Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Cudurka Furuqa oo xoolo ku dilay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

Radio Ergo by Radio Ergo
August 6, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Warbixin ku saabsan deegaanada abaarta ka roonaa oo hadda xooluhu dhimanayaan

File Photo/Ego

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Seddex boqol oo neef oo ari ah ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay cudurka Furuqa ee xoolaha ku dhaca ugu geeriyooday deegaanka Galo oo 45km dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarrunta gobolka Galguduud.

Cudurka oo 10-kii Julaay ka dillaacay deegaanka ayaa ku dhacay xoolaha 180 qoys, iyadoo hadda cudurku uu hayo xoolo lagu qiyaasay 3,000 oo neef, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha deegaanka Galo Siciid Cali Cabdi.

Dhaqaatiirta xanaanada xoolaha ee magaalada Dhuusamareb oo daaweyn ka sameeyay deegaano ku dhow Galo ayaan gaarin halka cudurka Furuqa uu ka jiro, iyagoo sheegay in aysan heyn tallaalka cudurkaas, sidaas darteedna aysan tagi karin Galo sida uu markale sheegay Siciid.

Cabdullaahi Kadiye waa 45 jir qoyskiisu ka kooban yahay siddeed qof, wuxuu ari dhan 100 neef ku dhaqdaa deegaanka Galo. Cudurka Furuqu ayaa uga dhacay 50 neef oo arigiisa ka tirsan, iyadoo ay ka dhinteen 20 neef, halka 30 kale ay weli la liitaan. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb oo uu dawo u doontay uu ka waayay beddelkeedna uu xoolihiisa mariyo daawada loogu talo galay dhamiijada oo aan waxba ka tarin xanuunka haya xoolihiisa.

Cabdullaalihi ayaa sheegay in xoolaha markii uu cudurka ku dhaco uu hayo muddo toddobaad ah dabadeedna uu u dhinto taas oo saamayn ku yeelatay nolosha qoyskii.

Qoyska Cabdullaahi oo caanaha xoolaha iyo iibsashadooda ku tiirsanaa, ayaa hadda raashinka reerkiisu cuno ka deynsada baqaar uu raashinka ka iibsan jiray oo ku yaalla Dhuusamareeb, maaddaama xoolihiisu aysan waqtigan ku jirin, kuwo iib gala. Afar iyo tobon riyo oo u irmaanaa ayaa ka guray kuwaas oo ka mid ahaa kontonka neef ee cudurku kaga dhacay.

Dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa aaminsan in xooluhu ay cudurka ku kala qaadayaan halka ay biyaha ka cabaan iyo sidoo kale dhirta ay wada harsadaan ama marka ay isku darmaan, sidaasna ay isugu gudbiyaan.

Warsame Cadceed Dhiblaawe, waa 40 jir, qoyskiisu ka kooban yahay toddobo qof. Wuxuu leeyahay 200 oo neef oo ari ah, waxaana 100 neef oo ka tirsan xoolihiisa uga dhacay cudurka Furuqa, iyadoo ay uga dhinteen 40 neef, halka ay 60 kale wali la liitaan xanuunka saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Warsame ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in neefku markuu xanuunsado uu bilaabayo qufac, kaddibna korkiisa ay ka soo baxayaan nabaro biyo ku jiraan, kaddib toddobaad uu neefkii ku dhimayo, halka kuwa ka badbaadana uu hilibku ka dhammaanayo oo haraga iyo lafuhu isku soo harayaan. Wuxuu intaas ku daray in arigiisa 20 maalmood oo uu xanuunku hayo weli uu soo ridanayo kuwo hor leh.

Dr Suleyman Maxamed Saalax oo ku taqasusay daweynta xoolaha ayaa Raadiyo Ergo u bandhigtay astaamaha ay xoolo-dhaqatadu ka sheegeen xoolaha wuxuuna sheegayn inuu yahay cudurka Furuqa isagoo xusay in cudurkan uusan daawo lahayn ka hortag mooyee.

Dr. Suleymaan ayaa xoolo-dhaqatada kula taliyay in marka ay astaamahaas ku arkaan xoolohooda ay ka saaraan xerada, si aanay kuwa kale u qaadsiin, isla markaana ay xero ka fog u sameeyaan, sidoo kalena haddii la heli karo ay wargeliyaan dhakhaatiirta xanaanadaha xoolaha.

Cudurkan ayuu sheegay in inta badan la arko xilliyada uu qabowgu jiro ama marka kuleyl daran uu jiro. Waxaana deegaanka Galo waqtigan ka jira dabaylo habeenkii dhaca, kuwaas oo qabow wata.

 

Previous Post

Mudug: 200 oo carruur ah oo ka faaíidaystay iskuul laga sameeyay deegaanka Xaar-xaarka

Next Post

Buuhoodle: Arday wax ku baran jiray geedo hoostooda oo fasallo loo dhisay

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
TIRADA GABDHAHA KA HARA TACLIINTA OO SII BADANAYSA

Buuhoodle: Arday wax ku baran jiray geedo hoostooda oo fasallo loo dhisay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo