Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: 200 oo carruur ah oo ka faaíidaystay iskuul laga sameeyay deegaanka Xaar-xaarka

Radio Ergo by Radio Ergo
August 6, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Madiino Cabdi Yuusuf, waa hooyo qoyskeedu ka kooban yahay siddeed qof. Markii ugu horaysay ayay fursad waxbarasho oo bilaash ah u heshay wiil 11 jir ah iyo gabadh 9 jir ah oo ay dhashay. Waxay ku nooshahay xerada barakaca ee xaar-xaarka. Madiino ma shaqayso mana lahan xirfad ay ku shaqaysto. Carruurteeda kale ayay sheegtay in mid kamid ah uu gaaray heerka waxbarasho balse Xumad haysa darteed iskuulka aysan u geyn.

Carruurteeda ayaa qeyb ka ah 200 oo arday oo dhigata Iskuul ka kooban afar qol iyo xafiis oo ah dugsi hoose oo loo dhisay dadka soo barakacay, kaas oo bilowgii sannadkan laga dhisay deegaanka Xaarxaarka oo Gaalkacayo koonfur bari uga beegan qiyaastii 10 km.

Iskuulkan oo ay dhismihiisa iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo hay’adda Care ayaa waxbarashadiisu bilaabatay 28 bishii aynu soo dhaafnay ee July, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay wasiir ku xigeenka waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame.

Inta ay waxbarashada ku maqan yihiin ayay sheegtay inay iskuulka ka helaan cunto quraac u noqon karta, maaddaama iyadu subixii hore aysan dabka shidan. qoyskeeda oo danyar ah  inta badan habeenkii ayay wax karsadaan, waxaana noloshoodu ay ku tiirsan tahay gargaarka hay’aduhu ay geeyaan deegaanka xilliyo kala duwan.

Madiino ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inaanay haysan qarashkii ay caruurteedu ugu raadin lahayd waxbarasho, balse hadda ay u hesahay fursad ay si bilaash wax ugu dhigan karaan. Waxay horey uga soo barakaceen miyiga deegaanka Saddex Higlo oo koonfur kaga beegan deegaanka Xaar-xaarka qiyaastii 56 km, halkaas oo ay abaartu kaga dishay 200 neef oo ari ah. Madiino ayaa deegaanka ku soo barakcday bishii labaad ee sanadkii 2017-dii.

Guddi toddobo xunbood ka kooban ayaa isbuuc walba maalmaha Khamiista iyo Jimcaha guryahooda ugu tagi jirey dadka xerada ku nool, si ay ugu qanciyaan in caruurtooda ay waxbarashada bilaashka ah usoo diraan. Mararka qaar ayay ugu tegi jireen meelaha la isugu yimaado ee xeryaha barakaca ku dhexyaalla. Halkaas oo odayaal iyo dhalinyaro badan ay galbihii ku shaahaan.

Iskuulka ayaa wax lagu bartaa subaxii iyo galabtii, xiisadaha ayaana bilaabma hal saac oo subaxnimo, iyadoo laga baxo lix saac oo duhurnimo. Galabkii ayaa qaar kale soo galaan ilaa maqribkii ayayna ku jiraan. Waxaa iskuulku fasax yahay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee toddobaad walba. Iskuulka oo ku dhex yaalla xerada ayaa maaddooyinka caruurta loo dhigo waxaa ka mid ah far-Soomaali, xisaab iyo tarbiyo.

Cabdulqaadir Warsame oo madax ka ah hay’adda maal-galisay dhismaha iyo qalabaynta xarunta waxbarasho ayaa sheegay in hay’adda Care ay bixinayso muddo 20 bilood ah dharka iyo buugaagta carruurtu wax-ku-baranayaan iyo macallimiinta waxbaraya oo mushaarkooka oo midkiiba yahay $100 bishii. Wixii ka dambeeyeyna wasaaradda waxbarashada Galmudug ay la wareegayso. Doorka wasaaradda ayaa ah maamulidda iskuulka iyo ogaanshaha waxbarashada la siiyo caruurta iskuulkan wax ku barta.

Kahor hirgalinta iskuulka, qaar ka tirsan carruurta ayaa lagu bari jiray qoridda far-Soomaliga dhisme cooshad ka samaysnaa, kaas oo aan lahayn agabka aasaasiga ee waxbarashada, waxaana si bilaasha ah wax ku bari jiray saddex macalin oo mutadawiciin ah islamarkaana maalmaha Arbacada. Khamiista iyo Jimcaha wax bari jiray carruurta. Macallimiinta ayaa ah kuwa hadda carruurta wax ku bara iskuulka cusub ee deegaanka laga hirgeliyay.

Axmed Maxamed Odowaa oo aabbe u ah qoys toddobo qof ka kooban, Waxa uu ka tirsan yahay waliddiinta lagu qanciyay in caruurtoodu waxbarashada dhigtaan. Wiil 10 jir ah ayaa iskuulka u dhigta, waxaana uu sheegay in laba sano oo uu barakac ku joogo Xaar-xaarka carruurtiisa aysan helin waxbarasho diini iyo mid maaddi ah sababtuna ay tahay in uusan xitaa awoodin 50 shilling Soomali ah oo dugsiga quraanka ugu dhigan lahaayeen.

“Mar haddii cunugayga uu ii helayo waxbarasho iyo wax uu cuno inta uu iskuulka joogo wax qof kasta heli karo maahan. Marka uu ka yimaado iskuulka waxa uu xaafada yimaada isago dharagsan’’, ayuu yiri Axmed.

Wuxuu qorshaynayaa in laba kale oo carruurtiisa ka tirsan oo heerka waxbarasho gaaray in asbuucan dhexdiisa uu geynayo iskuulka.

Iskuullada ku yaalla deegaannada Galmudug ayaa dib loofuray 4 bishan August Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal, ayaa Ergo u sheegay in sababta bilowga waxbarashada iskuulkan looga soo hormariyay iskuulada kale oo fasax ku jira ay tahay sidii loogu sii carbin lahaa u badkan waxbarashada si ay ula jaanqaadan marka la furo iskuulada kale ee ku yaalla deegaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in xilliyada subixii iyo galabtii caruurta ay helaan cunooyin fudud sida mushaali iyo caano boore, maadama caruur baahan aysan xiisad qaadan karin.

“Qorshaha iskuulkan aan ka leenahay oo aan juhdiga badan u galinay hirgalintiisa waxa weeye in uu kamid noqdo iskuulada Galmudug ku yaal, midka ugu muhiimsan uguna fursadda fiican. Maadaama caruurtan mustaqbalkoodu hubaal la’aan ahaa waxabarasho ka helayaan. Wasaaradda waxa ay xooggeeda iskugu geyn doontaa sidii iskuulku horay ugu sii socon lahaa,” ayuu yiri Burhaan.

Waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii ballaariyo dhismaha iskuulkan bilowga sanadka 2019 si fursaddan ay uga faa’iideystaan 4,765 carruur ah oo deegaanka ku nool kuwaas oo xilligan aan waxbarasho haysan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in iskuulkan ay ka leeyihiin qorshe fog oo ah, in caruur badan ay mustaqbalka waxbarasho ka helaan, iyadoo carruurta ka gudubta dugsiga hoose ay u diyaarin doonaan inay ku biiraan iskuullada dhexe ee gobolka ku yaalla.

 

 

Previous Post

Somaliland : Qoysas barakac ku ahaa Hargaysa oo la siiyay dhul ay leeyihiin

Next Post

Galgaduud: Cudurka Furuqa oo xoolo ku dilay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Warbixin ku saabsan deegaanada abaarta ka roonaa oo hadda xooluhu dhimanayaan

Galgaduud: Cudurka Furuqa oo xoolo ku dilay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo