxay ku xiran tahay wakhtiga carrafada oo ciidii baa dhow, haddii ciiddu soo dhowaato seyladaha waa laga hakiyaa, marka wakhti bay ku xisaabtamayaan,” ayuu yiri isuduwuhu.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo xoolaha nool ayaa bishii September ee sanadkii 2016-kii xayiraad saaray in loo dhoofiyo xoolaha nool una  sababeeyay in xoolaha Soomaaliya ay qabaan xanuunka Rift Valley, balse wasaaradda xannaanadda xoolaha ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xanuunkaasi aysan qabin xoolaha Soomaaliya, sida uu bishii lasoo dhaafay  sheegay wasiirka wasaaradaas Sheikh Nuur Maxamed Xasan, xilligaas oo dib loo billaabay dhoofka xoolaha.

Previous Post

Somaliland: Olole ka dhan ah dadka dhirta guba oo boolisku ay ka wadaan Togdheer iyo Sanaag

Next Post

Barnaamijka Dalandool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
blank

Barnaamijka Dalandool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo